Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo Madaxweyne Farole Oo Ka Dhacay Deegaanada Puntland

0
511

 

faroPuntland(Geeska)-Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ee maamul gobaleedka Puntland ayaa ay ka dhaceen mudaharaado lagaga soo hor jeedo madaxweyne Faroole. Dadkan mudaharaadyay ayaa ay qaarkood diidanaayeen awood maroorsi ay ku tilmaameen qaabka doorashada  muumulkaas ay dawladu u qabnayso, iyaga oo qaarkoodana taageero ay u muujinayeen qoraal uu soo saaray madaxweynii hore ee maamulkaas Cado Muuse oo uu kaga dayriyay xaalada maamul gobaleedkaas.

Sida oo kale dadka ku mudaharaadayay Boosaaso iyo Qardho ayaa qaarkood ay siteen boodhadh tilmaamaayay in ciidamada la siiyo mushaharkooda si aan amnigu faraha uga baxin.

Ciidamada amaanka ayaa dadkan mudaharaadyay awood ku kala dareeriyay iyaga oo isticmaalaya rasaas nool nool iyo gaadiidka ciidamada oo noocyadoodu ay kala duwan yahiin. Mudaharaadadan ayaa soo baxaaya iyada oo ay dhawaan ciidamada daraawiishta ee jiidaha hore ee buuraha Golis ay soo baneeyeen fadhiisimadoodii ayna qabsadeen magaalada bOosaaso iyo dakedeedaba, kuwaas oo ka cabanaayay in aan la siin sadex bilood oo mushaharkoodii ah.

Madaxweyneha maamul gobaleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayay mucaaradad xoogan ku kacsanayd mudooyinkii ugu danbeeyay, arimhaas oo loo aanaynaayo doorashooyinka la rabo in maamulkaas laga qabto iyo hoos u dhac dhaqaale oo ku yimi maamulkaas, kaas oo keenay in shaqaalaha dawlada laga dhimo mushaharaadkii 30%.

Geesta kale, Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo khamiistii shir-jaa’id ku qabtay guriga uu ka degen yahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa ka hadlay arimo badan oo la xidhiidha xaaladda siyaasadeed ee ay xilligan Puntland ku sugan tahay.

Cadde Muuse ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Puntland ay xilligan la joogo tahay mid aan degeneyn, isagoo ka digey khilaaf siyaasadeed oo hor leh, kuna baaqay in laga fogaado wax walba oo nabadda iyo xasiloonida wax u dhimi kara, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa hadda aan ka hadlayo ninkasta oo caqli lihi waa ogyahay. Nin kasta oo jooga Puntland wuu ogyahay in dhibaato weyni ka jirto wadanka, wixii aan ka digeynay waa kuwa hadda dhaca,” Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa yidhi.
Dhinaca doorashooyinka soo socda iyo ururada siyaasadda ee Puntland ka hanaqaaday mar uu ka hadlayey, wuxuu ku tilmaamay kuwo aan sharci ahayn oo dimuqraadiyadda ka fog.”

Waxaanu intaasi ku ladhay “Shuruucdii la rabay oo dhan ayaa ka maqan, dimuqraadiyad waan rabnaa, laakiin xisbiyadu kuwo soconaya ma aha. Ninkii wax garad ah yuusan yeelin khasab baan ku marinayaa xisbiyadaas.”

Ugu dambeyn, wuxuu madaxweynihii hore ee Puntland ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada in nabadda la dhowro, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo midnimada iyo xasiloonida wax u dhimi karta.

Baaqa Gen. Cadde Muuse ayaa kusoo aadaya maalin kaddib, markii ay shalay ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta oo ka gadoodsan mushahar la’aan bilihii u danbeeyey soo wajahday, ay xoog kula wareegeen, islamarkaana ay muddo saacad ka badan haysteen, xarumo dowladeed oo muhiim ah -oo ku yaal magaalada Boosaaso – kuwaasoo ay kamid yihiin: kantaroonlka Boosaaso laga galo, Dekedda iyo Bankiga.