Ku Xigeenka Ban Ki Moon Oo Si Indho Isku Qabad Ah Uga Hadlay Aqoonsiga Qaddiyadda Somaliland Iyo Xukuumadda Oo Aan Weli Ka Hadal

3
493

 

Picture1London(Geeska)-ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson, ayaa u muuqda nin iska indho-tiraya xaqiiqda ay ku fadhido qaddiyada madaxbanaanida Somaliland, isagoo kala mid dhigaya qadiyado ku salaysan caadifado kala duwan.

Mr. Jan Eliasson, oo u dhashay dalka Sweden, ayaa wuxuu magaalada London ka sheegay weedho ay dhibsadeen cid kasta oo ka soo jeeda Somaliland amaba saaxiibadeeda taageeraa. Mr. Jan Eliasson, oo u waramay wakaaladda wararka ee Reuters, maalin ka hor shirkii London, ayaa wuxuu ku andacooday inaanu arkayn dan ku jirta aqoonsi la siiyo Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku sababeeyey waxa uu ugu yeedhay xasaasiyad ay qadiyadda goosashadu ku leedahay qaaradda Afrika. “Waxa Afrika iyo dunidaba ka jirta xaasaasiyad laga qabo in wadamo u kala googa’aan sababo la xidhiidha isiro, diimo iyo qabaa’ilo. Iima muuqato wax dan ah oo ku jirta aqoonsiga Somaliland” Wuxuu diblomaasigan reer Yurub ku tiraabay weedhahan, isagoo dunida ugu baaqay in taageero loo fidiyo dawladda Somaliya.

Marka uu hadalkan leeyahay Mr. Jan, wuxuu ilowsan yahay ama is illowsiinayaa in dalal badan oo ka tiran Afrika iyo duniduba ay si cad u ogyihiin danta adduunka iyo gobalkaba ugu jirta aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, balse sababaha hortaagani ay yihiin dano kale oo diblumaasiyadeed, waxa uu iska indho tirayaa in laba sano uun ka hor uu dalka Koonfurta Suudaan dharaar cad ka go’ay dalkii uu ka mid ahaa ee Sudan, waxaanu sidoo kale iska indho-tirayaa xaqaa’iiqa iyo sharciyada ay ku fadhido Somaliland oo 26 June, 1960 xorriyadeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, maalmo ka dibna la midowday Somaliya oo 1 Julay 1960 xorriyada ka qaadatay gumaystihii Talyaaniga. Taas oo muujinaya in ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada midoobey uu mugdi kaga jiro xaqiiqada qadiyadda Somaliland oo sida uu u dhigayo aan ahayn goosasho balse ah la soo noqosho madax bannaani, taasina ay marar badan oo hore dunida ka dhacday.

Marka laga tago aragtida ay dalalka kale ee dunidu ka qabaan Somaliland, dalka uu u dhashay ee Sweden, wuxuu tiraba dhawr jeer wufuud kala duwan u soo diray Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo la ogyahay in siyaasiyiin badan oo reer Sweden ahi ay la dhacsanyihiin qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, tanina waxa ay bidhaamin kartaa in diblumaasigu uu aragtidiisa shakhsiga ah uun hadlayey.

Waxaa yaab leh, cadaawad intaa le’eg ee Mr. Jan ku kalliftay in uu ka jawaabo qadiyadda aqoonsiga Somaliland oo aynu ognahay in aanay ahayn hawl xataa u taala hay’adda uu ka shaqeeyo ee Qaramada midoobey, balse ay tahay arrin Somaliland ay uga marti tahay dalalka dunida, wada hadalkeeduna uu noqonayo laba geesood u dhexeeya Somaliland iyo dalalkaas.

Si kastaba ha ahaate, xukuumadda Somaliland ee sida fiinta uga qaylisa hadalada mucaaradku ku dhaliilaan siyaasadeeda, waxaa looga fadhiyaa in ay si kulul u ugu jawaabto Mr. Jan oo noqday masuulkii ugu horeeyay ee hadalo noocan u kakan ku cabiray qaddiyadda Somaliland.

Comments are closed.