Cali-sanyare Oo Dardargelinta Wadada-cad Safar Ugu Tagay Dalka USA

0
602

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cali Ibraahim Maxamed (Cali-sanyare) ayaa dalka Maraykanka ugu ambo-baxay socdaal la xidhiidha hawlo shaqo iyo arrimo qoys.

1

Md. Sanyare oo isagoo jooga Addis Ababa xalay u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu dalka Maraykanka u tagayo dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin dardarigelinta qaadhaan ururinta wadada cad ee isku xidhaysa Hargeysa iyo Salaxley, hawlo shaqo oo siyaasadeed iyo arrimo qoys, “Waxaan u baxay Maraykanka, waxaanan u tagayaa dardargelinta qaadhaan ururinta jidka wadada cad oo meel wanaagsan maraya sidii aan u abaabuli lahaa shacabka Somaliland oo aan uga dalban lahaa inay qaadhaan ku soo darsadaan jidkaas. Waxa kale oo aan u tagayaa qoyskaygii iyo carruurtaydii oo aan soo eegayo. Sidoo kale hawlo kale oo siyaasadeed oo khuseeya arrimaha Somaliland ayaan u tagayaa dalkaas Maraykanka.”