Wasiirrada gaagaaban ee ku xeeran Madaxweyne Siilaanyo Iyo Dabeecadaha Ku Duugan Dherarkooda, Waxa Qoray Kamaal Axmed Cali, Q1aad

2
747

 

Wasiirrada gaagaaban ee ku xeeran Madaxweyne Siilaanyo Iyo Dabeecadaha Ku Duugan Dherarkooda

Dhererku waxa uu saamayn ku leeyahay hab-dhaqanka, siyaasadda, bulsho la macaamilka iyo hoggaaminta siyaasiga…  Kamaal A. Ali.   Q:1aad

Horudhac:

UntitledAadamuhu marba marka ka dambaysa waxa uu ogaanayaa qaybo cusub oo ka mid ah cilmiyada ku saabsan abuurkiisa iyo kala duwanaanshiyaha dabeecadaha ku duugan shakhsiyaddiisa. Mar kasta oo cilmiga aadamaha ku saabsani sii durkana waxaa kordha awoodda uu u leeyahay in uu u noolaado si quman iyo in uu kordho isfahamka dhexdiisa ahi.

Xiisaha uu aadamuhu u qabo in uu naftiisa wax ka bartaana waa kan keenay in ay soo baxaan cilmiyo badan oo midba dhan diiradda ka saaro shakhsiga, tusaale ahaan dabeecadaha aadamaha, shakhsiyaddiisa, hab-macaamilkiisa, anshaxiisa iwm. waxa uu sidoo kale aadamuhu isku mashquuliyey in uu si gaar ah u baadho saamaynta abuurkiisa jidheed ku yeelan karo fariidnimadiisa, aragtidiisa, shucuurtiisa, xiisihiisa, dhaqankiisa iyo guud ahaanba dabeecadihiisa. Uma jeedno in aynu u ban baxno cilmi nafsiga iyo daraasaynta saamaynta abuurku ku yeelan karo shakhsiyadda aadamaha, waayo, waax qudha oo ka mid ah ayaa ka mug weyn in qormooyin dhowr ah lagu soo bandhigi karo.  Waa badweyn ay u dhow dahay in aynu ku hafanno. Si kastaba ha ahaato ee waxaa muhiim ah in aynaan hilmaamin in mar kastaba ay lama huraan tahay in marka aynu qiimaynayno shakhsiyadda qofka ay noqonaysa in aynu ka fiirinno ugu yaraan shan dhinac oo si muhiim ah inoo tusaya waxa uu gudo iyo waxa uu geyo. Waa in aynu eegno qofka illaa heerka ay tahay bulshaawinimadiisa iyo awooddiisa dad dhex gal, in aynu u fiirsanno illaa xadka ay taagan tahay furfurnaantiisa saaxiibtinimo iyo naxariistiisu, in aynu qiyaasno sida uu yahay anshaxiisa shaqo iyo nidaamsanaantiisa maamul, in loo fiirsado deggenaanta iyo xasiloonidiisa iyo ugu dambayn in aynu hubinno illaa xadka uu yahay qof feejigan, u fiirsi badan waxna curin kara.

Dhinacyada xiisaha leh ee cilmigani waa marka aynu eegno illaa xadka dhererka qofka siyaasiga ahi saamayn ku yeelan karo taladiisa iyo hoggaamintiisa.

Miisaanka iyo dhererku waxa ay ka mid yihiin astaamaha aynaan innagu muhiimadda badan siinin inaynu ogaanno ama bulshada u bandhigno, taas oo aynu kaga duwannahay inta badan ee bulshada dunida innagula dhaqan oo iyagu caan ku ah in si la mid ah sida magaca qofka loo sheegayo ay muhiim u tahay in da’diisa, dhererkiisa iyo miisaankiisana la ogaado, haddii uu qofkaasi noqdo qof caan ah ama siyaasadda ku jirana waaba qasab. Haddana marka aynu eegno dhererka qiyaasta ah ee aynu indhaheenna uga dhigno halbeegga, waxa aan hubaa in aynaan isku khilaafsanayn in madaxweyne Siilaanyo uu yahay nin ku tirsan dadka dhaadheer. 

Haddaba inta aynaan u gelin falanqaynta dabeecadaha laga filan karo wasiirrada gaagaaban ee muhiimka ah ee madaxweyne Siilaanyo u cugtay in ay taayiro u noqdaan xukuumaddiisa, aynu waxoogaa ku hakanno dabeecadaha khubarada cilmi nafsigu ku tilmaameen dadka joogga madaxweyne Siilaanyo oo kale leh:

Dhererka:

Aynu ku bilowno sifo hoggaamiye lagu asteeyo ta ugu fiican ee, khubarada cilmi nafsigu waxa ay aaminsan yihiin in ninka dheeri uu mar kasta naftiisa ku qabo kalsooni buuxda, iyo in uu aaminsan yahay kartidiisa iyo aqoontiisa. Waxa uu cilmi nafsigu aaminsan yahay in dhererku ka nasiib badan yahay gaabnida, inta badan qofka dheeri ka kasbasho iyo hoodo badan yahay qofka gaaban.

In dhererku niyad wanaag iyo qab wato, waxaa tusaale fudud inooga ah natiijada ka soo baxday daraasad dhowaan la sameeyey oo daahfurtay in qof kasta oo madax noqda, xattaa haddii uu aad u gaaban yahay ay gasho ruux jecel dherer, iyo in qofku marka uu madax noqdo ama xil muhiim ah loo dhiibo uu nafsiyan isu arko inuu ka dheer yahay dhammaan dadka ku xeeran, xattaa kuwa uu og yahay in ay ka dheer yihiin.

Sida caadiga ah waxa aynu aragnaa ilmaha yar ee dugsiga dhigta oo saaxiibbadiisa ka gaaban u arka in ay ka yar yihiin ama ugu yaraan ay ka awood yar yihiin, oo uu si fudud u jebin karo haddii ay dagaal isaga hor yimaaddaan. Waa aaminsanaan ilmaha ku beeran oo aan ka hadhin xattaa haddii ilmihii uu yasayey ee ka gaabnaa ka adkaado, waana dabeecad aan halkaa ku joogsan oo waxa ay u soo gudubtaa dadka waaweyn oo lagu arko in qofka dheeri isu arko inuu qaban karo hawl aanu qaban karayn kan gaabani ama in uu ka karti iyo awood badan yahay.

Galdaloolada ninka dheer:

Ninka dheer waxaa inta badan lagu tilmaamsadaa dabeecad neceb cid kasta oo uu ka baqo in ay indhaha dadka ka jiidato, waana sababta ay in badan u dhacdo in ninka dheeri uu guursado ama jeclaado gabadh ka gaaban. Waxa lagu yaqaannaa in uu si gaar ah isaga dhowro dadka la dhererka ah, waayo waxa uu aaminsan yahay in nin gaaban aanu Alle ba meel wada dhigin, laakiin cidda khatarta ku noqon kartaa ay tahay ninka dhererka kala midka ah.

Waxaa dhici karta in tani ay ka mid ahayd sababihii madaxweyne Siilaanyo ku dhiirrigeliyey in bilowgiiba uu golihiisa wasiirrada muunad uga dhigo siyaasiyiin dherer ahaan aad uga gaaban isaga. Waxaa iyaduna suurtogal ah in uu qabay dareenka khubarada cilmi nafsigu aaminsan yihiin ee ah in ninka gaabani nafsiyan ka cabsado ninka dheer, sidaa awgeed uu si fiican uga hoos shaqeeyo.

Wasiirrada gaagaaban ee caynaanka u haya xukuumadda madaxweyne Siilaanyo:

Gaabnidu waxa ay mar kasta wadata cuqda nafsiya, waxa aanu ninka gaabani mar kasta ku hawlan yahay in uu awdo wax uu u arko galdaloolooyin uu leeyahay, waana sababta ay culimo badan oo ku xeel dheer cilmi nafsigu u aaminsan yihiin in qofka gaabani aanu inta badan nafsiyan u caafimaad qabin. Waa qof isu arka in uu leeyahay gol-jilic ah dhinaca farsamada, shaqada, siyaasadda iyo nafsaddaba.

Soo saaraha filimka Maraykanka ee caanka ah ee lagu magacaabo Boy on a Dolphin ayaa Jilaaga filimka oo ahayd haweenayda reer Talyaani ee  SophiaLoren oo ah gabadh aad u dheer waxa uu ka codsaday in marka filimka dhexdiisa ay hareer socoto jilaaga la wadaagaya filimka ee Alan Ladd ay aad hoos isugu gaabiso si aanay qofka daawanaya ugu muuqan in ay ka dheer tahay jilaagan gaaban. Cuqdadda uu Alan ka qabo dhererkiisu markaas oo keliya lama arag ee wawxa ay soo baxday markii marar badan oo dambe la arkay isaga oo marka uu duubayo filimada uu jilaaga ka yahay ku istaagaya sanduuq si daawadayaasha uu ugu qariyo dhererkiisa, iyo markii la arkay in dumarka la jilaayana inta badan loo eego dhererka.

In ninka gaabani inta badan cuqdad ka qabo dhererkiisa isuna arko in qofka ka dheeri ka hal-doorsan yahay, mar kastana weerar ku yahay, waxaa marag ma doon ka dhigay markii la arkay cuqdadda muuqata ee madaxweynaha dalka Faransiiska Nicola Sarkozy ka qabo gaabnidiisa. Dadka madaxweyne Sarkozy gacan yarayaasha u ahi waxa ay amar ku qabaan in mar kasta oo uu madaxweynuhu sawir wadareed gelayo ay soo soocaan dad dhererkiisa oo kale ah ama ka gaaban, iyo in marka uu ka hadlayo meelo fagaare ah si qarsoodi ah miiska uu ka hadlayo loogu hoos dhigo gambadh uu ku istaago si aanay dadku u dareemin gaabnidiisa. Waxa ay gaadhay heer xaaskiisa oo ah gabadh aad u dheer uu ka mamnuuco inay xidhato kabaha cidhibta leh, iyo in ay ku dadaasho in dhererkeeda ay qariso si ugu yaraan uu ugu soo dhowaado dherer ahaan.

Marka aynu Somaliland u soo noqonno, waxaa tusaale dhow inoo ah wasiirka awoodda badan ee dad badani aaminsan yihiin in uu yahay afaafka laga galo qalbiga madaxweyne Siilaanyo Md. Xirsi Cali Xasan, markii uu dhowaan ka hadlayey barnaamijka Dadkaaga la hadal ee masuuliyiinta qaranka marba midi bulshada u soo bandhigo wax qabadkiisa ugana jawaabo doodaha iyo su’aalaha ay qabaan, waxaa la arkayey isaga oo marka ay arrintu noqoto mid ku saabsan isdifaac adag gelaya.

“Siyaasaddu waa harowsi ee yaan lagu harowsan” waxa ay ka mid ahayd ereyadii uu Md. Xirsi ku yidhi mid ka mid ah dadweynihii su’aalaha weydiinayey, taas oo markaba qofka dhuuxaa uu dareemayey astaantii khubarada cilmi nafsigu ku sheegeen ninka gaaban ee ahayd in uu mar kasta difaac ku jiro, haddii uu wasiirku dareensan yahay in siyaasadda la isku harowsado iyo in ninkan la la harowsaday macnaheedu waxa uu noqonayaa in uu difaac kaga jiro in isagana la harowsado, waxaanay taasi sida dharaarta u cadaatay markii uu ku tiraabay in ay jiraan rag badan oo da’ ahaan ka weyn, kana khibrad badan oo mansabkiisan ku socday, markii isaga loo dhiibayna hinaase ka qaaday, waxaa cad in markaas uu mudane Xirsi difaac kaga jiro dad uu u arko in mansabkan ay isku wadeen, waa dabeecadda guud ahaan aadamaha iyo gaar ahaan kuwooda gaaban in ay ku dagaalamaan waxa ay haystaan, cid kasta oo ay uga shakiyaanna ay geeska geliyaan, waana suurtogal inay tahay sababta ay dad badani uga cabanayaan in Xirsi ku noqday laf dhuun gashay, waa nin difaac ku jira oo mansabkiisa ilaashanaya iyo nin laga yaabo in aanu ogeynba oo doonaya in uu madaxweynaha u dhaafo. Waana kii lahaa ka odayga u gala iyo ka kasoo baxaaba waa ay is sii jidhaan iyaga oo weliba hiiftamaya. Waxa ay taasi marag u tahay hadalka ay khubarada cilmi nafsigu hore u sheegeen ee ah in ninka gaabani mar kasta hinaasi yahay. La soco…

Comments are closed.