Wasiirkii Hore Ee Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Xukumadda Madaxweyne Silanyo Oo Beenisay Inay Dhawaan Muqdisho Tagtay

0
556

Hargaysa( Geeska )- Wasiirkii hore wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa beenisay warar sheegayay inay dhawaan safar ku tagtay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa baahiyay warkaas oo sheegayay inay Muqdisho ku tagtay safar maalmo qaatay. Laakiin Ilhaan waxay sheegtay inay wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah.

Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac waxay sidan ku sheegtay warasyi gaar ah oo ay siisay shabagada wararka ee Hadhwanaagnews, waxaanay ugu horayntii ku bilawday hadalkeeda iyada oo ka jawaabysa wararkas sheegaya inay muqdisho ka dagtay iyo halkay joogto  sidan “ Waxaan jooga Ceerigaabo, wararkaasuna waa kuwo been ah waxaanan soo galay Ceerigaabo galabta ( Shalay Galab ) oo waxaan ka soo baxay shalay duhurkii Hargaysa, markaas warkaasu waa mid iska mala awaal ah.”

Marwo Ilhaan oo la waydiiyay in ay qabto cadho ku riixi karta inay Somaliya tagto waxa ay ku jawaabtay “ Walaal cadho ma jirto, xilkuna waa wax ilaahay keeno isagaana qaada, bini-aadmi xilka kaama qaado kuuma dhiibo, markaas qofka yidhaahada xilbaa layga qaaday oo waan cadhoonayaana waxaan u arkaa in aanu illaahay aqoonsanayn, runtiina siyaasadba wakhitgan xaadirka ah kuma jiro, mid Somaliland ah iyo Somaliya ahba, oo hawlahayga kale ayaaba iska badan.”

Sida oo kale Ilhaan Maxamed Jaamac waxay ka hadashay markii ugu horaysay intii xilka wasaarnimo laga qaaday shaqaday qabato “Markaan wasiirka ahaa xataa hawlo badan ayaan iska lahaa, markaas hawlo ganacsi oo aan xilka ka horna lahaa ayaan iska wataa, oo hudheel halkan ( Ceerigaabo ) kuyaala oo aan ka shaqeeyana kamid ahaa iyo  qaybo kale oo ganacisya oo dhanka Beeyada ah ayaan iskaga jiraa oo  ahaa layn markii horna ii socday imikana laynkaygii ayuunbaan iska sii raacay.”

Ka sokow warkan ay Marwo Ilhaan beenisay, waxa isna Muqdisho ku sugan agaasimihii hore ee wasaaradda maaliyadda Mr. Jaamac Oday.