Ku Cibro Qaado: Tilmaamaha Hoggaamiyaha Islaamku Barbaariyey Iyo Hab-Dhaqanka Looga Baahan Yahay

0
813

Hargeysa (Geeska)- Sida ku xusan taariikhda Islaamka, xilligii uu Cumar Bin Khadaab (Alle ha ka raalli ahaado) ahaa Amiirka Muuminiinta, ayaa maalin maalmaha ka mid ah dadkii deggenaa magaalada Ximis oo imika ka tirsan dalka Suuriya waxa uu ka dalbaday bal in hadda ay soo diiwaangeliyaan dadka fuqarada iyo masaakiinta ah ku nool degmada si uu saamigoodauga siiyo lacagta taallay baanka Muslimiinta oo lagu magacaabi jiray Baytul-maal, sida caadiga ahna lacagta ku soo dhacda marka laga reebo inta dawladdu danta guud ku qabanayso, wixii ka soo hadha dib loogu qaybin jiray dadka.

Cumar Bin Khadaab (Alle ha ha raalli ahaado) markii loo keenay liiska dadka faqiirka ah ee reer Ximis waxaa amakaag iyo u qaadan waa ku noqotay in liiskan dadka faqiirka ah uu ku jiro Saciid Bin Caamir oo ah maamulihii/guddoomiyihii uu amiirku madaxda uga dhigay degmadan. Cumar Binu Khadaab oo arrintan aad uga yaabban ayaa isugu yeedhay wax-garadkii iyo hormuudkii bulshada Ximis ee soo qorayey magacyada dadka faqiirka ah, waxa aanu ka weydiiyey sababta Saciid ay ugu dareen liiskan. Dadkii waxa ay Amiirka Muuminiinta u sheegeen in Saciid bin Caamir in uu caado ka dhigtay in mushaharkiisa oo dhan uu u qaybiyo dadka faqiirka ah, isaga oo weliba ku calaacala, “Maadaama o aan Alle hortiisa masuul uga ahay dadkan, jidka keliya ee ii furani waa in aan sidaa yeelo”

Cumar Bin Khadaab (Alleha ka raalli ahoodo) oo weli xiisaynaya in uu arrinta Siciid wax badan ka sii ogaado ayaa isugu yeedhay dadkii reer Ximis, waxa aanu weydiiyey bal in ay u sheegaan wixii ceeb ah ee ay Amiirkooda u hayaan. Dadkii waxa ay Cumar bin Khadaab u sheegeen in guddoomiyahan uu madaxda uga dhigay uu leeyahay saddex ceebood oo ah; in xilliga barqada wax kasta oo dhacay aanu dadka u soo bixin, in aan weligiiba la arag habeen isaga oo shaqaynaya ama dadka lagu dhex arkin iyo in toddobaad kasta maalin uu is qariyo oo aannaan arkin.

– Cumar Bin Khadaab amiirkii Ximis waxa uu weydiiyey bal in uu diiddan yahay ceebaha loo soo jeediyey, waxase uu Siciid Bin Caamir ku jawaabay, “Saddexduba waa ay jiraan amiirkii mumiiintoow” Intaa kadib Saciid Bin Caamir waxa uu tiriyey sababihii kallifay saddexda ceebood, waxa aanu yidhi;

1. Waa run oo barqadii uma soo baxo si aan ugu adeego uguna garnaqo, waayo xaaskayga ayaa bukaan ah, gabadh shaqaale ahina guriga iima joogto oo lacag aan ku dabbaro ma haysto, sidaa awgeed marka aan shaqada guriga oo dhan soo dhammeeyo ayuun baa aan u soo baxaa.

2.  Sababta aan habeenkii isaga qariyo ee aanan dhawaqooda iyo yeedhmadooda u yeelinna waa; Waxa aan go’aansaday in maalintii aan dadka u adeego danahoodana u qummiyo, laakiin habeenkii waxa aan u gaar yeelay cibaadada Alle.

3. Cabashadooda ah in toddobaadkii hal maalin aan iska qariyo, sababtu waxa weeye, waxa aan leeyahay hal khamiis oo keliya, sidaa awgeed toddobaad marka aan xidhnaado ayaa aan maydhaa, gurigana kama soo baxo inta uu qallalayo oo ma haysto wax aan xidho oo kale, isaga ayaan sugaa inta uu qallalayo oo dibadda uma soo baxo.

Amiirkii Muuminiinta Cumar Bin Khadaab ee looga soo cawday guddoomiyiisan ayaa si aad ah u ooyey. Kadib waxa uu Saciid siiyey lacag si uu arrimihiisa gaarka ah ugu qabsado, siciid markiiba lacagtii la siiyey waxa uu dhaqso ugu qaybiyey fuqarada iyo masaakiinta.

Waa dersi fiican oo taariikhda Islaamka aynu ka baranayno  anshaxa iyo hab-dhaqanka looga baahan yahay hoggaamiyaha muslimiinta ama masuul kasta oo xil ummadeed loo dhiibay, waase marka uu Alle ku garansiinayo.