Marxuum Good Abees Oo Geeriyooday Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray

0
633

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Alle hawnaxariistee waxa ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay  degaanka Lafa-ruug oo u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera Xaji Maxamed Xuseen Naaleye oo loo yaqaanay  GOOD ABEES.

Alle hawnaxariistee Good Abees wuxuu ka mid ahaa Odayaasha Tirada yar ee ka sii noolaa raggii Burco muddada  60-ka sanno ka badan ku noolaa, kana soo qaybqaatay horumarinteeda dhinaca bulshada, waxaanu ka mid ahaa ciyaartoyadii ugu horeeyey ee Gobolku yeesho, isagoo ka mid ahaa ciyaartooyadii guulaha badan u soo hoyn jirtey Gobolka Togdheer wakhtigii Somaliya, Sidoo kale wuxuu Marxumku ahaa odayasha wax laga waydiiyo taariikhda magaalada Burco, una soo joogay wax badan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa isaguna tacsi u diray Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyaynaayay geerida naxdinta leh ee ku timi ALLE ha u naxariistee Marxuum MAXAMED XUSEEN NAALEEYE (GOOD ABEES.

War-saxaafadeedkaas tacsida ah ee  madaxweynuhu, waxa uu u dhignaa sidan “ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Shacbiga reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyaynaaya geerida naxdinta leh ee ku timi ALLE ha u naxariistee Marxuum MAXAMED XUSEEN NAALEEYE (GOOD ABEES) oo maanta ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay tuulada Lafa-ruug ee u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday Qaran oo ka baxay bulshada Somaliland gaar ahaana gobolka togdheer oo uu ka mid ahaa tiirarka gobolka togdheer, tusaale fiicana u ahaa dhalinyarada iyo waxgaradka gobolka Togdheer iyo guud ahaan dalka.
Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”

Wadada u dhaxaysa magaalooyinka waawayn ee Berbera iyo Hargeysa ayaa ay ka dhacaan dhimasho iyo dhaawac tiro badan, waxaana si weyn loo xasuusan yahay tiro aad u badan oo ka mid ah hal doorka iyo shacabka reer Somaliland oo wadadaas ku nafwaayay iyo kuwo ku dhaawacmay.