Baaqa Dhallinyarada Degmada Axmed Dhagax

0
547

Anaga oo ah dhalinyarada dagmada Axmed Dhagax, ahna taageerayaasha urur siyaasadeedka Xaqsoor  waxaanu u sheegaynaa shacabka Somaliland ee ku nool gudo iyo dibadba in doorashadii ka qabsoontay dalka 20-Nov ay hayd mid ku dhacday si nabad ah, lakiin aan la odhan karin waxay hayd mid u dhacday si xalaal,xor iyo cadaalad ah.

Hadaanu ka yara faaloono in aan ahayn xalaal waxa dhacay oo aan la odhan karin ku shubasho,musuq iyo wax isadaba marin ee waxay ahayd wax qaawan oo ceebi ka raacday Komishanka, manay ahayn mid u dhacday si xor ah waayo muwaadiniin ayaa loo diiday xaqoodii dastuuriga ahaa oo meel lagaga dhacay, oo la yidhi codaynmaysaan iyaga oo buuxiyay shuruudii codaynta ee looga baahnaa.

Hadaba waxaanu baaq u diraynaa komishanka doorashooyinka qaranka waxaanu leenahay wax kasta oo dhacay idinka ayaa ka masuul ah, hadaad maanta tidhaahdaan waxaanu dib u tirinaynaa codadkii degmada Hargaysa, taasi maaha mid qancinaysa taageerayaasha Xaqsoor, waayo maaha cabshadu kaliyaata Hargaysa ee waa dhamaan gobalada bari iyo galbeed.

Waxa  kale oo aanu tacsi u diraynaa dhalinyadii sida arxandarada ah loogu laayay rasaasta nool,iyagoo si salmiya u muujinaaya inay ka xun yahiin musuqa lagu sameeyay codadkoodii ay sida nabada ah ku dhiibteen, oo aan leenahay alle samir iyo iimaan saadiq ah haka siiyo eheladii iyo qaraabadii iyo shacabka Somaliland inta dhaawacana alle ha caafiyo.

Taasba waxa nagaga daran in codadkii aanu dhiibanay inta la daadiyay laga soo ururiyo dooxa, dabadeed la yidhaahdo dib baanu u tirinaynaa, waxa kale oo aanu la yaabnay madaxweynaha dalka ee intii rabshadani socotay aan ka hadlin ee afar casho kadib yidhi waanu tacsiyadaynaynaa.

Guntii iyo gabo-gabadii komishanka qaranku hadaanu keenin wax qanciya taageerayaasha ururka Xaqsoor inay arintu ka soo gudbi doonto dhalinyarada, masuuliyadeedana ay qaadi doonaan komishanku.