Kulanka Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Mujaahid Axmed Mire & Sawirka Mustaqbalka siyaasadeed Ee Somaliland

0
795

Hargeysa (Geeska) – Khamiistii doraad waxa Magaalada Hargeysa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Siyaasiga Axmed Mire Maxamed.

Kulankan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ayaa waxa Goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Boos Mire Maxamed oo ay Walaalo yihiin Axmed Mire Maxamed.

Mujaahid Axmed Mire oo muddo dheer dalka dibeddiisa ku maqnaa ayaa waxay noqonaysaa markii koowaad ee uu kulan la yeesho Madaxweyne Muuse Biixi, ka dib dhowr jeer oo uu ka cudur-daartay.

Muuse Biixi Cabdi iyo Axmed Mire oo ka mid ahaa Raggii ugu cadcaddaa halkii jabhaddii SNM ayaan muddo dheer si furan oo Dadweynuhu ogyahay u kulmin, sababtaasna Dadka xog-ogaalka ahi waxay u sibir-saaraan Xurguf siyaasadeed oo muddo dheer dhex taallay labada Mujaahid.

Hase-yeeshee, Dadka Siyaasadda fallan-qeeya isla-markaana ogaa in Axmed Mire uu dhowr jeer oo hore diiday la kulanka Madaxweyne Biixi ayaa sheegaya in kulankii dhacay Khamiistii uu muujinayo isbeddel dhanka siyaasadda ah iyo isku soo dhawaansho labada dhinac ah oo yimid, inkasta oo aan dhab ah loo ogayn,  haddana Dadka siyaasadda faalleeyaa waxay qabaan in arrimaha kulanka lagaga wada-hadlay  iyo Natiijadiisuba ku soo ururayso labada Qodob midkood. Waa marka koowaad’e waxa suurto-gal ah in ujeeddada kulanka labada Siyaasi ahayd inay iska cafiyaan Xurguftii siyaasadeed ee muddada dheer dhex taallay, waxaana laga yaabaa in kulanka oo uu ka soo shaqeeyay Wasiirka Arrimuhu ay suurto-gal tahay inuu dalabku ka yimid Madaxweyne Biixi, haddii ay sidaa tahay waxa suurto-gal inuu bog cusub u bilaabmo labadan Mujaahid ee muddada dheer kala maqnaa. Waa marka labaad’e  waxa suurto-gal ah in kulankoodu oo ku bilaabmay isa saamaxa isa seeggii siyaasadeed ee u dhexeeyay waxa suurto-gal inuu weheliyo isku soo dhawaansho siyaasadeed hor leh oo sababa Jaal siyaasadeed oo cusub oo dhex mara Madaxweyne Biixi, Mujaahid Axmed iyo Wasiir Maxamed Kaahin Axmed o saddexduba qayb libaax ku lahaa Halgankii SNM ee dib loogu xorreeyay Somaliland.

Haddii uu soo kordho Jaal siyaasadeed oo cusub oo Mujaahidiinta u bilaabma wuxuu wax weyn ku soo kordhinayaa Xiisaha siyaasadda Somaliland. Inkasta oo aanu Mujaahid Axmed Mire ka tirsanayn Saddexda Xisbi Qaran, haddana Dadka Aqoonta u leh siyaasadda saaxiibbadii SNM waxay ishaarayaan suurto-galnimada qorshe cusub oo dhex mara Raggan. Arrimaha aadka loo hadal hayo waxaa  ka mid ah in Madaxweyne Biixi uu mustaqbalka dhisi doono Mujaahid Axmed Mire oo muddo dheer bannaanka ka joogay Talada Siyaasadeed ee Somaliland, isaga oo aan muddo dheer lagu arag kulan uu la yeesho Madaxweyne Somaliland ah oo talada haya.

Si kastaba ha ahaatee, waxa hubaal ah in kulanka Madaxweynaha iyo Axmed Mire uu bog cusub u furayo siyaasadda Somaliland, waxaanse si rasmiya loo garanayn inta ay qotadiisu leeg tahay, hase-yeeshee muddo aan dheerayn waxa kala caddaan doonta in kulankaasi ku koobnaado Taariikhdii uu dhacay iyo inuu noqdo kulan midho-dhala.

 

Geeska.net/Hargeisa Office