Khudrad Dhulkeenna Laga Helo Oo Kaalin Weyn Ka Qaadan Karta Dejinta Dhiigkarka Aadka U Sarreeya

0
241

Haddii shaqada toddobaadka oo kugu badani ay kugu keento neerfis (Cadho badan), ama aad caado u leedahay cunista cuntooyinka degdegga ah ee inta badan baruurta kordhiya, ama xitaa aad tahay dadka lagu falay nuugista sigaarka oo khatar ku ah nolosha aadamaha, oo aad isku aragto dhiigkar, waxa aad ogaataa in sababta koowaad ee dhiigkarkaas kugu keentay ay tahay noocaas nololeed ee aad ku jirto.

Haddaba Geeska Afrika waxa uu qormadani akhristayaashiisa kula wadaagayaa dhir ay fududahay in dhulka Soomaalida laga helo, oo haddii uu qofku wax ka beddelo hab-nololeedkaas aynu hore ku soo xusnay, kadibna dhirtan isticmaalo ay hubaal tahay in ay si weyn u caawinayaan in aanu dhiiggiisu kicin. Hab-nololeedka aynu ka hadlayno waxaa iyaguna ku jira in qofku uu habeenkii hurdo fiican seexdo iyo in nidaamkiisa cunto noqdo mid caafimaad qaba.

Dhirtaas dawada ka ah dhiigkarka waxaa ka mid ah:

1. Boorashka: Boorashku waxa uu awood u leeyahay in uu dejiyo dhiigga kiisa sare iyo ka hoose labadaba, waxa kale oo ay khubarada caafimaadku sheegeen in uu yahay cuntooyinka hodanka ku ah galka, ee wanaajiya hab-dhiska dheefshiidka. 2. Sinjibiil: Sinjibiishu waxa ay dhiigga ka ilaalisaa xinjirowga, oo ah khatarta ugu badan ee qofka dhiigkarka lihi waajaho, sida oo kale waxaa ku jira maaddooyin ka hortag u ah jidh ololka, sidaa awgeed qofka dhiigkarka leh oo maalintii cabba koob shaah sinjibiil lagu daray ah, waxa ay ka caawinaysaa in dhiiggu dego iyo in aanu guntamin. Si kastaba ha ahaato ee waxa ay khubaradu ka digaan in isticmaalka sinjibiishu uu jidhka ku bato, si aanu dhiigga uga saarin xinjiraha oo dhan.

3. Saliid Macsarta: Saliidda Macsarta ama sisinta hadba sida aad u taqaanno, maaddooyinka ku jira waxaa ka mid ah Seismol iyo Cisamine oo labaduba dila Mariidka/suntan ka dhalata cuntada, waxaa intaas dheer in saliid macsarada uu ku jiro Faytamiin E. Labada maaddo ee aynu xusnay iyo faytamiin E waxa ay si weyn u caawiyaan in dhiigkarku uu dego.

4. Baqalka: Caleenta baqalka oo isku jirta badhida iyo caleentuba waxa ay dejisaa dhiigga, sababtuan waa maadadda Potassium loo yaqaanno oo ay hodan ku tahay ayaa saamayn ku yeelata isu dheelli tirka cusbada jidhka ku jirta, taas oo sababaysa in uu dhiiggu ku xamaysnaado heerka dabiiciga ah.

5. Rumaanka: Rumaanka waxaa ku jira maadadda Polyphenol oo leh awood ay kula dagaalanto suntan/Mariidka, sida oo kalana xididdada iyo halbawlayaasha dhiigga ka ilaalisa in ay qallafaan. In xididdadu aanay qallafin waxa ay fududaynaysaa in dhiiggu uu si habsami ah u qulqulo, taasina ay keento in xawaaraha wareegga dhiiggu aanu ka kicin heerka celcelis ahaan saxda ah.  La soco…