Ku Noolaanshiyaha Meeraha Farraare Waxa Ay Khatar Weyn Ku Tahay Habdhiska Difaaca Aadamaha

0
1089

Washington (Geeska)- Koox cilmibaadhayaal caalamiya ah ayaa ogaaday in turaanturro weyni ka hor imanayso rajadii ahayd in aadamuhu mar uun u guuro duni aan ahayn tan aynu ku dhaqannahay, gaar ahaan halkii ugu horreysay ee laga rajo qabay in la dego oo ah meeraha Farraare (Mars), maadaama oo cilmigu uu caddeeyey in nolosha meerahan dushiisu ay khatar ku tahay caafimaadka habdhiska difaaca jidhka aadamaha.

Cilmibaadhis ay sameeyeen xeeldheerayaal ka kala socda dalalka Maraykanka, Kanada iyo Ruushka oo natiijadeeda lagu faafiyey cadadkii u dambeeyey ee joornaalka kallaha ah ee Nature Scientific Reports oo ka faallooda arrimaha sayniska, ayaa sheegtay in xeeldheereyaashani ay baadhis ku sameeyeen raadka uu cufisjiidadka taagta daran ee ka jira meerahani ku yeeshay samaysanka barootiinnada ku jira dhiigga 18 cirbixiyeenno Ruush ah oo muddo 6 bilood ah ku soo noolaa saldhig hawada sare ah.

Warbixintan oo Geeska Afrika uu soo akhriyey ayaa lagu sheegay in shaybaahadii lagu sameeyey dhiigga cirbixiyeennadan laga arkay natiijo warwar leh oo la xidhiidha caafimaadka habdhiska difaacooda. Waxaa la arkay in habdhiska difaaca ee raggan ay dhibaato weyn ku tahay iska difaacidda la dagaallanka Fayraska iyo cudursideyaasha, xitaa kuwa taagta daran ee uu ka mid yahay Fayraska hargabka sababa.

Xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in habdhiska difaaca aadamaha ay taagdarro badani ku timaaddo marka uu qofku u socdaalo hawada sare, sidaa awgeed ay xitaa Fayrasyada aadka u fududi dhaqso u dili karaan. Bare-sare Evgeny Nikolaev oo ka tirsan maxadka daraasaadka Fiisigiska ee Mosko ayaa sheegay in sababta meerahani u dhaawacayo habdhiska difaaca aadamuhu ay tahay, “Xaaladda isu-dheellitirnaan la’aanta ee ka jira meerahan ayaa keenaya in habdhiska difaacu uu u shaqeeyo si aan nidaamsanayn. Waxaa habdhiska ka lumaya nidaamkii uu ku soo shaqaynayey, waxa aana dhacaya in uu garanwaayo wax uu sameeyo, sidaa awgeed waxa uu xal ka dayeyaa in uu ka shaqaysiiyo dhammaan nidaamyada difaaca ee suurtogalka ah”

Arrintan ayaa khasab ka dhigaysa in hadda kadib taxaddar dheeraad ah oo dhinaca caafimaadka ah la siiyo cirbixiyeennada hawada sare u socdaalaya, si looga hortago in habdhiskooda difaaca jidhki liido.

Xaalado kale oo hore loo ogaa

Tan iyo badhtamihii qarnigii labaatanaad waxa ay culimada saynisku si joogta ah u daraasaynayeen raadadka taban ee ku negaanshiyaha hawada sare ku keeni karo caafimaadka jidhka aadamaha, waxa aana mar horeba la ogaaday in cufisjiidad ka aan ka jirin hawada sare uu sabab u noqdo khatar soo waajahda hannaanka shaqo ee dhaafshiidka, nidaaminta heerkulka, garaaca wadnaha, caafimaadka muruqyada, cufnaanta lafaha iyo habdhiska neefsiga.

Sannadkii horena cilmibaadhis Maraykanka lagu sameeyey ayaa iftiimisay in cirbixiyeennada u safray dayaxu ay khatarta ah u dhimashada xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga ku dhaca ay shan laab uga nugul yihiin cirbixiyeennada xaaladdooda caafimaad iyo jidheed la midka tahay ee aan iyagu hawada sare u socdaalin. Waxa aanay arrintan la xidhiidhiyeen raadka ay fallaadhaha dilaaga ahi ku leeyihiin hawada sare.

Arrimahan ayaa saynisyahannada ku abuuray dareenka ah in dhulku uu yahay meeraha keliya ee ay nolol dhammaystirani ka suurtogeli karto. Laakiin haddana wakaaladda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee NASA ayaa wadda qorshe ay doonayso in marka la gaadho Soddonaadka qarnigan (2030+) ay meeraha Farraare ku dejiso cirbixiyeenno. Mashruucaas oo NASA ay u bixisay ‘Mars One Trip’ ayaa la doonayaa in kooxda loo diro meerahani aanay soo noqon ee ay muddo dheer halkaas ku noolaadaan isla markaana ka qabtaan shaqo ballaadhan oo ah filimqaadis iyo barnaamijyo talefishan oo laga soo duubo. Illaa haddana dad tiradoodu ku dhowdahay 200 oo kun oo qof oo ka soo kala jeeda 140 dawladood ayaa ku tabarucay in lagu daro liiska dadkaas ay NASA u diri doonto meeraha Farraare.