Xarafka Ugu Horreeya Magacaaga Ayaa Sheegaya Dabeecaddaada Iyo Qofka Aad Tahay (Q:2)

0
898

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee taxanihii Ku-celiska ahaa ee uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey xidhiidhka ka dhaxayn kara xarafka ugu horreeya magaca qofka iyo dabeecadihiisa ama shakhsiyaddiisa:

Xarafka D:

Xarafkani waxa uu astaan u yahay hawlkarnimo iyo dadaal, waxa uu aad ugu halgamaa sidii uu u dhabayn lahaa himilooyinkiisa iyo in uu ka dhabeeyo ujeedooyinka uu ka leeyahay nolosha.

Laakiin dhinaca kale marka aynu ka istaagno shakhsiyadda magaca ku bilowda xarafka D waxa anu arkaynaa in uu yahay ruux lagu tilmaami karo in uu madax adag yahay, fikirkiisa iyo aragtiyihiisa ayaa uu aad ugu dheggen yahay, waxa aanay mararka qaar ka gaadhaaba in uu aragtidiisa sida caqiida u aamino, oo uu u arko in ay tahay ta keliya ee saxda ah ama ugu saxsan.

Fiiro gaar ah: Maadaama oo xarafka DH ee Alfabeetada Afsoomaaligu uu ka kooban yahay laba xaraf oo ah D iyo H, qormadan waxa aynu tixgelinaynaa xarafka u horreeya xarfaha lammaan, waxa aana aynu u qaadanaynaa in magaca D ka kaca iyo kan DH ka kacaa ay isku xaraf ka kacaan.

Xarafka E:

Xarafkani waxa uu astaan iyo dhiiri gelin u yahay la qabsi (In qofku uu hadba la qabsado xaallada iyo duruufaha taagan iyo in dadka uu la qabsado). Waxa lagu yaqaannaa in aanu u adkaysan jacalka iyo xaaladaha ay ka mid yihiin safarku, sidaa awgeed marka uu xaaladahan ku jiro waxaa laga dareemaa kacsanaan iyo Jaahwareer, ama warwar iyo sakati aanu xakamayn karin.

Waa qofk karti iyo awood u leh in uu xidhiidh la sameeyo dad badan iyo dhinacyo badan oo ku xeeran, waa qof firfircoon oo aad bulshada uga dhex muuqda. Haddii uu xarafkani mar kale ku soo noqdo magaca koowaad dhexdiisa waxa uu astaan u yahay qof mar walba si degdeg ah uga jawaaba, waxaana lagu yaqaannaa bood-bood iyo in uu ku adkaysan waayo go’aankiisa.

Xarafka F:

Waxa uu mar walba dareemaa in nolosha oo badhaadhaheeda laga faa’idaystaa ay tahay lagama maarmaan. In kasta oo muuqaalka duleed ay dadku u yaqaannaan in uu yahay qof aad u xasilan haddana waxa ay runtu tahay in uu yahay xaraf aan lagu aqoon deggenaan iyo caqli miisaaman, waxa uu ku jiraa xaalad xassilooni darri ah.

Waa xaraf aan lagu aqoon fulin balse caan ku ah in uu aragti iyo fikir cusub curiyo nasiib darro waxa dhacda in uu mararka qaar xitaa ku fashilmo in uu muujiyo waxa uu curiyey ee maskaxdiisa ka soo maaxday. Waa xaraf dhammaantiin masuulnimo ah, waxa aanu leeyahay aragti iyo mawaaqif cad oo aanu la gabban. Waxa lagu yaqaannaa in uu yahay qof jecel saaxiibtinimada kuna booriya dadka. La soco…