Komishanka Cusub Oo Guddoomiye Doortay Iyo Xubinta Kaliyaata Ee Xisbiyda Mucaaradka Kaga Jirta Gudiga Oo Ku Tilmaamay Gacan Rimis Doorashadaas

0
708

 

Hargeysa(Geeska)-Komishanka doorashooyinka ee cusub ayaa ayaa guddoomiye u doortay Eng.Cabdirashiid Riyo-raac, waxaanay kala wareegeen xilkii komishanka komishankii afraad ee mudo xileedkoodu dhamaaday.

Guddoomiyaha komishanka hore Eng.Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa xisaabaadka iyo guud ahaan hawlaha komishanka waxa uu ku wareejiyay komishanka cusub, waxaana labada gudoomiye ay halkaas ka jeediyeen khudbado kooban.

Xasan Yuusuf Ducaale xubinta komishanka ugu jirtay xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa dhankiisa  sheegtay inay doorashada hogaanka komishanku ay gacan ku rimis tahay, waxaanu sheegay inay adag tahay xaalada dalka iyo xisbiyada loo xaqsoorayaaba.

Eng.Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo halka ku wareejinaayay komishanka cusub waxa uu yidhi “ Waxa farxad noo ah shan sano kadib  in komishankii doorashooyinka  qaranka ee afraad uu xilka ku wareejinaayo komishankii shanaad  ee qaranka kaas oo ah sunaha iyo hanaanka sharci   shantii sanadoodba mar la  badalo komsihanka Somaliland, sharaf ayay noo tahay inaan maanta idinku wareejino xilkii.”

Intaas kadib waxa uu ku wareejiyay dhamaan xisaabaadka komishanka  “Miisaaniyada komishanku uu ku shaqeeyaa waa laba miisaaniyadood  labadaas miisaaniyadood ee uu ku shaqeeyana midi waa ta sanadlaha ah  midna waa ta doorashada ama diiwaangalinta, waxaanu idinku wareejinaynaa  akoonadii miisaaniyadas, kow akoona Dahabshiil ee lacagta qalaad ee adag waxa idiinku jira 5551 doolar Akoonka Dahabshiil ee gudaha  waxa idiinku jira isagana 707 doolar, akoonka 174 waxa idiinku jira 279,511,701 SL, Akoonka ku xiga oo ah Daarasalaam bank 2208 Doolar.”

Eng.Cabdirashiid Maxamuud Cali oo loo doortay guddoomiyaha komishanka doorashooyinka ayaa dhankiisa halkaas waxa uu ka sheegay “ Komishanka qaranka ee xilka nagu wareejinaaya insha allaah horana waa looga marag kacay oo xisbiyo iyo dawladaba waa ay ka marag kaceen  anaguna maanta markhaati ayaanu ka nahay  in komishan shaqo wanaagsan soo qabtay oo soo shaqeeyay  oo shahaadooyin ku qaatay aad tihiin, aniga oo ka wakiil ah komishanka cusub waxaanu alle ka barayaynaa  oo balan qaadaynaa aadami intaanu ku nahay  inaan tacabkiinu khasaarin, inaad ku ididiilootaan shaqada aan qabano, in aan ka lixaad ku qadano shahaadooyinkiina kuwo ka badan oo u sii gudbino.”

Xubinta xisbiga Ucid uu ku lahaa komishanka Xasan Yuusuf Ducaale  ayaa ku tilmaamay doorashada guddoomiyaha cusub mid gacan ku rimis ah“ Doorashada maanta dhacday waxay ahayd mid aanan isku ogayn, waxa noo yimi khamiistii gudidii dhexdhexaadinta waday ee ka shaqaynaysay inay isku keeneen xisbiyada noona gogol xaadhaan sidii  hawl u qaban lahayn komishan oo qaran, nasiibdaro wax dhacday  doorasho gacan ku rimis ah  oo aanan diyaar u ahayn  oo saaka [shalay] uun bilaabmatay waan fadhiyay oo maan ka bixin  laakiin majoorati ayaa la noqday oo waa nalaga batay, allena waxaan uga rajaynayaa qarankan iyo dalkan inuu  ku soo dabaalo xasilooni iyo nabadgalyo anigu ninkaas odayga ah shaqsiyan uma diidani  Cabdirashiid Riyo-raac ee guddoomiyaha noqday  laakiin waxa weeye yaanu u xaqsooraynaa  cidaanu u xaqsoraynay waxay ahayd sadexda xisbi qaran  iyo shicib weynaha Somaliland, hadii markaas aanay xisbiyada qaranku raali ka ahayn waxay noqonaysaa wax aad u adag allena waxaan uga rajaynayaa uun khayar.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here