Ku-simaha Madaxweynaha Oo Si Rasmi Ah Shaqadii Uga Joojiyay Badhasaabka Gobalka Awdal Iyo Guddoomiye Shiine Oo Isna Ka Hadlay

0
1002

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne-xigeenka ahna ku simaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa shaqadii ka joojiyay badhasaabka gobalka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo uu ku eedeeyay dhawr qodob.

Md. Saylici, ayaa qoraal uu u diray guddoomiyaha gobalka islamarkaana ogaysiin siiyay hay’adaha ammaanka iyo wasaaradda arrimaha gudaha oo ay madaxtooyadu xalay saxaafadda u soo dirtay, waxa ay u dhignayd sidan: “Ka dib markii aad ku kacday qaladaad badan oo luminaaya kalsoonida shacabka gobalku ay ku qabaan dawladnimada kana leexatay siyaasadii xukuumada.

kadib markaad farogalisay arimaha dhulka oo aanay ku siinayn xeerarka dhulka u yaalaa,iyada oo ay tahay shaqadii dawladaha hoose.

kadib markii aan ogaaday inaad ka maqantahay shaqadii gobalka ee laguu igmaday, dadweynaha gobalkana ay iiga timid cabashooyin la xidhiidha xil gudasho la'aantaada.

Sidaas daraadeed iyada oo lagu jiro wakhti xaasaasi ah waxaan go'aansaday inaan kaa joojiyo shaqadii qaranka ee aad haysay, waxaanan ku farayaa inaad si kumeelgaadh ah aad ugu sii wareejiso shaqadii guddoomiye ku xigeenka gobalka.”

Badhasaabka gobalka Awdal Musafe Cabdi Shiine oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay aragtidiisa shaqo ka joojinta madaxweyne-xigeenku ku sameeyay ayaa yidhi “Madaxweyne-xigeenku xaq buu u leeyahay inuu shaqada iga hakiyo oo waa ku simihii madaxweynaha. Laakiin markuu madaxweynihii I magacaabay yimaado ama shaqada ayuu igu celin doonaa ama xilka ayuu iga qaadi doonaa.”