Komiishanka Doorashooyinka Oo Kooxaha Wacyi-gelinta Dadweynaha U Kala Diray Degmooyinka Gobolka Saaxil

0
433

Saaxil (Geeska) – Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Degmooyinka Gobolka Saaxil u kala diray Gaadiidka iyo hawl-wadeennada Wacyi-gelinta Dadweynaha, maaddaama oo ay bilaabmayso Qaadashada Kaadhadhku.

Komiishanka doorashooyinka, ayaa gaadiid ay saaran yihiin kooxo Wacyi-gelinta Dadweynaha qaabilsan u kala dirtay deegaannada hoos yimaadda Degmooyinka Berbera iyo Sheekh, si ay Dadweynaha ugu wacyi-gelinayaan habka loo qaadanayo Kaadhadhka Codaynta.

Kaltuun oo ka mid ah Komiishanka doorashooyinka oo Magaalada Berbera kula hadashay Saxaafadda ayaa tidhi  “Waxa bilaabmaya Qaybtii Wacyi-gelinta ee Dadweynaha loogu talo-galay in la ogaysiiyo Dadka ku nool Gobolka Saaxil guud ahaan inay u bilaabmi doonto qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta oo bilaabmaysa 11-ka bisha 3-aad, 2021, socon doonana muddo 3 Maalmood ah, markaa Dadweynuhu waa inay ka faa’idaystaan muddadaa gaaban.”

Xubin ka mid ah Maamulka Komiishanka ee Gobolka Saaxil, ayaa isaguna sheegay “Waxa baxaya Gaadiidkii Wacyi-gelinta ee u kala baxaya degmooyinka Sheekh iyo Berbera, kuwaasi oo shaqayn doono muddo 5 Maalmood ah, laba Maalmood oo ka horreeya Kaadh qaybinta iyo saddexda Maalmood ee Kaadh qaybintu socoto, 5 taa Maalmood ayay soo shaqayn doonaan Gaadiidkaa iyo Shaqaalaha saaraniba. Goob kasta oo ka mid ah Goobaha ay diwaangelintu ka dhici doontana way tagi doonaan, markaa waxaan Dadweynaha aad iyo aad ugu boorinayaa inay si sharaf leh u dhegaystaan kooxaha dhallinyarada ah ee saaran Gaadiidka.” Ayuu yidhi.

Geeska.net/Hargeisa Office