Hargeysa: Xaflad Meher Oo La Isku Arkay:- Alf Mabruuk: Cawaale Iyo Nagaad

0
581

Picture3 - CopyHargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Hargeysa ku qabsoontay xaflad meher oo si weyn loo soo agaasimay, taas oo la isugu guuriyay Cawaale Maxamed Cismaan Iyo Nagaad Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Xafladda meherkaas oo ku qabsoontay hoteelka Maansoor ee Hargeysa, waxa si weyn u camiray qaybaha kala duwan ee hal-doorka bulshada reer Hargeysa amaba Somaliland, waxaana dadka ka qayb galay ka mid ahaa Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ah ruug-cadaa lagu tiriyo tiirarka dhidibada u taagay qaranimada Somaliland, Madaxweyne-xigeenkii labaad ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Mujaahid Ibrahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) raxan wasiiro ah oo uu horkacayay wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, culimo iyo madaxda warbaahinta Somaliland oo si weyn uga dhex muuqday madasha, maadaama oo uu gabadha la soo doonay dhalay Yuusuf Cabdi Gaboobe, oo ah ruug-cadaa saxafi ah iyo qoysaska reer Cabdi Gaboobe.

http://sphotos-f.ak.fbcdn.net/hphotos-ak-ash4/417804_10151563758973559_1990919716_n.jpg

Arrinta ugu xiisaha badan ayaa ahayd markii ay koox ciyaaraha dhaqanka oo ka koobnayd afar rag ahi ay madashada meherkaasi ku qabsoomay mar keliya albaabka kala soo galeen ciyaar-dhaqameed, taas oo keentay in  dadkii madasha ku sugnaa shanqadha joojiyaan oo ay isku baxdo cod heeseedka iyo jiibta, iyo sanqadha jaantooda oo iyadu u ahayd durbaanka, iyagoo kooxdani hor socday wakhtigii ay hoolka xafladdani ka dhacaysay ay soo galeen ehelka arooska. Kooxdaas oo haddana mar kale soo gelbiyay arooska iyo asxaabtiisii oo waxyar ka dambeeyay

.

 

Waxaana markii ay munaasibadii meherku dhammaaday halkaas la isku weydaarsaday hadalo kaftan u badnaa, iyadoo madax-dhaqameedka labada dhinac ka socday oo madashaas kaftan isku weydaarsaday ay labaduba qireen in guurkani yahay mid taariikhi ah oo soo nooleeyay dhaqan hore u jiray oo Soomaalidu guurkooda ku salaysan jirtay, isla markaana in guurku noqdo mid labada ruux ee is-guursanayaa deegaano kala durugsan ka kala yimaadeen, taas oo gabadhu ehelkeeda laga soo guursaday uga noqon jirtay Safaarad degaanka cida ay u dhaxday ama guursatay.   

    

Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe), oo halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa Alle uga baryay qoyska cusub inuu isu barakeeyo, waxaanu Xaaji Cabdikariim ka sheekeeyay taariikhda Gaboobe oo Nagaad awoowgeed ahaa, kaas oo uu ku tilmaamay Oday isu soo dhawaynta ummadda iyo nabadeynta caan ku ahaa.

 

Waxa iyaguna halkaas hadalo kaftan iyo duco ah ka jeediyay wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xildhibaan Cali Gabiley, Prof. Maxamed Mixile Boqore oo ah agaasimaha machadka CSI, Sheekh Aadan-Siiro, Chief-Caaqil Cabdirisaaq Caqli iyo salaadiin kale iyo Bahda saxaafadda Somaliland oo iyaguna madasha joogay, waxaanay dadkani dhammaantood Alle ka baryeen inuu isu barakeeyo qoyskaas cusub.

Haddii aanu nahay bahda saxaafadda Somaliland, waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Cawaale Maxamed Cismaan iyo Nagaad Yuusuf Cabdi Gaboobe.