Kismaayo Kadib: Alshabaab Ma Laga Takhalusay Mise Waa La Wiiqay?

0
616

 

kismaayoNairobi (Geeska)- Warbixin ay qabsashadii Kismayo kadib diyaarisay shabakadda wararka ee Alcarab ayaa lagu soo bandhigay aragtiyaha kala duwan ee ay dadka siyaasadda falanqeeyaa ka bixinayaan masiirka Alshabaab ee qabsashadii Kismayo kadib, warbixintan oo dhinacyo badan ka eegaysa arrimaha amniga iyo siyaasadda ee Soomaaliya waxaa lagu bilaabay. Waxaa hoos u dhacay awooddii Alshabaab ee Soomaaliya, kadib markii ay difaacan kari waayeen dhufayskoodii ugu dambeeyey magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya oo Kismaayo ahaa, laakiin taas macnaheedu ma’aha in Soomaaliya ay nabadi ka aslaaxday, haddii aanay masuuliyiinta cusubi muujin in ay karti u leeyihiin buuxinta dawlad la’aanta 21 jirka ah ee dalkaas ragaadisay.

 

Alshabaab waxa ay ka baxday magaalada dekedda ah ee Kismaayo iyada oo sida muuqata ka taxaddaraysa in iska horimaad ay la gasho ciidamada Kenya ee weerarka ku soo qaaday. Sida ay dadka siyaasadda lafa-gura qaarkood aaminsan yihiin Al-shabaab waxa ay Kismaayo ku waayeysaa dhaqaale badan oo ka soo geli jiray dekedda oo si gaar ah ay uga dhoofi jiray dhuxushu. Waxa aanay hadda kadib ku qasbanaanayaan in ay ku tiirsanaadaan ilo dhaqaale oo dibadda ah, kuwaas oo qudhooda aanay si sahlan ku heli karin, maadaama oo ay meesha ka baxeen nidaamyo badan oo laga yaabo in ay u fududayn lahaayeen.

Ururka Alshabaab oo mar bishii September 2010-ka awooddoodu gaadhsiisnayd heer ay qarka u saarnaayeen in ay gacanta ku dhigaan qasriga madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sida muuqata ay ciidamada Afrikaanka ee AMISOM awooddooda aad u wiiqeen, illaa ay bishii August 2011-ka Alshabaab iskaga baxday magaalada Muqdisho, waxase awooddoodu ay aad u sii laciiftay markii ciidamada Itoobiya iyo kuwo Kenya oo aan wada soconi ay xadka Soomaaliya ka soo tallaabeen  deegaannada ku beegan magaalooyinka Baladweyne, Baydhabo iyo Af-madow iyo aakhirkii Kismaayo. Warbixintu waxa ay sheegtay in dadka sidan aaminsani ay ku doodayaan in qabsashada Kismaayo macnaheedu yahay in uu dhammaaday waqtii Al-shabaab awoodda lahayd ee ay gobollo iyo degmooyin ka talinaysay.

Laakiin Lora Hammond  oo ka tirsan mac-hadka daraasaadka bariga  dhexe iyo Afrika oo xaruntiisu tahay London ayaa ku doodaysa sidan, “Kismaayo oo laga qabsaday waa dhirbaaxo weyn oo ku dhacday Alshabaab, laakiin macnaheedu ma’aha in Al-Shabaab ay u dhammaatay”  Lora waxa ay si gaar ah farta ugu fiiqday in Al-shabaab ay weli gacanta ku hayso qaybo badan oo ka mid ah deegaannada kaymaha jiqda ah iyo buuraleyda ah ee koonfurta Soomaaliya iyo  magaalooyin kale haba yar-yaraadaan ee. Lora waxa ay tusaale u soo qaadatay in Alshabaab ay weli awood ku leedahay magaalada Jowhar oo 90 kilomitir oo keliya dhinaca woqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Waxa kale oo aan iyadana la dhayalsan karin digniinta Al-shabaab ay ku bixisay in ay kordhin doonto weerarrada naf-huridda ah oo ay muddo bilo ahba sidii hore ka kordhiyeen gudaha Soomaaliya iyo dalka la deriska ah ee Kenya.

Maxamed Cabdi Afay oo hore u ahaa safiirka Kenya u jooga Soomaaliya ayaa mar uu aragtidiisa siinayey warbixintan waxa uu yidhi, “Qabsashada Kismaayo waa farriin ku socota Al-Shabaab iyo dhammaan kooxaha dhagar-qabayaasha ah ee kale.” Afay oo imika ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya waxa uu yidhi, “Ciyaartii waa ay dhammaatay” isaga oo u jeeda in 21 kii sano ee dagaalladu aafeeyeen Soomaaliya laga gudbay, waxa aanu rajadiisa ku sababeeyey, “Waxaa hadda Soomaaliya ka jirta dawlad la doortay, dadaalka Kenya waddaana waa sidii dhidibbo loogu taagi lahaa xasiloonida guud ahaan dalka oo dhan,  xukuumaddana fursad loogu siin lahaa in ay gacanta ku dhigto dhulkeeda oo dhan”

Dhinaca siyaasadda:

Warbixintan waxa ay shabakadda Alcarab ku sheegtay in marka laga tago dhinaca milateriga, uu weli jiro dagaal siyaasi ah oo adag oo hor yaalla Soomaaliya. “Dalkani tan iyo sannadkii 2000 waxaa soo hoggaaminayey maamullo ku meel gaadh ah oo aan sharciyad dhab ah haysan, shacabkana taageero buuxda ka sidan, laakiin intii ka dambaysay bishii August ee sannadkan waxa ay yeelatay baarlaman cusub, intii ka dambaysay bishii September ee isla sannadkanna waxaa jiray madaxweyne uu baarlamankani soo doortay oo ah 56 jir lagu magacaabo Xasan Sheekh Maxamuud, oo ixtiraam ka haysta bulshada rayidka ah.

Caqabadaha:

Mushkiladda ugu weyn ee dawladda Soomaaliya hor taallaa waa hawlihii amnigii iyo soo celinta kala dambaynta oo ay ku tiirsan tahay ciidamo shisheeye iyo iyada oo ku qasban in ay u hoggaansanto waaqaca hor yaalla ee ah in ay taladii gobollada u dayso masleeshiyaad iyo qabiilo inta badan iyaga dhexdooda colaado ka qarxaan.

Lora Hammond oo si xeel dheer uga hadlaysa sida ugu fiican ee ay dawladda cusubi saaxaddad uga saari karto Al-shabaab waxa ay tidhi, “Waxaa muhiim ah in aynu qirno, in Al-Shabaab ay in uun taageero ah ka haysteen shacabka Koonfurta Soomaaliya, muddo 6 sano ah ayaa ay deegaankaas ka talinaysay oo ay amnigii baahida daran loo qabay soo celiyeen…” Lora waxa ay intaas ku sii dartay, “Haddii la rabo in si dhab ah Al-Shabaab looga takhaluso, xukuumadda cusubi waa in ay marka koowaad dadka taageersan u muujiso in ay ugu yaraan awooddo inay dammaanad qaaddo in aanu amnigaasi hoos uga dhicin halkii uu taagnaa”

Khubarada warbixintan u warramay qaarkood ayaa ku doodaya in weli ay Soomaaliya ka jiraan loolanno hubaysan oo qabiil, iyaga oo ka digaya in haddii aanay xukuumadda cusubi arrintaa wax ka qaban, ay suurtogal tahay in Alshabaab ay dib uga faa’idaysaato si ay mar labaad saaxadda ugu soo noqoto.

Waxaan iyadana la dafiri karin in dadka Soomaaliyeed ay aad uga calool xun yihiiin ciidamada ajaanibka ah ee xad dhaafka ah oo tiradoodu gaadhayso 17 kun oo askari oo xooggoodu ka socdo dalalka Burundi, Uganda iyo Kenya oo ku jooga magaca midowga Afrika ee AMISOM iyo weliba guutooyinka ka madaxa bannaan ee ah kumanaanka kun ee Itoobiyaanka ah ee dalkooda jooga.

Shabakaddu waxa ay warbixinteedan ku soo xidhay, hadallada Lora Hammond ee ah, “In ciidamada shisheeye si dhaqso ah u baxaan waa waxa ugu fiican, laakiin haddana haddii ay baxaan iyada oo aanay weli ciidanka Soomaalidu awood u yeelan inay buuxiyaan kaalinta ciidamadaas, waxa ay taasi dan u noqon doontaa Al-Shabaab oo isku dayi doonta inay ku soo noqoto deegaannadii ay ka baxday”