Khudbadihii Shalay Ee Masaajida Hargeysa Iyo Qaar Kamid Ah Culimada Dalka

0
199

 

 

culimoHargeysa(Geeska)-Waxaanu maanta si kooban u guud maraynaa khudbadaha ay salaadii Jimce ee shalay jeediyeen saddex ka mid ah culimada Hargeysa.

Saddexdaas Sheekh oo kal ah Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-Siiro) iyo Sheekh Maxamed Aadan, ayaa ugu horayn Sheekh Dirir, wuxuu ka hadlay Abu Daalib oo ahaa nebiga SCW adeerkii iyo waxyaabaha laga faa’iidaysanayo qisadiisa, waxaanu yidhi, “Duruustii taariikhiga ahayd iyo waxyaabaha laga faa’idaysanaayo ayeynu soo xusaynay. Qudbadahaas hore waxaynu ku soo aragnay Rasuulka scw asxaabtiisii barakada iyo hidaayada ay kala kulmeen Nebi Muxummad scw siday uga dheefeen dadkii iimaanka iyo xaqa ku garab galay Nebi Muxummad scw nolashana tusaalaha wanaagsan quruxda badan dadka ay ugu noqdeen cidii hadyigii iyo hanuunkii ilaahay Nebiga u soo dhiibay ka gudoontay, cidii hanuunkaas iyo hadyidiisii seegtay ee waliba ugu dhawayd Rasuulka scw iyagana calaf la’aanta qaarkood ku dhacday ayeynu tusaale u soo qaadanaynaa.”

Sheekhu isagoo sii hadlaya wuxuu yidhi, “Abu Daalib Nebiga adeerkii scwiyo waxyaabaha laga faa’idaysanaayo qisadiisaa. Abu daalib sida la ogsoon yahay Nebi Muxummad adeerkii ayuu ahaa scw aabihii walaalo ahaayeen, markii jaahiliyadii wuxuu ahaa ninkii loo mari lahaa aan idhaahde dadkii jaahiliyada ka soo jeeday markii uu islaamku yimid ninkii loo mari la’aa ee Nebiga difaacayey ayuu ahaa iyo asxaabta intii Maka la joogay ee ay muslimiintuna tirada yaraayeen. Markay Nebiga ka cabanayaan isaga ayey u iman jireen oo ku odhan jireen inankaa aad adeerka u tahay naga qabo, markuu Rasuulku scwdiido waxay doonayeen isaguu la wadi jiray ee ma odhan jirin ka tanaasul waan ku xukumaye, dabeecadiisa, dareenkiisa iyo difaaciisu uu fiicnaa xagaas marka laga eego, markii dabeeto uu sii dhimanaayey ayuu Nebiguna scwwuxuu aad u jeclaa qofka gacanta iyo abaalka ku lihi inuu is raacsado oo ah inta laf dhabartiisa diin ah uu ifka kaga ambo baxo oo calaf la’aani ku dhicin. Adeerkii oo sii dhimanaya ayuu u yimi Nebigu scw waxa uu markaa la kulmay iyaga oo ay hareero joogaan ninkii gaalnimada ku dhintay ee Abi Jahal ee muslimiinta dhibi jiray iyo nin kale oo isna Cabdilaahi oo wakhtigii danbe islaamay oo islaamnimadiisu way wanaagsanaantay markii danbe. Nebigu wax kale ma abaarin, laakin  xaaladaas oo kale qofka wixii la gudbanaa cida la joogta ayuu u gudbiyey. Ilayn wuxuu Nebigu yidhi qofka kalmadiisa u danbaysa laa ilaaha ilalaah ifka kaga baxa isaga oo ay khaalis tahay oo shaki jirin janada ayuu galayaa xataa haddii ciqaab la sii mariyo oo ilaahay ka cafiyi waayo, tii ayuu ula gurmaday Nebi scwmarkaa wuxuu leeyahay adeer waxaad tidhaahdaa kalmad aan kaaga marag kaco maalinta qiyaamaha, kalmadaas ku dhawaaq Laa ilaaha ilalaah, marka ilaahay agtiisa la isugu yimaado aan kaaga marag kaco. Macnaheedu waxa weeyaan waxaad qabsato mooyaane anigu waxba kuu qaban kari maayo.”

Sheekh Diriir, wuxuu intaas raaciyay, “In kaar qabayaashi ag fadhiyey Abi Jahal iyo kii kalaba way soo boodeen oo waxay yidhaahdeen ma waxaad nacaysaa diintii aabayaasha, awoow-yaasha iyo tolkaa, cidii aad ku ab tirsanaysay diinbay lahaayeen oo ay ifka kaga tageen oo ku dhinteen, dhaqankaagii iyo caadadadii soo jireenkii ma tiibaad nacaysaa? Waa iska aamus. Markaa iyagu waxay dareemi karayaan furaha lagu istaadhi karaayo inuu kaas yahay. Nebiguna wuu ku celiyaa iyaguna way ku celiyaan nasiib darana way ku dhacday ilaahayna wuxuu qadaray ayaa soconayaa, wuxuu markaa hadalkiisii ku danbaysiiyey ninkani diintii abiihii ayuu ku dhintay ee iska daaya, isaga ayaa is sheegayaa markaa. Rasuulka scw waa Nebagii naxariista inta uu la dadaali karo umada wuxuu la dadaalayey inay hanuunaan oo ay hagaagaan oo ay jano galaan. kalmadbuu ku dhawaaqo wuxuu yidhi haddii aan la ii kaa diidin ilaahay ayaan danbi dhaaf kuu waydiin doonaa, ilaahayna ayaadkaas ayuu soo dajiyey oo wuxuu yidhi uma haboona Nebi iyo dadka muuminiinta ahi  inay gaalada ilaahay danbi dhaaf u waydiiyaan xigtaba ha u ahaadee intii ay u cadaatay inay reero naareed yihiin. Waa khad cas oo aanad mari karayn ayaa lagu yidhi Rasuulka scwee ka joog. Murugadii uu ka murugooday ilaahay uu uga jawaabay oo wuxuu yidhi ilaahaybaa ciduu hanuuninaayo oge adigu cidaad jeceshahay ma hanuunin karaysid. Waxaynu uga jeednaa ama aynu uga faa’idaysanaynaa qisadan sacaadada la doonayo in qofku uu ku horumarayo aakhiro waxay ku jirtaa hanuunka, qof wanaagsan oo uu qofku ku xidhan yahay maaha. Waxaa laga yaabaa qalad inay fahmaan dadka qaarkood. Wuxuu qofkaas wanaagsani wax u qaban karaa hadii hanuun uu leeyahay oo iimaan u nugul yahay, hadii aanu iimaan lahay cidina waxba uma qaban karto. Qisadaas ayaa inagu filan iyo Nebigu siduu ugu dadaalayey scw.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), ayaa isna khudbadiisa shalay kaga hadlay mawduuc ku saabsan hirgelinta shareecada Islaamka, waxaanu ka waramay sida loo hirgelin karo iyo weliba sida ay masuuliyadaasi gaar ugu tahay hoggaamiyaha markaas talada haya. Sheekh Aadan, wuxuu aad ugu dheeraaday oo uu kula taliyay Madaxweynaha Somaliland inuu hirgeliyo shareecadaas oo aakhiro iyo adduunba faa’iido buuran leh. Sheekh wuxuu ku taliyay in si fudud loo hirgelin karo shareecada Islaamka oo uu tiriyay faa’iideeda iyo wanaaga ay leedahay. Mawduucan hirgelinta shareecada Islaamka oo uu Sheekhu dhawr goor oo hore aad uga hadlay, ayaa wuxuu sheegay in faa’iidooyinkeeda ay ka mid tahay fulinta qisaastu, isagoo tusaale u soo qaatay inaan qofna qof dili karin haddii qisaasta si rasmi ah loo hirgeliyo, taas oo qayb ka qaadan karta xoojinta ammaanka iyo nabadgelyada guud ee qaranka Somaliland.

Sheekh Maxamed Aadan, ayaa isaguna masaajid Cali Mataan ee Hargeysa, wuxuu salaadii Jimce ee shalay ka jeediyay khudbad ku saabsanayd garsoorka, waxaanu Sheekhu si cad u sheegay in baahidda ugu weyn ee shacabka reer Somaliland ay tahay helitaanka garsoor cadaalad ah, isagoo xusay in masuulka koowaad ee uu Alle SWT wax ka weydiinayo garsoorka uu yahay Madaxweynaha, “Baahida ugu weyn ee ay bulshadu qabto markaan in badan u kuur galay waxaan ogaaday inay tahay garsoor wanaagsan.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed, “Walaalayaal waxaynu u baahanahay inaynu helno garsoore ku munasib ah xilka uu qaadayo.”

Sheekh Maxamed, wuxuu ku taliyay in cidda la bedelay cidda lagu bedelayaa noqoto masuul ka wanaagsan aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba qofkii ka horeeyay si aanay meeshu u noqon hebel hebel ku bedel. “Haddii aanay taasi dhicin oo qof la iska bedelo waxa aynu laba sanno ka dib maqli doonaa cabashadii oo halkaas ka sii socota.” Ayuu yidhi Sheekhu.