Jawaabta Dacaayadaha Lagula Kaco Nebi Maxammed (SCW)

0
619

Dunida isu soo gashay waxay ku dhaqantaa ama aamin san tahay diino, diino ku sheegyo, mabaadii kala duwan iyo mabda’ la’aan. Qofkasta waxaa la gudboon in uu dhugmo (faham) u yeesho waxa uu aamin san yahay si uu ula noolaado huwantaas. Cilmiga degaanka waxaa la ogaaday haddii nooluhu gudo galo waayo qalafsan (adag) wuxuu yeeli karaa in uu la qabsaddo waayaha cusub, ama ka Kudaalo (haajiro). Haddii labadaa doorasho uu mid qaadan waayo, ta saddexaad waxay iftiiminaysaa in jiritaankiisa su’aali dul taal.

Muddo dheer dunidu waxay u qaybsanayd dunida muslimka iyo ta gaaladda. Isdhexgalku wuxuu ka yimi baahida aadamaha ee wax kala iibsigu salka u yahay, iyo weliba muslimiin badan oo u kudaashay dunida reer galbeedka ka dib markii ay ku noolaan kari waayeen dhulkoodii. Sidee baynu u macnaysan karaa dhacdadii ka dhacday dalka Faransiiska? Miyuu ka baxsan yahay qofka muslimka ah ee doorbiday in uu u Kudaalo dunida reer Galbeedku qawaaniinta aynu kor ku xusnay? Su’aasha danbe jawaabteedu waa maya, la qabso, kudaal ama ku bax. Dhacdadaas waxaynu macnaysanaynaa inagoo ku jira xayndaabka Islaamka, ma aha in aad rayigaaga oo caadifadi hagayso ku macnayso. Laba qaybood baynu u kala qaadaynaa ta sawirkii ninkii macalinka ahaa hor keenay ardayda, dilkii iyo jawaabtii Makron, ta kalena waa erayadda ay is dhaafsadeen labada madaxwayne ee Erdogan iyo Makron iyo sababaha keenay.

Qofka muslimka ah ee u doolay dhulka gaaladu wuxuu xambaarsan yahay risaaladdii Nebiga ku soo degtay. Ujeedadeeduna ahayd in aadamaha la gaadhsiiyo in ay isaga u hogaansamaan. Nebi Maxammed (SCW) markii waxyigu ku soo degay Carabtu waxay caabudayeen sanamo, taasi waxay markhaati ka tahay in diinta Islaamku ku jeedo baabi’inta diin la’aanta. Suuradda Almaa’ida (67) Illaahay nebiga wuxuu ku tirtirsiiyay in uu fariintiisa dadka gaadhsiiyo. Sidoo kale Suuratul Furqaan (1) Raxmaanku wuxuu ku sheegay in uu adoonkiisa (nebiga) ku soo dejiyay kii xaqa iyo baadilka kala saarayay (quraanka) si uu dadka ugu digo. Aayadaha kale ee Illaahay ku cadeeyay in uu Nebi Maxamed (SCW) u soo diray dadkoo dhan waxaa ka mid ah: Al Acraaf (158), aayadan Ilaahay vwuxuu Nebiga faray in uu dadka u sheego in uu yaray Rasuulkii Illaahay, kaas oo loo soo diray dhamaantood. Suuratul Ala-Cimraan (85) Illaahay wuxuu ku gebogebeeyay in diinta Islaamka mooyaane aan diin kale qofna laga aqbalayn.

Madaxwaynaha Faransiisku wuxuu bishii Oktoobar 2dii khudbad ku sheegay in islaamku yahay diin ay maanta soo foodsaartay khalkhal, dunidoo dhan. Sidoo kale wuxuu taageeray aragtidii Macalinka la dilay ee Samuel Paty. Arintaas waxaa ka jawaabay madaxwaynaha Turkiga oo yidhi, waa in Makron miyir qabkiisa baadhaa. Hadalka uu Makron ku aflagaadeeyay iyo ka Erdogaan ku jawaab celiyay midna kuma qorna afka diblomaasiyadda.

Wuxuu u jawaab celiyay Erdogan, isagoo leh waxaanu tix gelin siinaa kala duwanaanshaha iyadoo ay na hagayso dareen xambaarsan nabad, weligayo aqbalimayno hadal nacayb ku jiro, waxaanu u taaganahay doodaha cilmiyaysan. Waxaanu barbar taaganahay sharafta aadamiga iyo habdhaqanadda caalamiga ah.  Makron wuxuu dhaleeceeyay hadalada cadhadu ku jirto ee uu ku caanbaxay Erdogan, laakiin wuxuu adeegsaday afka diblomaasiyadda.

Waxaa muuqata in Makron arkay humaag aan ahayn islaamkii dhabta ahaa, wuxuu ka tusaale qaatay kacdoonka cadhaysan ee islaamka oo hadimo badan ka gaystay dunida Faraasku ka mid yahay, laakiin taariikhda hadaad eegto aragtida dunida hagaysaa tacadiyo habaysan ayay galaa bixisay dunidii la gumaysan jiray qarniyaddii la soo dhaafay. Dhinaca kale Erdogan waxaa laga sugayay in uu tibaaxo Islaam ku dhisan qiyamka aadamiga, amaba dhaliilo u jeediyo falsafadda reer Galbeedka oo uu farta ku godo meelaha ay dalabta ka leedahay. Hogaamiyaha waxaa laga sugayay in uu tilmaamo in aragtida dunida hagaysa aan loo wada joogin aas-aaskeedii. Taasi waxay markhaati ka tahay in Erdogan laftiisu islaamka uu arkayaa yahay humaag. labadooda humaag ayuun baa kala duwan.

Aan is dultaago erayada Macron ku baanay, iyo Quraanku halka ay kala taagan yihiin. Marka laga eego weedha hore ee ku dhamaanaysa, “doodaha cilmiyaysan” isma diidayaan quraanka, aayaddo dhawr ah ayaa laga soo xigan karaa macno la mid ah, sida, Al-Baqara (258) oo tilmaamaysa doodii uu Nebi Ibraahim la galay ninkii ku dooday in dilista iyo noolayntu aanay ku koobnayn Illaahay ee isaguna wax dilo nooleeyana. Weedha labaad, sharafta aadamiga (human dignity) iyo habdhaqanka caalamiga ah (universal value) meelo badan oo ka mid ah islaamka way waafaqsan yihiin. Illaahay quraanka wuxuu ku sheegay halka ay ka soo burqanayso xuquuqda Aadamuhu, Suuradda Al-Israa (70) Aadamaha waanu sharafnay. Waxaase hubanti ah in qodobo ka mid labadaas bidhaamood ee Macron ku nuuxnuuxsaday ay si xoogan uga hor imanayaan Quraanka. Waxaa kaloo mudan in la sheego in diinta Islaamku kaga horaysay reer Galbeedka Illaaalinta xuquuqda iyo sharafta aadamiga 1000 sanadood. Tusaale ahaan Suuratul Al-Ancaam (108) waxay tibaaxaysaa in la ixtiraamo dadku waxyaabaha ay caabudaan.

Cidkasta oo dunidan keenta aragti balaadhan oo samayn ku leh nolosha aadamiga waxaa ka hor imanaya diidmo ku afjaranta aflagaado, colaado dagaalo sababa iyo hadimooyin. Diinta Islaamku waxay ku jihaysan tahay in ay Aadamiga ka xorayso adoonsiga aadamaha si loogu keli noqdo cibaadada Illaahay. Markaa yaab ma laha in aynu aragno aflagaadooyin ku jihaysan Nebi Maxamed. Su’aasha mudani waxa weeye sidee baa looga jawaabayaa. An-Nahl (125) oo ka waramaysa sida dacwadda loo xambaarayo, Nebi maxamadow xikmadda gaadhsii dadka adoo adeegsanaya dariiq hufan oo naxariisi ku jirto. Marka ciidda reer Galbeed Nebi Maxamed (SCW) lagu dacaayadeeyo, waxaa ku furun dood aad ku baabi’inayso beenta la dhoobdhoobay. Suuratul Anbiyaa (107) Illaahay isagoo Rasuulka la hadlaya wuxuu ku yidhi, kuumaanu soo dirin waxaan ahayn in aad raxmad u noqoto dunida. Dunida waxaa soo gelaya noolaha, dhirta, iyo degaanka. Taariikhda ayaa xusaysa in taasi run noqotay. Xadaaradda Islaamku waa tii badowdii carbeed ee aqoondaradoodu gayaysiisay in ay hablohooda nolosha ku aasaan muddo yar ka dhigtay in ay dunida hogaamiyaan. Sidaas daraadeed, qofkaa doolay ee aayadahaas xambaarsani uma banaana in uu dil gaysto isagoo ka fal celinayaa aragtidooda? Nebi Maxamed waxaa lagu difaacayaa xikmad iyo dariiqii uu jeexay oo la raaco.

Islaamka iyo xadaaradda reer Galbeedku waxay isku waafaqsan yihiin in si cilmiyan ah loo doodo. Jaamacadahoodu waxay qabtaan doodo, mid ka mid ah doodahaas waxaa lagu qabtay Jaamacadda Leicester, May 1999 ee dalka Ingiriiska. Waxaa laga doodayay, “Quraanka ama Baybalka keebaa Eraygii Illaahay ah.” Sidoo kale Dr. Sakir Nayk oo ah Sheekh Hindiya oo caan ah ayay casuuntay jaamacadda Oxford, cinwaankuna ahaa Islaamka iyo Qarniga 21 aad, iyo qaar kaloo badan. Dunidu way doodaysaa xikmad bay ku wada hadlaysaa maxaad haysaa weeye arinku.

Arintani waxay daaha ka qaaday isku dhac u dhexeeya diinta Islaamka iyo aragtida hogaaminaysa dunida casriga ah. Dhinac kalena waxay qayb ka tahay sawirka wayn ee dunidu ku sii socoto.  Maanta dunida waxaa hogaaminaya aragtida reer Galbeedka, waa Yurubta Galbeed iyo Woqooyiga Ameerika.