Burco: Booliska Oo Raadinaya Nin Shalay Gawracay Xaaskisa

0
496

 

Picture5Burco (Geeska) – Ciidamada booliska Magaalada Burco ayaa ku raad-jooga gacan ku dhiigle shalay qudha ka jaray xaaskiisii oo uu qabay muddo dhowr bilood ah oo kaliya.

Gacan ku dhiiglahan, ayaa la sheegay inuu baxsaday ka dib markii uu qudha ka jaray xaaskiisa oo ku wada sugnaayeen guri ay degganaayeen oo ku yaala xaafada Sheekh Bashiir ee Magaalada Burco. Ninkan oo xaaskiisa qudha kaga jaray toorey uu dhowr jeer kaga dhuftay meelo u badan jidhka qaarkiisa sare, ayaan Ilaa hadda la garanayn sababta ku kaliftay inuu falkaasi naxdinta leh ku kaco.

Ciidamada booliska Magaalada Burco, ayaa ku raad jooga gacan ku dhiiglaha isla-markaana doonaya inay soo qabtaan si sharciga loo horkeeno.

Taliyaha saldhiga dhexe ee Magaalada Burco Axmed Cawil Cabdilaahi oo xalay Geeska Afrika la xidhiidhay, ayaa isaga oo ugu horeyn xaqiijinaya jiritaanka falkan naxdinta leh yidhi  “Haa.. falkaasi wuu jiraa,”

Taliyuhu waxa uu sheegay in ay aqoonsadeen ninkaas “Ninkii geystana weli lama qaban, laakiin waanu aqoonsanay” ayuu yidhi.

Falkan naxdinta leh, ayaan ahayn tii koowaad ee dalka ka dhacda, balse waxa hore u dhacay falal noocaasi oo kale ah, waxaana ugu dambeeyay laba fal oo midkood ka dhacay Magaalada Hargeysa, kaas oo ahaa nin xaafada boqol jire ee Hargeysa qudha kaga jaray xaaskiisa iyo laba carruur ah oo ay u dhashay.