Kooxo Somaliland Diid Ah Oo Isu Abaabulaya Inay Kharbudaan weftiga Somaliland ee shirka Turkiga

1
950

Hargeysa(Geeska)-Kooxo Somaliland diid ah oo dalbaday inay shirka Somalida ee Turkigu qabanayo kaga qayb galaan magaca ururada bulshada, ayaa qorshaynaya inay jahawareer ku ridaan weftiga Somaliland ee wasiirada ah ee ka qayb geli doona qaybta shirkaas ee lagaga hadlayo arrimaha dhaqaalaha iyo horumarinta. Wasiirada Somaliland ayaa maanta u socdaalaya dalka Turkiga.

Kooxahaas Somaliland diidka ah waxa ka mid ah ninka lagu magacaabo Dr. Cali Ciise Cabdi, oo codsaday inuu shirkaas kaga qayb galo magaca urur bulsho oo ka diiwaangashan dalka Itoobiya oo uu agaasime ka yahay, waxaanu Cali ka mid yahay kooxaha ka dambeeya khaatumo. Cali oo ay wada socdaan xubno kale ayaa waxa ay ujeedadooda ugu weyni tahay inay waajahaan weftiga Somaliland ee shirkaas ka qayb geli doona. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa dhawaan sheegay  inaanu maqal warka sheegaya inay kooxahaasi shirka ka qayb geli doonaan, balse  haddii ay dhacdana xukuumada Somaliland mowqifkooda ku aadan arrinkaas ay cadeyn doonaan.

Geesta kale, diyaaradda Turkish Airlines, ayaa qorshaynaysa inay duulimaadyo ku timaado madaarada Somaliland. Wargeyska The East African ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa toddobaadkan daabacay in Turkigu oo si gaar ah isha ugu haya arrimaha Somaliland uu maamulka diyaaradooda Turkish Airlines qorshaynayaan inay ku dhawaaqaan inay duulimaadyo ku tagto Somaliland. Laakiin wargeysku ma bixin wax faahfaahin ah oo la xidhiidha wakhtiga ay diyaaradu duulimaadyada bilaabi doonto iyo weliba cidda uu warkan ka soo xigtay.

Comments are closed.