Koonfurta Sudan Oo Soo Bandhigtay Hindise Lagu Joojin Karo Dagaalada Ka Dhexeeya Dalka Sudaan

0
607

SouthDawladda cusub ee Koonfurta Sudan ayaa soo bandhigety hindise cusub oo ay sheegtay  in lacag dhan 3bn oo dollar ay siineyso Sudan si ay ugu soo kabato khasaaraha dhaqaale ee soo gaadhey kadib markii Juba ay xor noqotey.

Juba waxaa kale oo ay soo bandhigtey in Khartoum ay ka cafiyayso lacag dhan 5bn oo dollar oo ay sheegtey inay ku leedahay Sudan. Juba ayaa sheegeysa in lacagtaasi ay ka dhalatey shidaal ay ku eedeyneyso in Khartoum ay dhinac marsatey. Sudan waxay ku gacan seydhey in wax lacag ah ay ku leedahay Juba.

Wada hadalo ayaa labada dal ugu socda dalka Ethiopia si loo soo afjaro ismari waaga ka dhashey lacagta ay koonfurta bixineysa si shidaalkeeda looga dhoofiyo dekadda Sudan.

Juba sidoo kale waxay sheegtey in lacag ka badan tii ay markii hore soo bandhigtey ay bixineyso si ay u adeegsato dekada Port Sudan. Dowladda Sudan ayaan weli jawaab ka bixin bandhigaasi Juba.

Ninka madaxa ka ah wafdiga wadahadalka ee Koonfurta Pagan Amum ayaa sheegey in Juba ay haatan gaadhey halkii ugu dambeysey.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa u qabtey labada dal inay heshiis gaadhaan ugu dambayn  2 August, haddii ay taasi dhici weydana waxaa uu goluhu sheegey in cuna-qabateyn lagu soo rogi doono.

Hindisa Koonfurta Sudan ayaa sheegaya in militariga laga qaado goobaha lagu muransanyahay ee xuduuda labada dal.