Guddomiye-xigenkii Hore Ee Midowga Afrika Oo Si Mug Leh Uga Hadlay Caqabadaha Hortagan Aqoonsiga Somaliland Iyo Weedhaha Md. Siilaanyo Iyo Cirro

1
1213

 

 

labaHargeysa(Geeska)-Guddoomiye ku xigeenkii hore ee guddiga Midowga Afrika Patrick Mazimhaka, oo hoggaaminayay weftigii ururkaas ka socday ee sannadkii 2005 Somaliland ku yimid socdaalka xaqiiqo raadiska ah ayaa warbixin dheer ka qoray Somaliland iyo caqabadaha kala duwan ee hortaagan aqoonsigeeda.

Mr. Patrick, waxa warbixintiisan oo uu shalay ku qoray jariirad lagu magacaabo Mail and Guardian ku weheliya Gregg Mills, labaduba waxa ay ka tirsanyihiin madaxda sare ee urur lagu magacaabo Brenthurst Foundation. Weftigii uu Mr. Patrick hoggaaminayay ee xilligaas Somaliland safarka ku yimid, ayaa waxa ay xilligaas qoreen warbixin ay u gudbiyeen midowga Afrika taas oo aan  halkii laga qaadin, balse sheegaysay inay Somaliland u qalanto aqoonsi caalami ah.Haddaba warbixinta uu masuulkani shalay qoray oo uu Wargeyska Geeska Afrikaakhristayaashiisa u soo turjumay iyadoo dhammaystiran ayaa wuxuu ku bilaabay sidan: “Konton sanno ka hor, maxmiyaddaSomaliland waxa ay madax-bannaani ka qaadatay Ingiriiska. Shan maalmood kadib, oo ahayd July 1, 1960-kii, waxa ay dooratay in ay Soomaaliyadii Talyaaniga la gasho midow. Guurkaasi ma shaqayn; Soomaaliya waxa ay gacanta u gashay keli talis milateri, dagaallo sokeeye iyo fawdo. Sannadkii 1991-kii, Somaliland waxa ay dooratay in ay kelideed socoto, waxa ay abuurtay xaalad nabadeed oo ay u martay dimuqraadiyad Islaamiya oo ay iyagu ikhtiraacatay.

Laakiin illaa hadda wax aqoonsi ah kama hayso bulshada caalamka, in kasta oo ay fulisay shuruudihii sharciyeed ee aqoonsi lagu helayey. Somaliland waxa ay leedahay xuduud qeexan, dawlad shaqaynaysa, iyo ciidamo qalabaysan oo awood u leh in ay dadkeeda difaacaan, weliba waxaa ka jirta xasilooni, gaar ahaan marka la barbar dhigo Somalia.

Waxaan oo dhan waxa ay Somaliland gaadhay iyada oo aan haysan wax caawimo caalamiya ah oo la tilmaami karo, taas oo muujinaysa in wax qabsiga maxalliga ahi waxtar yeelan karo. Muddo intee le’eg ayaa ay Somaliland ku sii adkaysan kartaa guulahan iyada oo aan aqoonsi helin, waa arrin qof kastaa is weydiinayo.

Si kastaba ha ahaato ee waxa la hubaa waa, in Somaliland aanay awoodi doonin in ay is-dhisto iyo in ay sii xoojiso horumarkeeda, haddii aan la jebin deyrka faquuqidda ah ee ku xidhan.

Haddii qadiyadda xukun ee caalamiga ah (Sida la dagaalanka argagaxisada, wax ka qabashada cabashooyinka caafimaadka, budhcad badeedka iyo deegaanku) ay u baahan tahay dawlad shaqaynaysa iyo hay’ado maxalliya oo awood fulineed leh, waxa uu caqligu keenayaa in la xoojiyo Somaliland, habka ugu midho dhalsan ee lagu gaadhi karaana waa in la siiyo aqoonsi.

Mushkiladda Somaliland waa, in si ka duwan kala googo’iddii Czechoslovakia, iyo goosashadii Eritrea, dalkii ay marka hore midoobeen oo ah Soomaaliya, aanu ogolayn in ay kala go’aan. Dhowr cod oo xooggan ayaa dhiirrigeliyey in loo soo dabco Somaliland, in kasta oo aanay gaadhsiisnayn heer badheedh ah. wasaaraddii arrimaha dibadda dalka Koonfur Afrika ee xilligaas ayaa sannadkii 2003-da tidhi, “Waa wax aan la dafiri karin, in Somaliland, ay si dhab ah ugu qalanto qarannimo, iyo in ay qasab ku tahay bulshada caalamku in ay aqoonsadaan”

Laba guddi oo xaqiiqo-raadi ah oo sannadihii 2005-ta iyo 2008-da uu Midowga Afrika u diray Somaliland ayaa caddeeyey in Somaliland ay fulisay in badan oo ka mid ah wax yaabihii qaran lagu aqoonsan lahaa.

Marka si dhab ah loo eego, warbixintii ay soo saareen guddidii la diray 2005-tu waxa ku cad, “Qadiyaddan waa in aan lagu xidhin hal-ku-dheggii ahaa ‘ha isku furin sanduuqa Panadora’ kaas oo sabab u ah in Afrikaanku ka baqaan aqoonsiga dalalka cusub ee ka dhalanaya qaaradda. (Waa hal-ku-dheg Ingiriisiya oo ah sarbeeb looga jeedo in shay aad ogolaataa kugu furo albaab wax badan fure u noqda, waxaana looga jeedaa in Somaliland oo la aqoonsadaa fure u noqoto dalal kale oo Afrikaan ah oo kala go’a, waana cabsida ay midawga Afrika qabaan ee sababta u ah diidista aqoonsiga Somaliland)

Aqoonsigu waxa uu Somaliland ka caawin doonaa in ay xalliso qaar ka mid ah caqabadaha bulsho iyo dhaqaale ee hor yaalla. Caasimadda Hargeysa waxa ay u dhisan tahay, hab loogu talo galay deegaan 150 kun oo qof, maantana waxa ay hoy u tahay dad tiradoodu ku dhow dahay hal milyan. Dekedda Berbera aad ayaa ay mashquul u tahay, garoonka diyaaradaha ee u dhow oo ah kan ugu dhabbaha dheer Afrika waxaa xilligii dagaalka qabow dhisay Midowgii Soofiyati (Maraykankuna mar ayuu u asteeyey in uu noqon karo saldhig beddel ahaan loogu isticmaali karo hawlaha hawada sare) si aad u gaabis ah ayaa loo dayactiray, duulimaadyo aad u tiro yar ayaana yimaadda.

Kaabayaasha kale aad ayaa ay u liitaan. Jidka 60km ah ee dhowaan la jeexay ee isku xidhaya magaalada Jigjiga ee is-maamulka Soomaalida Itoobiya iyo magaalada Tog Wajaale ee xadka ku taalla waxa ay muujinaysaa hawsha mustaqbalka sugaysa.

Shaaracyada uskagga ah ee Tog Wajaale, waxaa ku sharraxan ubaxa qaranka Soomaaliya, waxa aan u jeedaa bacda. Adhi ayaa daaqaya qashinka tuulan, carruur duuf leh iyo dhalinyaro ayaa faro madhnaan la tiicaya. Marka aad ka gudubto xadhiga ku xidhan barta-kantarool ee astaanta u ah xadka labada dhinac, 20km mitir ee jidka wajaale dhanka Somaliland ka soo xigaa aad ayaa ay u rafaad badan yihiin, waxa aad ka gudbaysaa jid dhiidhi ah oo kugu ridaya biyo fadhiisinno iyo godad ku dhex yaalla dhulka dhoobada ah ee ay adag tahay in aad ku aragto geed jilibkaaga dhererkiisu gaadhayo.

Jidkan, oo ay Itoobiya u marto dekedda Berbera ee ku taalla gacanka cadmeed, waxa uu u baahan yahay waxoogaa qorshayn iyo dhaqaale ah, laakiin marka la eego awooda dhaqaale ee Somaliland ee xaddidan, waxa uun ay tani ku iman kari lahayd caawimo horumarineed, taasna lama filan karo haddii aan la helin aqoonsiga caalamiga ah ee ay Somaliland ka maqan.

Dhaqaaluhu waa uu xasiloon yahay, waase mid aad u liita oo in ka badan kala badh ku xidhan dhaqashada xoolaha iyo dhoofintooda, xawilaadda oo sannadkii gaadha illaa 800 oo milyan iyo is-gaadhsiinta. Intaas waxaa lagu sii dari karaa dakhliga dekedda iyo kastamada Berbera iyo cashuuraha 180 ka milyan sannadkii noqda ee ka soo hoyda jaadka. (qiyaastii boqolkiiba 12 ayuu jaadku ka noqdaa dakhliga dalka)

Wadarta guud ee dakhliga Somaliland waxaa lagu qiyaasaa 50 Milyan, inkasta oo ay qorshaynayso in sannadkan ay gaadhsiiso in ka badan 100 Milyan, kadib marka ay si adag u dhaqangeliso ururinta cashuuraha. Saamiga qofka ee wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP) waxaa lagu qiyaasaa 350 doolar qof kasta oo ka mid ah 3 Milyan iyo badhka qof ee reer Somaliland, taas oo ka sarraysa Tanzania oo ah 280 doolar, Eritrea oo ah 190 Doolar iyo Ethiopia oo ah boqol doolar.

Shaki la’aan, caqabadaha dhaqan-dhaqaale waa kuwo aad u waaweyn. Tirada ardayda yaryar in laga diiwaangelinayo dugsiyada hoose iyo kuwa sare sannadahan dambe aad ayaa ay u korodhay, laakiin marka saddex wiil la diiwaangeliyaba hal inan (gabadh) ayaa la diiwaangelinayaa. Koritaanka dhaqaaluhu uma socdo hab uu ku filnaan karo in lagula tacaalo caqabadaha hor yaalla horumarka iyo burburka ka dhashay dagaalladii sokeeye. Bulshada da’da yare e reer Somaliland ma’ay gaadhin rajadii ay qabeen.

Afhayeenka barlaamanka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi, ayaa sheegaya in inta u dhaxaysa boqolkiiba 60 illaa 70 bulshada ka mid ahi ay bilaa camal yihiin, in ka badan kala badh dhalinyarada ahina aanay fursad u helin in ay sii korodhsaadaan waxbarashada ama shaqo helaan. “Arrintani waxa ay noqon kartaa bam waqtiyeysan” oo keeni kara xagjirnimada, ayuu yidhi, macallmiinta jaamacaduhuna waxa ay ku waafaqsan yihiin in xaaladdu ay ka xun tahay waqti kasta oo hore loo soo maray.

Madaxweynaha Somaliland Axmed M. Maxamuud Siilaanyo, waxa uu leeyahay, aqoonsiga Somaliland waxa uu fure u noqonayaa in xal loo helo iyo in laga takhaluso caqabadaha hor taagan horumarka. “Xattaa haddii ay noqonayso in la sugo boqol 100 sannadood ” ama sida uu u dhigay nin ganacsade ah oo sheegay Shaqo la’aantu in ay keenayso rajo la’aan, taas oo abuuraysa  argagaxisonimada, dibna dalka ugu celinaysa halkii wax laga soo bilaabay. Waxa uu yidhi, “Suurtogal ma’aha in reer galbeedku, ay ka warwaraan argagaxisada, oo haddana aanay aqoonsan Somaliland”

Waxaa jira dhibaatooyin kale oo aan iyaga xalkoodu ahayn aqoonsi dalku helo oo keliya, weliba waxaa suurtogal ah in ay xoogaystaan.

Waxaa ka mid ah, balwadda qaadka oo gaadhay heer qaran, caleentan oo la sheegay in ay keento marqaan iyo raynrayn, waxaa calaashada qiyaas ah boqolkiiba 20 bulshada reer Somaliland ah. dhibta jaadku ma’aha oo keliya in uu maalin kasta dalka ka saaro lacag gaadhaysa 450 kun oo doolar oo lagu iibsado qaad, ee waxaa dheer in uu keeno caajis iyo fadhiidnimo, taas oo sii siyaadinaysa wax-soo-saarkii awalba yaraa. “Waa masiibo bulsho, caafimaad iyo dhaqale” sidaa waxaa yidhi wasiirka qorshaynta Somaliland. “waxa uu ka mid yahay wax yaabaha ugu mudan in aanu xal u raadinno” Sidoo kale waxaa abuuray ganacsi awood badan oo qaad.

Waxaa iyaduna muhiim ah in dumar badan lagu soo daro, nolosha bulshada iyo siyaasadda. Haddii aan wax laga beddelin caadooyinka xad-gudubka ah iyo dhaqannada qaar dalku horumar ma samaynayo.

Saddex dumar ah oo keliya ayaa ku jira labada aqal ee Baarlamanka Somaliland oo tirada xildhibaannadoodu dhan yihiin 186 xubnood, gudniinka fircooniga ah ayaa isna meel kasta oo dalka ah ka jira, dumar lagu qiyaasay boqolkiiba 95 ayaana dhibbane u ah.

Wax kasta oo ay tahay faa’idada Somaliland ugu jirta aqoonsi ay siiyaan dalalka gobolka iyo bulshada caalamku, waxa ay dhanka kalana caddayn doontaa in xadadka Afrika ay ka fog yihiin in ay sabab u noqdaan xasilooni darro, iyo in ay noqon kartaa il xasilooni laga helo awood dawladnimana keenta. Iyada oo waxaas oo dhan la tixgelinayo, aqoonsi la siiyo Somaliland waxa uu dhab ahaan u beddeli doonaa xeerarka ciyaarta Afrika.”

Comments are closed.