Wasiir Cabdillaahi-Geel Jire Oo Taageray Furashada Ururada, Sheegayna Inay Aqbaleen Rabitankii Bulshada

0
815

 

 

geel jireLondon (Geeska) Wasiirka wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo haatan ku sugan dalka UK ayaa ka war bixiyey arrimaha maal gashiga ee wasaaraddiisa labada sano ee soo socda u qorshaysan iyo arrimaha furashada ururada siyaasadda ee meel marinteeda looga fadhiyo labada aqal ee baarlamaanka Somaliland, taas oo uu madaxweyne Siilaanyo dhawaan u gudbiyey golaha wakiilada.

Md Cabdilaahi Cismaan Geel Jire ayaa ugu horayn ka hadlay khayraadka badda Somaliland, waxaanu sheegay in dhawaan dalka laga hir gelin doono warshado soo saara kalluunka, kuwaas oo uu fulin doono ganacase sucuudiyaan ah, isla markaana ka soo jeeda reer Cabdicasiis sida uu sheegay wasiir Geel Jire, waxaanu hadalkiisa ku blaabay “ Waxaanu la xidhiidhnay dawlado badan oo kala jaad jaad ah. Dad badan oo dananaya kalluunka inay maal gashadaan, Koonfur Afrika ayaa ka mida, ganacsatada Imaaraadka ayaa ka mida, hadadan Amiir sacuudiya Arabiya oo reer cabdicasiis ah ayaa dantiisa soo muujiyey inuu ka dhiso warshado kalluun dalkeena, markaa waxaas oodhan ayaanu la wadnaa. Sharcigii kalluunka ayaanu samaynay, siyaasadii khayraadka bada lagu maamulaayey ayaanu samaynay oo aanu hada golaha wasiirada hor geynayno insha Allah. qabyo tir badan ayey wasaaradu u baahan tahay waanan bilawnay. Kalluumaysada waanu ka dhex saarnay khilaafkii intii aan joogay, niyad wanaag iyo in aan ka dhex shaqayno wax-tarkooda, dib u habyntooda iyo  sharciyeyntooda oo aanu imika bilawnay. Mushkilada noogu wayni waxa weeye doono yar yar oo ka yimaada, xeebteenu way dheertahay waa 850km, waxaa jira iyana dad wadaniyiin ah oo aan shaqo kala haynin oo doonyahaas yar yar u wakiil ah oo u soo fasaxa meelaha fog fog oo wax yar oo faro guudkood ah ka qaata, qaar aynaan ogayn oo wax ka gurta. Ciidankeena baddu itaal badan malaha, markaa wax yaabahaasi way jiraan oo wax ka qabashadoodii awoodi meel ay na dhigto mooyaane qorshihii wax lagaga qaban lahaa waanu qorshaynay, ilaa labada sanadood ee soo socdana waxaanu rajaynaynaa inay wax weyni iska badalaan.

Sidoo kale wasiir Geel jire oo u waramay shabakadda Hadhwanaag,  waxaa wax laga waydiiyey arrinta xisbiyada oo uu madaxweynaha Somaliland dhawaan u gudbiyey golaha baarlamaanka, gaar ahaana golaha wakiilada Somaliland si ay u gutaan wajibkooda dastuuriga ah, waxaana jira dareen axsaabta qaar furashada ururada siyaasada ka qabaan oo sheegaya in qabiil iyo qolo qolo look ala bixi doono, isaga oo arrimahaas sida uu u arko ka hadlaya waxa uu yidhi “ Goob waloo aynu isa soo taagnaba waa la inaga soo bajinaayey oo waxaa la odhanaayey haddii aynu taas samayno taas ayaa inagu dhacaysa, waxaad xasuusan kartaa markii doorashadii deegaanka la qabanaayey anigu waxaan taagnaa iyada oo loo imanaayo madaxweynihii hore oo la leeyahay ha inagu qaban doorashooyin waynu baaba’aynaa oo waynu kala qaybsamaynaa, waxaynu maqalnay kii dastuurka markii loo codaynaayey haynagu taataabanina oo waa la is dilayaaye, tii madaxweynaha sidaas oo kale. Talaabo kastoo dad ama niyad wanaag haka ahaato ama muraad haka ahaatee ina baqa galiya ayaa jira, tana tii ayey la mid tahay oo wali qaarbaa ina baqa galinaaya, laakin xaqiiqadu waxa weeye dadkeenu way bislaadeen. Ninka dadka Somaliland yaqaana iyo waxay ka soo gudbeen ee dhex joogay anu garan maayo halkay waxan ka keeneen. Shuruudo iyo sharci hagaagsan oo ka ilaalinaaya in aanay baabi’in  waxani (Ururadu) oo aanay ina baabi’iin ayaa la soo dhigay, kaasina golaha ayuu hor yaala oo waxba noqon mayno, caalamkuna sidaas ayuu inaga doonayaa oo waa in aynu dimuquraadiyada hore u wadno oo aanay saddex xisbi dalka haysan ayey inaga doonayaan. In aanu golaha isla fahano oo hadii golayaashu nala qaataan oo sidaas lagu hir galiyo anaku rabitaankii dadka waanu u gudbinay golaha.”