Baanka Premier Bank Oo La Furay Iyo Dulucda Khudbadihii Laga Jeediyay

0
817

Hargeysa ( Geeska) Daah-furka munaasibad loogu wanqalayay bangiga caalamiga ah ee Premier Bank, ayaa Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici) si rasmi ah xadhiga uga jaray maalintii khamiistii lagu qabtay xarunta dhexe ee baankaas ee magaallada Hargeysa.

Daah furka bangigan oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday hay’adaha dawladda, bangiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland ka hawlgala, ganacsato, aqoonyahan, qaar ka mid ah shirkada is-gaadhsiinta iyo maamulka iyo hawl-wadeennada Baanka cusub ee Premier Bank, ayaa lagu soo bandhigay adeegyada kala duwan ee uu bangigani bixin doono, kuwaasoo isugu jira qaar hore uga jiray dalka iyo kuwo cusub oo aan hore u jirin oo ay soo kordhiyeen.

Maamulaha guud ee Premier Bank Md. Cabdiraxmaan Sh. Xasan (Musaabaqo) oo furitaankii xafladda khudbad ka jeediyey ayaa faahfaahiyey rukumada tiir dhexaadka u ah aasaaska bangigan iyo mabaadii’da uu adeegiisu ku dhisan yahay.

Mr. Musaabaqo waxa uu ka warramay maraaxilkii uu bangigu u soo maray ka midho dhallinta himillooyinkii loo aasaasay. “Premier Bank waxa albaabada loo furay 24/Dec/2016-kii, waxaannu rusqad bangi Islaami ah ka helay Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland isla sannadkaas, maanta [shalay] oo aynu joogno 25, MAY, 2017 ayeynu si rasmi ah xadhigga uga jaraynaa. Bangigu waxa uu u hoggaansan yahay shareecada Islaamka, taas macnaheeduna waxa weeye Premier Bank waa bangi Islaami ah oo sidoo kale nidaamkiisa shaqo waafaqsan yahay hannaanka ay u shaqeeyaan bangiyada caalamiga ahi, waxaannu xubin ka yahay hay’adda caalamiga ah ee loo yaqaanno SWIFT oo ah hannaanka ay bangiyadu isugu diraan lacagaha, waxaanna tusaale innoogu filan in taariikhda markii u horreysay uu macmiilka Somaliland joogaa xisaabtiisa isagoo Premier Bank isticmaalaya uu adduunka u diri karo lacag, kana heli karo, sidoo kale bangigu waxaa uu rusqad ka haystaa shirkadaha caalamiga ah ee VISA iyo Master Card oo ah shirkado maalliyadeed oo bixiya adeega lacag bixinta,” ayuu yidhi Mr. Musaabaqo, Maamulaha Premier Bank.

Geesta kale, war-murtiyeedka lagu sharraxay himillooyinka u degsan iyo ujeedooyinka ay hiigsanayaan ayaa u qornaa sidan: “Himilada Premier Bank waa inuu noqdo hormuudka bangiyada. Hadafka koowaad ee Premier Bank waa in uu ka jawaabo baahiyaha maaliyadeed ee bulshada Somaliland si uu qayb laxaad leh uga qaato horumar-ka dhaqaale ee dalka. Waxa tilmaan u ah Premier Bank adeeg hufan oo danta macmiilku udub-dhexaad u tahay. Adeegyada uu baanku bixiyaa waa kuwo haqab-tiraya baahiyaha maaliyadeed ee dadweynaha iyo ganacsatada. Waxa adeegyadaas ka mid ah furirtaanka xisaabaha socda, xisaabaha kaydsan iyo xisaabaha maalgelinta. Waxa kale oo uu bangigu qabtaa adeegyada lacag dirista, waxa uu bixiyaa warqadaha dammaanadaha, waxa uu muddo dhawna ganacsatada u furi doonaa LC-yo. Waxa macmiilka Premier Bank uu awood u leeyahay in uu xisaabihiisa lacag kala bixi karo goob kasta oo aduunka ah iyo goor kasta, isaga oo adeegsanaya kaadhka Premier Bank. Waxa uu markii koowaad Premier Bank suurta geliyey in macmiilka Somaliland joogaa internet-ka ka iibsan karo badeecadaha iyo adeegyada uu u baahan yahay isaga oo aan cid kale culays saarin. Waxa uu baanku soo kordhiyey adeegga loo yaqaanno POS-ka oo ka fududeynaya in uu macmiilku jeebka lacag ku qaato uu wax ku iibsado,” ayaa lagu soo gebogabeeyey war-murtiyeedka bangigu soo saaray kaasoo lagu xusay maamuuska ay hawl-wadeennada bangigu yeelanayaan, maadaama oo lagu tilmaamay laf-dhabarta baanka.

Sh. Cismaan Cali Xuseen oo ka mid ah culimada diinta reer Somaliland ee wax-ka-ogaa aasaaska Premier Bank oo isna halkaas ka hadlaya ayaa sheegay in uu bangigani ku shaqaynayo mabaadii’ ay culimo ahaan ku taliyeen in lagu dabaqo adeegiisa kuwaasi oo dammaanad-qaadaya shuruudaha ay bangiyada Islaamiga ahi ugu adeegaan ummada

“Bangigan markii la aasaasayay waxaa culimo ahaan nala soo xidhiidhay Axmed Cabdiraxmaan Sh. Bashiir, waxaannu noo soo bandhigay qaabka ama nidaamka uu u shaqayn doono bangigu, isaga oo culimo ahaan naga codsaday in aannu saxno oo wixii shareecada waafaqsanna aanu u oggolaano, wixii khilaafsanna aanu ka reebno,” ayuu yidhi Sh. Cismaan Cali Xuseen oo ka mid ah culimaa’udiinta dalka ee xafladda wanqasha bangigan Premier lagu soo marti qaaday, isaga oo sheekhu khudbad iftiiminaysa qaabka ay isu waafaqayaan adeega uu bangigani bixinayo iyo nidaamka ganacsi ee islaamka ku shaqaynayo, waxaanna khudbada uu sheekhu madasha ka jeediyey oo is waafajinta labadaaasi arrimood u badnayd uu intaasi ku daray, “Nidaamkan uu bangigu ku shaqaynayo annaga ayaa culimo ahaan u saxnay, waana nidaam shareecada waafaqsan. Sideedaba waxa aynu wada ognahay in dhaqaalaha islaamiga ahi uu ku dhisan yahay mabda’ aan guurguurin oo ah in qofkamuslimka ahi uu isla ilaaliyo maalka xaaraanta ah ee aanu lahayn, qofku in uu ganacsadana Illaahay baa banneeyey, laakiin waxa dhici karaysa in dadkeena uu magaca bangigani ku yara adkaado marka ay maqlaan ama arkaan Premier Bank oo ay is yidhaahdaan bahalka wax kale ayaa malaha ku hoos jira, hase yeeshee magacu asalkiisaba macno ma samaynayo ee waxaa muhiim ah uun nidaamka uu ku shaqaynayo. Markaa waxaan idin leeyahay bangigu khadkii aannu ujeexnay ayuu ku shaqaynayaa culimadii nidaamka u saxdayna ka mid baan ahay, Illaahay idamkiina waxaan rejaynayaa in sidii aannu u tilmaanay iyo qorshihii aanu u waafajinay shareecadana in ay u shaqayn doonaan Insha Allah.”

Waxa iyguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland, madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay, Dahabshiil iyo Daarasalaam ee ka hawlgala Somaliland kuwaas oo dhammaantooda soo dhaweeyey bangigan iyo adeegyada uu fidin doono.  Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna daah-furka Bangiga Premeir Bank ka hadlay muhiimada siyaasadda xukuumadda ee furfurida ganacsiga iyo suuqa xorta ah u leedahay bulshadeena iyo kuwa dunidaba.

“Xukuumadda KULMIYE ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici hoggaamiyaan waxa siyaasad u ah in aannu dalkan ganacsigiisa furfurno, ku soo dhiirrigalino dad maalgashada, shisheeye iyo sokeeyaba, waanu u soo jiidaynaa dadka ajinabiga ahi inay maalgashadaan, shaqo ayaa ka abuurmaysa, sumcad ayaa inooga kordhaysa, si sharciga iyo qaanuunka waafaqsan,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaannu intaa ku daray, “Waxaannu soo dhawaynaynaa in Soomaalida kale ay dalka maalgashato, cuqdad kama qabno inay bulshada Soomaalidu dalkan maalgashato oo shirkado uga shaqeeyaan, dunida ganasigu waa isugu jiraa, Soomaalina ganacsigu waa isugu jiraa, Soomaaliyi siyaasad ayey ku kala tagtay, ma ogolin in siyaasad lagu shuraaakoobo, laakiin bulshada Somaliland way la shuraakoobi kartaa markay ganacsi timaado Soomaali iyo shisheeye kaleba.”  

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo isagu xadhiga ka jaray baanka ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyey waxa uu ku yidhi "Aad baannu ugu faraxsan nahay waananu soo dhawaynaynaa xukuumad ahaan banigigan cusub, sababtoo ah cid kasta oo maalgashi samaynaysa shisheeye ha ahaato ama sokeeyee waannu soo dhawaynaynaa waana aanu dhiiri gelinaynaa, danteena guud ayaa ku jira, maanta hantididii ummadda reer Somaliland waa hanti mayd ah oo fadhida wax alle wax macno ah oo ay samaysaa ma jirto, hadii aynu maanta lacagta aynu dhulka gelino aynu bangiyada dhigano shaqlo la'aan danbe oo dalka ka jiraysaa ma jirto dhaqaalaha dalkuna cirka ayuu marayaa.”

Sidoo kale, Madaxweyne-ku-xigeenka waxa uu ka hadlay nidaanka baananka ganacsi, isaga oo sheegay inay muhiim tahay inay bangiyadaasi ka furan dalkeena,  waxannu yidhi “Fulle xantii ma moogee waxa la yidhi bangiyadii aan Islaamiga ahayn yaan la furin, waxaan leeyahay bangiyada Islamic Bank la yidhaahdo lacagta ay dadka saarayaan way badan tahay, qaran ayaynu nahay oo kama maarmi karno bangiyada caalamka ka jira laakiin cid lagu khasbayo in uu ribo qaato oo aannu dhiirrigelinaynaa ma jirto, waxa aan leeyahay bangiyadan aynu qaadanay ee Islamic Bank naxariista ha lagu darro markaad qiimaha jebisaan sirta ganacsiga ayey kamid tahay qofka waxyar saara in macaamiishiisu badato.”

Gebogabadii xafladaasi waxa isagu ka hadlay madasha Guddoomiyaha Guud ee Bangiga Caalamiga ah ee Premier Bank Md. Axmed Cabdiraxmaan Sh. Bashiir, isaga oo si la mid ah sidii ay madaxda madasha ka hadashay uga warrameen bangigan isaguna faahfaahiyey mabaadii’da ay ku shaqayn doonaan. Guddoomiye Axmed Sh. Bashiir waxa uu u  mahad-naqay bulshada Somaliland ee dareenka san ku qaabilay bangigan, isaga oo macaamiisha ay xisaabuhu uga furan yihiin Premier Bank iyo kuwa kusoo biiri doonana u ballanqaaday hufnaan iyo adeeg san inay mar kasta ula diyaar yihiin.