Khudbad Uu Madaxweyne Siilaanyo Caawa Jeedinayo Oo La Wada Sugayo

0
491

Picture8Hargeysa(Geeska)-Shacabka reer Somaliland ayaa si weyn ugu dheg taagaya khudbad la filayo in Madaxweyne Siilaanyo caawa u jeediyo jaaliyadda Somaliland ee magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Khudbadan ayaa la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo uu kaga hadlo xaaladda adag ee dalka ka taagan, gaar ahaan xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay loolanka murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE oo uu muddooyinkan dambe loolankeedu adkaaday.

Loolanka ayaa sabab u noqday kala socod ka muuqda golaha xukuumadda, waxaana la arkayaa wasiirada, wasiir-xigeenada iyo agaasimayaasha oo kala taabacsan murashixiinta, waana arrin haddii ay sii socoto wiiqi karta nidaamka dawladnimo.

Madaxweyne Siilaanyo oo uu toddobaadkii hore wasiirkiisa warfaafintu madal uu madaxweynaha laftiisu ku sugnaa ka sheegay in Madaxweynuhu yahay murashax, ayaa la filayaa inuu sidoo kale cadeeyo inuu yahay murashax iyo inaanu ahayn oo uu tanaasulay.

Xaaladda maalmihii u dambeeyay ka jirtay gobalka Awdal ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca ayaa iyana la filayaa in Madaxweynuhu ka hadlo.

Si kastaba ha ahaate, khudbada madaxweyne Siilaanyo ee caawa ayaa ah mid la wada sugayo, waxaana la eegi doonaa sida uu uga hadlo qodobadan iyo kuwo kale oo dalka ka jiraba.