Kijaandhe Iyo Siciid Cartan Oo Sheegay In Cabdiqaadir Jirde Ku Haboonyahay Gudoomiyaha Waddani

0
517

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Xidhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka mid ah  Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, ayaa ka hadlay Isbahaysigii Kulmiye ee ku biiray Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, xilka Guddoomiye ee Cabdiqaadir Jirde iyo xilka cusub ee hoggaanka Xisbiga Waddani ee loo balanqaaday Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.

1

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Xidhibaan Siciid Cartan Cismaan oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka tirsanaa Isbahaysiga Kulmiye balse ka baydhay, ayaa ka hadlay Isbahaysiga ku biiray Waddani, waxaanu sheegay in aanu wax dhib ah u arkin, isaguna aanu hadda ka mid ahayn, waxaanu yidhi “Anigu haddii aan markii hore ka mid ahaa Isbahaysiga imika kama mid ihi, Kulmiye ayaan ahay, haddii ay ku biireen Waddani wax dhib ah oo aan u arkaa ma jirto, tartan ayaa naga dhexeeya”. ayuu yidhi.

Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey xilka Guddoomiye ee Cabdiqaadir Jirde ayaa wuxuu yidhi “Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde wuu u qalmaa jagada Guddoomiye-nimo ee Xisbiga Waddani, waanu ka soo bixi karaa xilkaas”

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan ayaa isna dhankiisa ka hadlay Isbahaysiga ku biiray Xisbiga Waddani, xilka Guddoomiye ee Cabdiqaadir Jirde iyo xilka cusub ee Hogaamiyaha Xisbiga Waddani, waxaanu yidhi“Waanu xiiseeynaynaa in Xisbi kale oo awood leh oo aanu ku tartano saaxada inuu soo baxo, wax cabsiya oo aanu ka qabno Xisbiga Waddani-na ma jirto, Xisbi waliba sharci iyo shuruuc u gaar ah ayuu leeyahay, haddii Xisbiga Waddani shuruucdoodii wax ka bedeleen oo ay jagada Hogaamiye sameeyeen iyagaa xaq u leh”.

Xidhibaan Siciid Cartan ayaa mar uu ka hadlaayey xilka Guddoomiye ee Cabdiqaadir Jirde ayaa yidhi “Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde waa nin in badan ku soo jiray Saaxada Siyaasada, oo aanu Golahana ku wada jirno, waanan qabaa inuu ku haboon yahay kaalinta Guddoomiye ee Waddani, waanu buuxin karana”.

Dhinaca kale Xildhibaan Siciid Cartan ayaa guud ahaan Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada ugu baaqay inay qaranimada ilaaliyaan.