Korodhka Shirkaddaha Tagaasida Hargeysa Iyo Doorkoda Shaqo Abuurka Dhalinyarada

0
547

 

Picture4Hargeysa (Geeska) – Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa bilihii u dambeeyay waxa aad ugu soo batay gaadiidka yaryar ee dadwaynuhu u addeegsadaan hawl-maalmeedkooda.

Gaadiidkan oo u badan Tagaasi yaryar oo badankooda ay leeyihiin shakhsiyaad shirkad ahaan ula soo deggay iyo tiro yar oo si qof qof ah loola soo deggo, ayaa waxay kor u qaadeen isku socodka dadwaynaha Magaalada Hargeysa oo awal hore isku socodkoodu ku xidhnaa basaska oo meelo gaar ah loogu hagaago iyo weliba tagaasi lacag badan ka qaadi jiray.

Magaalada Hargeysa oo ay wakhtigan ka shaqeeyaan gaadiid tiro ahaan aad u badan oo u nidaamsan shirkaddo iyo shakhsiyaad, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Raaxo City Taxi, Hargeisa Taxi, Dalxiis, Maroodi-jeex iyo gaadiid kale oo si gaar gaar ah ay uga dhex shaqeeya Magaalada, ayaa Wargeyska Geeska Afrika ka diyaariyey war-bixin si gaar ah u taabanaysa gaadiidkaasi iyo doorka ay ka qaateen shaqo abuurka dhalinyarada, saamaynta ay ku yeesheen gaadiidkii hore ee dadwaynaha iyo saamaynta ay laftoodu isku leeyihiin, maadaama oo ay tartan ku jiraan.

Gaadiidkan yaryar ee Tagaasida ah oo ay badankooda ay wadayaal ka yihiin dhalinyaro aan hore wax camal ah u haynin, ayaa waxa sida aynu garan karo ay shaqo u noqdeen dhalinyaradaasi sida uu qab Mukhtaar Muxumed Cabdilaahi oo ah ku xigeenka Madaxa shirkadda Raaxo City Taxi “Dadku way noo duceeyaan marka aanu sii socod iyo soo socodba ka qaadno lacag $ 5 doolar, xaqiiqna dhalinyaro badan oo qaarkood jaamacaddaha dhamaysteen ayaa noo shaqeeya” ayuu yidhi, isaga oo intaasi ku daray in gaadiidkoodu is-bixiyo marka loo eego tiradda Tagaasida Magaalada ka shaqeeya, balse waxa uu carab’baabay in dawladda looga baahan yahay inay kaantaroosho gaadiidka soo badanaya “Gaadiidka shirkaddaha ama sida gaar gaarka ah u shaqeeyaa anaga saamayn naguma laha, laakiin dawladda ayaa looga baahan yahay inay xaddido”

Gaadiidkan oo shaqeeya 24 saacadoodba, ayaa tartankoodu waxa keenay in qiimaha lagu kireystaa kala duwanaato, iyadda oo gaadiidka qaarkood Magaalada dhan qofku ku soo mari karo lacag aan ka badnayn 20 kun oo shilin, ayaa haddana soo badashadoodu waxay keeni kartaa in qaarkood suuqa ka baxaan, sida uu sheegay Ismaaciil Aaden oo ka mid ah gaadiidlayda Maroodi-jeex Taxi ee qadiimka ku ah Magaalada Hargeysa “Haa..saamayn wey nagu leeyihiin gaadiidka soo badanayaa, waayo wakhtigii gaadiidku xaddidnaa (dakhli) badanbaa na soo gali jiray, laakiin imika waa iska nolol maalmeed” ayuu yidhi isaga oo muujinaya sida gaadiidka Tagaasida ee shirkaddaha iyo shakhsiyaadku saamaynta taban ugu yeesheen dhaqaalihii soo gali jiray, sababi karaana inay suuqa iska saaraan laftoodu haddii aan la xaddidin, inkasta oo Wasaarada ganacsiga Somaliland oo arintan u xilsaaran isla-markaana waajib ka saaran yahay inay arintan hoos u eegto si looga badbaado burbur ku yimaada shirkaddaha maalgashiga sameeyay ee gaadiidka dalka keenay ay sheegtay inaan gaadiidka ganacsigu sooba marin.

Agaasimaha guud  ee Wasaarada ganacsiga Somaliland Salaan Cabdi Cigge oo Geeska Afrika waydiiyay shaqada gaadiidka soo badanaya iyo waxa ay kala socdaan ayaa ku jawaabay “Waxay ahayd inay soo maraan, laakiin anaga nama soo maraan ee waxay iska diwaangaliyaan Wasaarada hawlaha guud” ayuu yidhi, isaga oo muujinaya in aanay kaantarooli Karin tiradda gaadiidka ee soo badanaya.