Faysal Cali Waraabe Oo Si Kooban Uga Hadlay Weedhihii Uu Jamaal Kaga Hadlay Shirka Qaran Ee Uu Hore Ugu Dhawaaqay

0
548

Picture5Hargeysa(Geeska)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe,ayaa jawaab kooban ka baxiyay qoraal dhawaan uu soo saaray musharaxa xisbigigooda Jamaal Cali Xsueen, waxaanu sheegay in Jamaal uu ka murmay arinkaas sida uu ula jeeday isla markaasna uu fasiraada hadalkaas ka odhan doono xaflad London dhawaan ku qabsoomaysa.

Gudoomiye Faysal waxa uu sheegay in aanu wax jawaab ah oo buuran ka bixinayan hadalkaas  inta arimahu kala cadaanayaan. Waxa uu sidan gudoomiye Faysal u sheegay mar uu xalay la xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika isaga oo jooga dalka Imaaraadka. Waxaanu wargeyska oo su’aalay bal sida uu u arko hadalka musharaxa xisbigooda iyo jawaabta uu ka baxinaayo “ Sida aad u qorteen iyo sida uu isagu u yidhi waa kala jaad oo muu odhan kuma raacsani, hadalkiisana isagu waxa uu uga jeedaa gudoomiyahayagu shirka uu ku dhawaaqay maaha shir beeleed ee waxa uu u jeedaa kii dawladu ku dhawaaqday oo kale, hadalkaasna waa uu ka murmay, imikana waxa uu imanayaa Londan oo xaflad halkaas ah ayuu dadka hortooda ka cadaynayaa inaanu sidaas ka wadin, waxa jawaab ah oo kale oo aan ka baxinayaana ma jiraan waxan oo aan kala cadayn.”

Siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshda ayaa u dhag taagay shirka qaran ee uu ku dhawaaqay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo sida uu xisbigoodu isugu raaci karo shirkaas.