Ku-Simaha Guddoomiyaha KULMIYE Oo Sheegay Inay Ummadu Ku Hungowday Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo

2
785

P1450620Hargeysa(Geeska)-Ku simaha guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, ayaa qiray inay umaddu ku hungowday hoggaamintii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu sheegay haddii maanta cod loo qaado inuu helayo 20% ka mid ah bulshadii ugu codaysay doorashadii 2010 dalka ka dhacday.

Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, wuxuu soo bandhigay siyaasad xumo iyo kooxo isku xidhan oo ay dano gaar ahi ka dhexeeyaan oo madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo dhegaha ka qabsaday, waxaanu sheegay inaanay taasi dan u ahayn Madaxweynaha. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, wuxuu meesha ka saaray in la rumaysan doono hantidhawrka ay wasaaradda khaarajigu sheegtay inay ka codsatay inuu baadho fadeexadaha musuqmaasuq ee uu soo bandhigay agaasimihii is casilay, waxaanu sheegay ku simaha guddoomiyaha KULMIYE in lagu qanci karo hay’ad caalami ah oo baadhiseed oo madaxbanaan.

Cabdiraxmaan Cadiqaadir Faarax, waxa kale oo uu ka hadlay dagaalka Buhodle iyo shirkii Taleex oo uu sheegay inay labadaba siyaasad xumo keentay. Waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Ugu horayn waan idin salaamaya qoladiinan warbaahinta, waanan idiinka mahadnaqayaa shirkan jaraa’id ee aan qabtay inaad iigu timaadaan, fursadna ii siisaan inaan bulshada Somaliland dhawr eray halkan ka yidhaahdo. Waad ogtahiinoo anigu waxan ahay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir gudoomiye ku xigeenka xisbul Xaakimka Kulmiye.

 Hadalkan markii aan qorshaysanayay bil xaqiiqatan laba qodab ayaan doonayay inaan ka hadlo, labadaas qodabna waxay ahaayeen arinta shirka London ee inugu soo fool leh iyo dagaaladaas ka socda bariga, lakiin siyaasada is badalkeedu waa uu badan yahay, waad ogtahiino mawduuc weyn oo aad u xaasaasiya ayaa inagu soo biiray marka shalay laga bilaabo, waad ogtahiino waxa is casilay agasimahii guud ee wasaarada arimaha dibada Maxmuud Raage Ibraahin arimo aad u badan oo xaasaasiyana ka dhawaajiyay, waxa kale oo igu maqaalo ah in isna xilkii laga qaaday Saleebaan Maxamed Faarax oo ahaa gudoomiyaha hay’ada quraba joogta.

Nimankaasi waxay ahaayeen niman Kulmiye waawayn ah oo aan in badan soo wada halganay, niman gaar ahaan taageero weyn madaxweynaha Axmed Maxamuud Siilaanyo siin  jiray, aad baan uga xumahay labadoodaas jagooyinka ay ka tageen, waxayna ka turjumaysaa mid aanu anagu xisbi ahaan haddaanu nahay ay tahay inaan ka damqano, oo ay tahay dadkii Kulmiye ee u soo halgamay ee dawalda dhaliyay in si yar looga safaynaayo maamulkii meesha ku jiray, laakiinse iyada oo ay taasi jirto muhiimadu shaqasiyaadka maaha, waxa aynu muhiimada siinaynaa waxa ay meesha uga tageen ee ay isu casileen ama xilkii looga qaaday, qadiyadaas meesha ku jirta ayay tahay  in muhiimada la saaro iyagana ilaahaybaa irsiqadooda haya, waa niman maskax leh oo fir fircoon waxna way iska heli doonan, halgankii ay Somaliland ugu jireena halkiibay ka hayn doonaan, xisbigoodiina sidiisii ayay u taageeri doonana, ayaan filayaa insha allaahu oo waxba ku xumaan maayaan. Laakiin qadiyada ay soo qadeen ayaa muhiimad leh oo taas ayaan doonayaa inaan ka hadlo, intaanan haddaba taas ku bilaabin eray yar ayaan doonayaa inaan sii tuuro aniga iyo nimankaasuba waxaan ka mid ahayn dadkii markii la aasaasay Kulmiye ka qayb galay, doorashadii 2003 waan ka qayb galnay waa tii Kulmiye laga helay ee ay Udub heshay, markaasna mucaaradad adag ayaanu galnay, kursi iyo dawlad baad noqon doontaana cid markaas hadal haysay ma jirin.

Maxaan markaas xisbiga Kulmiye u taageeraynay Axmed Maxamuud Siilaanyona aan u taageersanayn, waxa kale may ahayn sidii la doono haloo fasirto, waxay ahayd inagu mabda ayaanu ku shaqaynaynay, mabda’a  aan ku shaqnaynayna waxa weeyaan dawlada markaas jirtay dawlad dhaantaa inay timaado, dawaldiina markaas waxaan ula dagaalamaynay waxay ahayd waxaan is lahayn idinkaa dhaamaya, waxaan Is lahayn Axmed Siilaanyo ayaa dhaamaya Daahir Riyaale, colaadna umaanan haynin Daahir Riyaale wax kalana lagama hadlaynin ee dalka dantiisa ayay ku jirtaa baanu is lahayn Axmed Siilaanyo oo madaxweyne noqdaa.

Tii maanta dad badan ayuu walaac ka hayaa, walaacu se waxa uu ku salaysan yahay oo dadka ugu walaaca badan uu yahay waa taageerayaashii cuscuslaa  ee Kulmiye ee soo halgamay ee intaas wakhtigooda iyo maalkoodaba u huray ayaa maanta is waydiinaya oo leh maxaynu u dagaalamaynay, anigu inbadan oo 40 sanadooda ayaan dhinaca uun kaga jiray siyaasada, inaanan boqolkiiba boqol aanan ahayn waan ogaa, laakiin dhawr qodab anigu marnaba Kulmiye kamaan filayn, waanay ka suurtawdaa marnaba ismaan lahayn alle ayaa igu oge.

Horta Axmed Siilaanyo waxa lagu ogaa oo uu caan ku ahaa in aanu musuqmaasuq ahayn meelna ka soo galayn, dawaladii hore ee siyaad bare jagooyin waa-wayn ayuu ka soo qabtay oo aad u culculus, rag kale haday jaaniskaas heli lahaayeena ay milyineero ka noqon lahaayeen, isagu maalintuu afweyne ka yimi ganbo muu haysan, mushaharadii bishaas la siiyay ayuu haystay, isagoo aan waxba haysan ayuu ka yimid, ilaahayna waxa uu ku asturay asxaab wanaagsan iyo ehel wanaagsan ayuu lahaa oo uu sharaf ku lahaa, nin musuq meelna u soo mari jiray haba yaraatee muu ahayn, imikoo khibradiisii sii kordhay uu halgan soo galay oo uu sii odayoobay meelna musuqmaasuq wuu ka soo galayaa anigu marna kuma seexan oo kuma soo toosin.

Si kastaba ha ahaato oo meel kastaba wax ha ka xumaadaane arintu maanta sidii maaha, dadka qaarkood oo waliba dadkii Kulmiye ahaa waxay aaminsan yahiin musuqmaasuqii aanu ka dagaalamaynay ee aanu sideeda sano ka qaylinaynay maanta isaga oo ka sii batay mooyaane in aanu ka yaraan bay aaminsan yahiin, rag badan oo markaanu mucaaradka ahayn magacooda la soo qaadi jiray oo xumada nagu kacin jiray oo aanu eedaha dusha aanu ka saari jirnay jagooyinkii aanu ku haysanay ee aan lahayn waxbay ka cunaan oo ummadday  ka boobaan kuwii ayuunbaa lagu soo celiyay.”

Isagoo qiraya in lagu hungoobay xukuumadda KULMIYE, wuxuu yidhi “Waxii aanu ka dagaalami jirnay ee aan odhan jirnay Jaabirbaa halkan maray, dhisme halkana la khamkhamay halkiibay waxii ka socdaan, arimahaasu hadda tuhunbay ahaayeen oo waa la tuhunsanaa dadkuna waa ay ka war hayeen laakiin wax cadayna oo la taabto ma jirin, agaasimaha guud ee hadaba is casilay sheekadii waa uu badalay waxa uu inoo sheegay in uu xaqaa’iq  hayo, inuu wax la taabto hayo, inuu warqaddo hayo, inuu qodabayn karaayo waxii la lunsaday iyo sidii loo lunsaday iyo halkii la mariyay, wax danbe oo markaas layska indha tiri karaayo majirto, arintaas ama arin cad oo nimankaas uu magacaabay ku cad ayay noqon doontaa ama isaga ayaa noqon doona beenaalaha ugu wayn dunida.

Maxaa loo baahan yahay markaas, waxa loo baahan yahay arintii in aan la danbabasin in laga badheedho in la baadho oo si rasmiya loo baadho oo haddii laga maarmi waayo hay’ado caalamiya way jiraane oo waxaas ka shaqeeya oo baadha oo arintaas laga baaran dago oo la soo xaqiijiyo ama la beeniyo. Waxa igu maqaalo ah imika dawladiibaa hantidhawr saartay oo baadhaysa, sheekadaas sheeko iibsamaysa maaha, dawladu waa ta la baadhayo weeyaan, odhadkayagii ayaa soo saxeexay oo yidhi waxba ma jiraan cid dawladaas Axmed Siilaanyo ka Akhrisanaysa ma jirto.

Baadhitaan caalamiya ayaa loo baahan yahay, haddii dawaladu diyaar u tahay galabtaan la hadli karaa hay’ada caalami ah iyagaa cid noo soo diri karaaya oo xisaabaheena eegi karaaya, sheekadaa soo xaqiijin karaaya ama soo beenin karaaya, waxaan  leeyahay oo aan mardanbe idin xasuusinayaa anagu Daahir Rayaale  iyo Xukuumadiisii cadaawadna umaanu hayn xumaana umaanan hayn, wax aan ka ridanaynayna ma jirto, waxan is lahayn wax dhaama ayaa la keenayaa, ta aan ku da’daalaynaana waa taas, ta aanu doonaynaana waa taas, ta xisbiga Kulmiye doonayaana waa taas.

Waa laga yaaba in baritoole ama saadanbe in qolooyin xoogaaya ay iga daba hadlaan oo waxaas aan ku hadlaayo ay dacwad ka keenaan, laakiin Axmed Maxamud Siilaanyo waxaan kula talin lahaa guulwadayaasha ha dhagaysanin, waa wixii  afweyne jabiyay, waa waxa madaxda jabiya weeyaan, madaxda badanaaba runta waa lagala baqaa, madaxdu waa bini’aadmi oo waxay jacel yahiin in loo sheego war wanaagsan oo wax xun ma jecla, dadbaa markaas sidaas ku takhasusay oo yaqaana sida warka wanaagsan loo sheego oo deedna awooda ka ag dhawaada oo wax ku cuna, taasi dawladana ma anfacdo, madaxweynaana ma anfacdo, dalkana ma anfacdo, waa in runta laysu sheegaa.

Waxa laga yaabaa in dadka qaarkii ay yidhaahdaan waa mucaarad oo waxbay mucaaradayaan, anigu waxba mucaaradi mayno ee waxa  mucaarad noqonaaya mabda’ii aan ku halganay ee ummadda ugu balan qaadnay ee Axmed Siilaanyo uu ummadda ugu dhaartay ninka ka horyimaada ee weeciya kaas ayaa mucaarada, anagu mucaarad ma nihin ee xisbigii soo halgamay ayaanu nahay, toban sanadoodbaanu ka shaqaynaynay dawaladaas Kulmiye inay guulaysato, mushaharna maanu qaadanayn, wax nagaga baxa mooyaane waxba nagam ay soo galayn, ummaddaas dulman ee dhibaataysan ee baahidu hayso ee magaalada aynu joogno meelo badan aan dhariga dabka la saarayn ummaddaas ayaanu doonaynaa in wax loo qabto, ummaddii markaa ummada musuqmaasuq qaadi karaysa maaha, arintaa markaas waa in laga baaran dagaa si fiican loo baadhaa natiijadeeda la keenaa.

Aan ku celiyee ama arintaasu xaqaa’iq bay noqon doontaa oo danbi weyn bay noqon doontaa oo dad baa jeel loo taxaabi doonaa ama ninka arintaas sheegay ayaa beenaale noqon doona waa labaas mid uun, waxa sadexaad oo meesha yaala ma jiraan, taas intaas ayaan kaga baxayaaa.”

Isagoo ka hadlaya shirka London, wuxuu yidhi “Ta kale ee aan doonayo inaan u soo qaado si yar oo kooban waa shirkaas London, shirkaas London ujeedo badan ayuu noqday, dadkeenii iyo bulshada somaliland iyo wax garadkeenii iyo odayaasheenii rayiga waa lagu kala duwanaa dadna waxay lahaayeen kama maqnaan karno, dadna waxay lahaayeen waar faa’ido allaale faa’ido inuugu jirtaa majirtee ayaynaan tagin, qolana ma qaldanayn bay ila tahay, qolo walibana danta Somaliland ayay ka hadlaysay, dadkan  yidhaahda  Xamarbaa laynugu wadaa ama qaaran dumis ayaa ka shaqaynaya waxaas ma jiraan, dadkaas hadalay nin waliba si gooniya ayuu u arkay ee waxay islahaayeen tolaw xagay dantu ku jirtaa.

Anigu shaqsiyan waxaan ahaa dadkii lahaa shirkaasu faa’ido allaale iyo faa’ido uu inoo leeyahay majirto , sababtaan u lahaana mid aan Axmed Siilaanyo ka bartay markuu gudoomiyaha Kulmiye ahaa ayuubay ahayd,  waxa uu had iyo goor uu nagu guubaabin jiray shir aanad garanaynin wax ka soo baxaaya lama tago, hadaanad hubin in waxa ka soo baxayaa ay faa’ido kuu leeyahiin iyo inay khasaare kuu  leeyihiin laskuma tago, markaa waxaan lahayn hadaynaan ogay bahalka faa’idada inuugu jirta waar bilaw waraabe inagaga soo abxaaye.

Go’aanka laakiiin waxaan u daynay dawlada, dawaladiina waxay go’aansatay in la tago waan ognahay oo waxa la saaray culays badan, waxaanay ku qanceen in ay danta Somaliland ku jirto waynu ku taageeraynaa markaas, waynu ugu ducaynaynaa, illaahayna waxaynu ka baryayanaa inuu ku guulaystaan wax Somaliland u dana inay kala soo kulmaan.

Waxaan anigu ku talin lahaa waxay tahay waar markaas meesha tagtaan isu badheedha idinka iyo dawalda Ingiriisku, dawalada Ingiriisku mid bay sheegtay miday sheegtay waxa weeyaan wax Somaliland ku saabsan in aan shirkaas lagaga hadlayn, wax qadiyadeena taageerayaana in aanay shirkaas ka soo baxayn, waxa laynugu maslaxay ee laynugu yidhi dantu way ku jirtaa waxa weeeyaan dawladahaas meesha isugu yimi ayaad gooni u arki kartaan oo qadiyadiina ka dhaadhacsan kartaan, way wanaagsaantahay taasu laakiin mida ka sii wanaagsani waxa weeye in toos dawalada Ingiriiska loo waydiiyo ileen inagay waxan ina qusaysaaye, inay inoo sheegaan oo inoo cadeeyaan oo hadii loo baahdo qoraal inagu siiyaan qadiyada Somaliland in aanay waxba ka dhimayn waxa shirkaas ka soo baxaa waxay u tarto mooyaane, inaan midhkaa ogaano intaan meeshaas fadhiisan ayaa loo baahan yahay.

Shirkaas cida galaysa ee gudaha fadhiisanaysa waxa loo baahan yahay Somaliland oo dhan inay ka muuqato, aan sii faah faahiyo beelaha Somaliland oo dhami ha ka muuqdaan, Sool waa inay ka muuqataa, Awdal waa inay ka muuqataa, Beelaha dhaxena waa inay ka muuqdaan, nimanka gudaha fadhiista baa laga arkayaa inay Somaliland oo dhan yihiin.”

Wuxuu sheegay in ceeb iyo wanaag wixii Somaliland shirkaas kaga yimaadaba uu Madaxweyne Siilaanyo qaadan doono oo aanay cid kale la wadaagi doonin, waxaanu yidhi “Dadka qaarkood waxay yidhaahdaan madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu waxan oo dada u kaxaystay waxa weeyaan haddii qodab adagii inagaga yimaado eeda in la wada xanbaarto, Axmadaw abti eeda la wada xanbaaranayaa ma jirto adigaa madaxweyne ah, haddii wanaag ka yimaadana adigaa sharafteeda leh, haddii hoog ka yimaadana adigaa dusha lagaa saarayaa, cid kula xanbaaranaysaa habayaraatee ma jirto ama laba kaxayso ama saddex kaxayso ama kontanba kaxayso’ee, wanaageedana adigaa leh, xumaanteedana adigaa leh.”

Isagoo ka hadlaya colaadda Buhodle, wuxuu yidhi “Waxaan ku soo gabogabaynayaa mashaqadan inaga hasyata bariga, waad ogtahiino dhinaca bariga baryahan dagaalo ayaa ka socoday dhimasho badanina waa ay dhacday, dhimashadaasu waxay ku dhacday dadka Somaliland dhinac kastaba ha ka dagaalameene. Horta dagaalkaas waxa keenay fashilaad siyaasadeed oo xageena ka timi, taasina waxay ahayd shirkii taleex lagu qabtay ee waxa Khaatumo loogu yeedhay lagu sameeyay arin  inaga hoostay ayay ahayd, waayo shirkaas waynu ogayn, dadkii ka qayb galayay Barbera iyo Hargaysa ayay  ka soo dagayeen oo way tagayeen, Putland oo iyadu walaac ka qabtay shirkaas waxay xidhaysay dadkii shirkaas ka qayb galayay oo may ogalayn iyagu, inagu se shirkaas waynu taageernay oo waxaynu iska dhaadhicinay cid inugu tidhi garanmaaye shirkaasu waa shir beeleed, beelbaa kaga hadlaysa arimaheeda u gaarka ah, caqliga sidaas ah halkuu ka yimi, ma caqli sidaasa ayaa dal xukumi karaaya, ma meesha Cali Khaliif iyo Cali Ciise maryaan ayaa lagaga tashanayaa dan beeleed wax dhaci karaaya mayna ahayn.

Fashilaada halkaas inagaga dhacday eedeedana aan anigu leeyahay inagaa lahayn oo dawladeena ayaa ka seexatay baa keentay dagaalkan Buuhoodle, dagaalbaa horta haduu dhaco sida caalamka ka dhacda dagaalka waxa keenta siyaasad fashilantay. Imika iyo haatan halkaynu maanta taaganahay dadbadan oo ayanaan u baahanayn inay inaga dhintaan ayaa inga dhintay, waxaan se qabaa madaxweynuu maalintii dhawayd ee uu madaarka ka soo dagay mawqif wanaagsan ayuu iska taagay,waxa uu yidhi waxii aan Somaliland ahayn ee walaalayaal nadaaya oo sheekadayada ka baxa, oo qalalaasaa naga daaya, intayda Somaliland ahna waanu wada hadali doonaa, nabad baanu wax ku dhamayn doonaa, horta taas waynu ku taageersanahay oo Somaliland oo dhan ayaa ku taageersan.

Waxaynu se doonaynaa inuu qorshahaas fuliyo oo uu ku baaqo oo taasi sidii ay ku suurto gali lahayd, ee halkaas nabad loogu soo dabaali lahaa talaabooyinkii la qaadi lahaa inuu bilaabo oo ku dhawaaqo.

Walaalaheenaa kale ee dagaalku ina dhex marayna waxaan leenahay midkaasu waa dhab madaxweynuu waa ka go’antahay arintaasu Somalilandna way ku taageersantahay, niman gacan ku dhiiglayaala oo dadkaas wada dagan doonaya inay isku dilaan oo qorshe siyaasadeed ka wata yaanay idin jaah wareerinin.Walaalayaalow aan wada fadhiisano oo aan wada hadalno, nin suldaana oo inuu qori lulo oo yidhaahda dagaalbaan wax ku soo goosanayaa waxa idiima wado.

Somaliland laba mid uunbay noqon doontaa, waxay noqon doontaa meelyar oo niman isbaarto dhigteen oo ku shaqaystaan oo milyaneero ka noqdaan ummadduna ku baabado dalkuna ku baaba’o, ama waxay noqon doontaa sidaynu balan qaadnay meel guulaysata oo musuqmaasuqa dabar jarta oo ummaddeeda wax u qabata oo keeda baahan wax tarta, oo tacliinteeda iyo caafimaadkeeda dhista oo dalkeed horu marisa, oo waxii aynu sideeda sanadood u sheegaynay ummadda xaqiijisa.”

Wuxuu ugu dambayn la hadlay Madaxweynaha iyo xubnaha KULMIYE xukuumadda kaga jira, “Nimankaas maanta dawlada ku jirana midbaan odhanayaa, madaxweynaana midbaan odhanyaa, nimankaas Kulmiye ee dawlada ku jira ayaan anigu la hadlayaa ee aan aqaano ninkii kiish soo toshay ee dibada ka yimi waxba odhan maayo anigu, intii aan aqaanay waxaan leeyahay ilmaadeerayaal sideed sanadood ayaan soo halgamaynay ee maxaynu u soo halgamaynay, ma inaynu jago uun fadhiisano, sidii Udub ay ina odhan jirtay meeshaad naga riixanaysaan baynu u halgamaynay, ilmaadeerayaal ma waxan u halgamaynay colaad beeleed ayaa inagu jirtay oo nin reer Awdal ka yimi inaynu meesha ka riixano  oo aynu nin kale dhigano ayaynu u halgamaynay mise ilmaadeerayaal daacad ayaynu u halgamaynay inayanu ku shaqayno oo ummadda wax u qabano, waxa jira wax aynu ka badalno ayaynu u halgamaynay, taa jawaabteedii Somaliland waa ay idinka sugaysaa dawlada hadaad tahiin.

Madaxweynaana waxaan leeyahay magac iyo sharaf ayaad ku timi halkan, dadkii kuu codeeyay maanta haddaad cod u qaadid u malayn maayo boqolkiiba labaatan (20%) inaad helaysid waa xaqiiqa taasi, guulwadayaashu waxay kuu sheegaan iska ilaw, dadkii aad iyo aad yay u niyad jabsan yahiin, maamul xumo aad u badan, musuqmaasuq aad u badan iyo jaah wareer wayn ayaa ku jira, dadkii markaas waa dhawr nooc, ninba dhinac ayuu u sifeeyaa qolo aan aad kuu jeclayn waxay yidhaahdaan odaygu waxan waa uu ogyahaye dan baanu ka lahayn, qolo kalana waxay yidhaahdaan waar meesha yar yar baa iska walaaqdo oo uu kaga tagaye waxanba lama socdo, dadkii ku taageersanaa ee kula soo halgamay ee ku jeclaa ee meesha ku saarayna madaxay haystaan oo  waxay leeyihiin xagay wax ka xumaadeen, siday wax noqdeen ayay leeyahiin, sideed iyo toban bilood ayaa inaga tagay wakhti baynu haysanaa aynu wali wax ku hagaajino, midida daabkeedii adiga ayaa haya, waxay dadku doonayaana waad garanaysaa, cida laga qaylinayana waad garanaysaa, cida wax xumaynaysana waad garanaysaa, hadii aadan garanayna dadka kuu sheegay baad dhagaysan kartaa, wakhti baad haysataaye inta goori goortahay wax ka qabo.”

Intas ka dib waxa la weydiiyay ku simaha guddoomiyaha KULMIYE su’aalo kala duwan:

Marka la leeyahay xisbul xaakim oo kale waa uu ka duwan yahay xisbi mucaarad ah, oo inta badan mucaaradku warbaahinta ayay wax soo mariyaan, xisbiga talada hayaa laakiin waxii arimo qaldan iyo waxa dawlada lagu saxaayaba intay kulmaan cidii madaxdooda ahayd ee ay iyagu soo saareen ayay u bandhigaan, markaas idinku hadda wax xidhiidha xukuumadan xisbigiinii Kulmiye ka dhalatay miyaydaan la lahayn?

Xisbul xaakimkayagan qudhigiisu waa uu iska badan yahay, wax la’leh xidhiidh wanaagsan iyo qaar guul wadayaala iyo qaar waxa socda ka xunba waanu leenahay, intaaba horta waan aamusnayn oo aniga sanadkaa iyo badhkaas waa markii labaad ee aan hadlo, aniguse runtaan idiin sheegayaaye madaxweynaha midbaan ku arkay, madaxweynaha ma wax wanaagsan u sheegaysay, mise war aanu jeclayn u sheegaysay, wax wanaagsan hadaad u sheegaysid waa uu qosli oo waad heshiin doontaan  oo waa kaas, haddaad is tidhaahdo xaqaa’iqa jira uga waran muran iyo dagaal ayaad galaysaan, wali garan maayo madaxweynaa dharw mar ayaan u tagay oo arimo isaga u dan ah kala hadlay, wali mar uu ii garaabay oo uu yidhi walee arintaasu waa sax waxbaynu ka badalaynaa ma arag, markii iigu danbaysay waxa uu igu yidhi dee maanta miyaad soo dagaal tagteen, waxaan isku haynaana ma jiraan, waligayna madaxweynaa intaan u tagay maan odhan waxaas ii qabo ama shilin isii ma odhan, markaan mucaaradka hayn iyo markaan muxaafidka ahaynba, waxaan isku haynaa waxa weeyaan dantiisa iyo danta ummadda.

Waxa aad sheegtay in  aanu odaygu musuqmaasuqa aqoon oo uu dawladii Somaliya fara madhnaan kala yimid, hadda waxa ay dadku aaminsan yahiin in musuqmaasuq badani jiro, waxa jira hanti dhawrkii qaranka, waxa kale oo jira hay’ada la dagaalanka musuqa, , haddii aanu odaygu musuqa wadin yaa wada ayaad odhan kartaa?

Horta midbaa iska jirta waxa madaxnimada la yidhaahdo, waa sida guurka oo kale, horta nin walba waxa la bartaa marka uu xilka qabto, markaa inta uu dibada joogo waxa uu noqon doono illaahaybaa og horta taasi waa ay iska jirtaa, nimanka madaxda la yidhaahdo qolooyinbaa jira sida loola dhaqmo yaqaana, khatarta ugu wayn ee madaxda ku dhacdaana waxa weeye iyaga iyo dadkii ayaa la kala ilaaliyaa, Maxamuud Raage waxa uu ku yidhi waxaan ahaa agaasimaha wasaarada guud ee arimaha dibada, waa wasaaradaha ugu muhiimsan, laba bilood ayaan isku dayayay inaan arko madaxweynaa, markaa horta waxay u eegtahay dadkuna tuhunsan yahiin in madaxtooyadii ay ka dilaacday cisaabad adag oo isku xidhan oo maamul wanaagsan oo iyaga u dana meeshii ka samaysatay, jeebabkana buuxsatay,siday doonaana u dhaqma, madaxweynahana ka dhaadhaciyay inay dantiisa wadaan madaxdoo dhan taasi way ku dhacdaa, lakiin madaxweynaa loo sheeg niman badan oo akhyaara oo tolkiiya iyo Kulmiye adagba ah, madaxweyne ku xigeenku ku jiro waa loo sheegay waxa socda, wax ka qorsoon maanta ma jiraan, dee madaxweynuu Siilaanayaha aan naqaanay hadduu yahay ee aan naftayada u hurnayna waxbuu ka qaban doonaa arintaas haddii dee ay wax isbadaleena oo ay salaadu xidhmi waydayna waynu arki.

Comments are closed.