“Komishanka Iyo Xisbiyaddu Waa U Diyaar Doorashada, Ee Yaan Mugdi La Gelin Doorashada”Cabdi Haybe

0
636

Hargeysa(Geeska)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed,oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ee xisbiga Waddani ayaa ka digay in Doorashadu mar kale dib u dhacdo,waxaanu sheegay in Somaliland il gaar ah maanta lagu eegayo.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka digay in meelo kale loo leexiyo oo la musuqo kharashaadka loo ururiyey gurmadka abaaraha,waxaanu yidhi ugu horeyn isagoo ka hadlaya Doorashada "Doorashada Madaxtooyadu inay qabsoontu wakhtiga loo qabtay,waxay meesha ka saaraysa dhaliilaha kala duwan ee Somaliland kaga imanaya Beesha Caalamka,Midawga Yurub,Qaramada Midoobay iyo waliba Wadamada Somaliland ka caawiya kharashka Doorashooyinka,balse haddii mugdi la galiyo Doorashada oo si badheedha ama si maldahan la isku dayo in dib loo dhigo dhabar jab ayey inagu tahay,waxaana dhab noqonaya dhaliilahaas inagaga imanaya Beesha Caalamka iyo inay waxba kama jiraan tahay Dimuqraadiyadda ay Somaliland ku faanayso. Markaas Komishanka iyo Xisbiyadu waa u diyaar Doorashada ee yaan mugdi la gelin,haddii kale dhabar jab iyo sharaf dhac bay inagu noqon doontaa".

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey abaarta ayaa yidhi "Kharashka faraha badan ee loo ururiyey dadka danyarta ah ee abaartu hayso,waxaan leeyahay waa la dhimanayaa oo akhiro ayaa dambaysa ee yaan la leexsan, oo dadka dhiban ha la gaadhsiiyo,oo si fiican oo cadaaladi ku dheehan tahay ha loo maamulo".