Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Sheegay In Qareennadu La Kulmaan Tacdi & Cadaalad-daro

0
551

Hargeysa (Geeska) – Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac) ayaa sheegay in Qareenada Somaliland xilka iyo waajibka ka saaran dalka iyo dadkaba aanay u madax banaanayn, oo ay la kulmaan caddaalad-daro, tacdi iyo xadhig.

Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac) oo arintan ka hadlay ayaa yidhi “Markaad eegaysid Sharciga Somaliland qof walba, waajibkiisu waxay ku qoran tahay xeerarka dalka yaalla, waxay wada shaqayn karaan haddii xeerarkaas la raaco, lana ixtiraamo, xilka qareenka, qareenku xeerarku waxay sheegayaan inuu yahay Sarkaal, Sarkaalkuna wuxuu la mid yahay qof dawlad u shaqeeya, marka uu Maxkamadda hor taagan yahay, waxaa weeye in lagu ixtiraamo oo shakhsiyaddiisa aan lagu cunsuriyadayn shaqada uu qabanayo”.

Mar uu ka hadlayey dhibaatooyinka kale ee uu sheegay inay haystaan Qareenada ayuu yidhi  “Dhibaatooyinka Qareenada haysta waxaa ka mid ah qofka ay matalayaan oo saldhig ku xidhan ayaanay la kulmi karin, oo aanay soo waraysan karayn, waxaa la leeyahay Maxkamadda ka dood, suurtagal maaha, oo qofka waxba uma qaban kartid, haddii iyaga laga qabanayo waxaa jirta Guddi anshax marinta oo talaabo ka qaadi karta, laakiin haddii aan iyaga shaqadii loo dayneyn, kii soo yar taagnaada ee loo arko in nidaamka uu ka soo hor jeedo la xidhayo, ruqsaddii laga qaadayo, cadaadis la saarayo, Qareenadu shaqadoodii ma qabsan karaan, haddii ay iyagu shaqadoodii qabsan kari waayaan waa inaad xasuusnaanta cidda ku dhibani waa umadda reer Somaliland, waa qofkii dhibinaha ahaa ee cadaaladda raadinaayey, inta ay taasi dhacayso, anigu waxaan qabaa in dhib badan cadaaladda Somaliland ku ahaanayso, maxaa yeelay qareenku waa tiir ka mid ah tiirarka ay cadaaladdu ku taagan tahay”

 

Geeska.net/Hargeisa Office