Komishanka Dorashoyinka Oo Kulan La Qaatay Guddi Hoosaadka Golaha Wakiialda

0
623

kmoshankHargaysa(Geeska)-Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa kulan albaabadu u xidhan yahiin la yeeshay gudida arimaha gudaha ee golaha wakiilada, kulankaas ayaa ahaa mid aan warbaahinta loo ogalayn, waxaana kulankaas kadib warbaahinta war kooban ku siiyay xarunta golaha wakiilada gudoomiyaha komishanka doorashooyinka Ciise Xamri.

Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka Ciise Yuusuf Xamari waxa uu sheegay inay kulankan gudida ugu sharaxayeen dhamaystirka xeerkii doorashooyinka oo uu sheegay in loo baahan yahay in la dhamaystiro xeerka waxna lagabadalo qodobo dhawra.

Waxaan hadalkiisa kamid ahaa “Halkii laga dhigi jiray in qofka la doorto waxii ka qabyo ahaa ayaan u soo gubinay xukuumadda, xukuumadduna waxay u soo gudbisay gudida arimaha gudaha ee golaha wakiilada, waxaanan u nimi inaan ( Xarunta golaha wakiilad ) u sharaxno dhamaystirka waxii qodabadaas ka farcamaaya, Waxaany imika badalayaan qodabadii aanay markii hore wada badalin.”

Gudoomiye Ciise Xamari oo warbaahintu waydiisay sababta ilaa hada ay u cayimi la’ayhiin goorta ay doorashada golaha deegaanku qabsoomayso ayaa ku jawaabay “laba wax ayaa naga qabyo ah, oo kala ah markan helno dhaqaalahii iyo xeerkii, markaas ayaan ku dhawaaqaynaa”