Burco: Ururka Xaqsoor Oo Soo Bandhigay Lix Murashax Oo Ka Qayb Geli Doona Dorashada

0
729

xaqsoor kkBurco(Geeska)–Urur siyaasadeedka uu hoggaaiyo siyaasiga caanka ah Xasan Ciise Jaamac ayaa magaalada Burco ku soo bandhigay Lix musharax oo tartami-doona doorashadda golaha deegaanka Degmadda Burco ee xarunta gobolka Togdheer .

Munaasibad balaadhan oo ururku ku shaacinaayay musharixiintiisan  oo ka dhacday Hoteelka Barwaaqo ee magaalada Burco ayaa waxa ka soo qaybgalay ,cuqaal ,salaadiin ,aqoonyahano ,madaxdhaqameed ,masuuliyiin sar sare oo ururkaasi ka socotay iyo dadweyne kala oo ka tirsan taageerayaasha ururka Xaqsoor ee gobolka Togdheer.

 Guddoomiyaha ururka Xaqsoor ee gobolka togdheer Maxamed Cumar Dhufays oo ugu horeyn madashaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Waxaanu maanta halakan idiinku soo bandhigaynaa Lix musharax oo ka sharax ururka Xaqsoor oo u taagan golaha deegaanka Burco kuwaasi oo ah dad aqoon leh oo u qalma xildhibaannimada,  ,sidaa awgeed iyadoo aanney wali halkan ku dhamayn mushariinta ururka degmadda Burco uga tartami-doonta ,oo aanu dhawaan idiin soo dhamaystiri-doono  “ Sidaasi ayuu yidhi Guddoomiyuhu waxaanu u mahad-naqay dadkii xafladaasi ka soo qaybgalay.

Xubnaha ururka Xaqsoor uga qayb geli doona doorashada golaha deegaanka ee magaalada Burco ee shalay lagu dhawaaqay ayaa waxay kala yihiin, Kayse Cabdi Raage, Bashiir Cabdillaahi Xaaji Ducaale, Saleban Xaaji Cumar, Cumar Cabdi Jaamac, Yuusuf Cabdi Cali, Cabdiraxmaan Jaamac Axmed.

Caaqil Maxamed Huruuse oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Anagu haddaanu nahay beesha Reer Xuseen waxaanu halkan maanta keenay Bashiir Cabdilaahi X.Ducaale oo aanu u sharaxnay golaha deegaanka Burco kana sharaxan ururka Xaqsoor ,sidaa awgeed iyadoo aynu aqoon badan u leenahay ururka Xaqsoor hugaankiisa guud Muj. Xasan Ciise Jaamac oo ah siyaasi weyn oo dalka usoo halgamay xaq-na u leh in aynu doorano ,anagu beel ahaan waxaanu balanqaadaynaa in aanu Naf iyo Maalba isla garabtaagno sidii uu ururku u guulaysan lahaa musharaxayaguna u soo bixi lahaa.”

 Caaqil Xirsi Maxamed oo isna ka mid ah cuqaasha gobolka Togdheer  oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ Iyadoo ay ururadu tartan ku jiraan ,hadana anagu beela ahaan waxaanu garanay musharaxayaga in aanu ku wareejino ururka Xaq-soor oo aanu ku rajiweynahay in uu ururkaasi noqdo sedexda xisbi qaran ee soo baxa , sidaa awgeed cududayada taageero waxaanu isla garabtaagaynaa sidii ururku u guulaysan lahaa “.

 Xoghayaha guud ee ururka Xaq-soor Jaamac Faas Maxamuud oo isna xafladaasi soo gunaanaday ayaa soo dhaweeyay musharixiintan ururka Xaqsoor iska soo sharaxday iyo beelaha ay ka soo jeedaan ee ururka taageeray  ,waxaanu xoghayuhu sheegay oo uu balanqaaday  ururka Xaq-soor in ay ka go’antahay in uu golaha deegaanka usoo sharixi-lahaa  dad aqoon leh oo dalka anfaca isla markaana wax ka qabta  baahiyaha aasaasiga ah .

 Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Caaqil Siciid Xasan ,Caaqil Cabdiraxmaan

 xasan ,dhalinyaro ,aqoonyahano iyo marti sharaf kale kuwaasi oo dhamaantood balanqaaday in ay awooda saaridoonaan sidii uu ururka Xaqsoor usoo bixilahaa isla markaana uga gudbilahaa golaha deegaanka.