Gamal Mubarik Oo Codsaday In Loo Wareejiyo Xabsiga Aabihii Si Uu U Daryeelo

0
582

gamal_mubarak_DThwj_19672Cairo, (Geeska/Asharq Al-Awsat)- Ilo sirdoon oo laga helay wasaarada Arrimaha Gudaha Masar, ayaa cadeeyey in hogaanka jeelashu aqbaleen codsi uu Jamaal Mubaarak oo ah wiilka uu dhalay Madaxweyne Xusni Mubaarak ku codsaday inuu meel la joogo aabahii oo ku jira dhakhtarka jeelka ee Tora oo xabsi daa’in ugu xukuman yahay, ka dib markii lagu eedeeyey banaanbaxayaal la laayey.  Gamal Mubaarik ayaa isna loo haystaa eeddo musuqmaasuq waxaanu ku jiraa xabsiga Mulhaq Mazra.

Ilo sirdoon ayaa u xaqiijiyey jariidada Asharq Al-Awsat, in Mohammed Najib Hassan Jamil, oo ah la taliyaha jeelasha ee wasaarada Arrimaha Gudaha aqbalay in Jamaal loo soo wareejiyo jeelka aabahii, ka dib markuu kala hadlay wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Ibraahim. Codsigan ayaa u sahlaya in Jamaal aabahii ka caawiyo geynta suuliga iyo baahiyaadkiisa kale.

Sidoo kale, saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyey, in Xusni Mubaarak tahli waayey soomida ramadaan, maadama si joogto ah uu dawooyin iyo irbado u qaato, iyo cuntooyin xaaladiisa caafimaad wax ka tara. Dhakhaatiirta ayaa hore ugu sheegtay inaanu soomin si aanay xaaladiisu u sii xumaanin. Mr. Gamal wuxuu kaloo aabihii ka caawin doonaa inuu xabsiga dhexdiisa lugaysiiyo si uu wareegiisa dhiigu si fiican ugu shaqeeyo.

15th July 2012, xeer-ilaaliyaha guud ee Masar, Dr. Abdel Meguid Mahmoud ayaa soo saaray go’aan loogu gudbiyey madaxweynahii hore Masar Xusni Mubaarak loogu wareejiyey kdhakhtarka xasbiga ah ee Tora, si uu halkaa ugu dhamaysto xabsigiisa, taasoo ku timi xaaladihii caafimaad ee Xusni Mubaarak u baahnaa oo laga waayey xabsigiisii hore ee ciidamada Maadi.