Aabe Iyo Xaas Uu Qabay Oo Dil Iyo Xabsi Daa’in Loogu Xukumay Carruurtooda Dartood

0
1818

 

Dubai (Geeska/DM)- Aabe iyo xaaskiisa oo ku nool magaalada Dubai ayaa dil iyo xabsi daa’in lagu kala xukumay, ka dib markii gacantiisa ay ku geeriyootay inan uu dhalay, mid kalena halis gaadhay garaacis awgeed.

Aabahan dilay inantiisa Wadeema Al Sherawi oo 8 jir ahayd, ka dib markuu si naxariisdaro ula dhacay waayirka kuna gubay kaawiyad ayaa maxkamad ku taal Dubai ku xukuntay dil, halka xaas uu qabay oo falkaa ku wehelinaysayna lagu xukumay xabsi daa’in.

Ninkaa Hamad Saoud al Sherawi, iyo xaas uu qabay, Al Anood al Ameri,  ayaa lagu helay dembiga jidh-dil iyo garaacis ay u geysteen Wadeema oo geeryootay iyo walaasheed Mira oo todoba jir, kana badbaaday dhimasho, laakiin jidhkeedu dhaawacyo iyo gubniin ku yaalo.

Labadan is-qabay ayaa la xidhay ka dib markii caruurta adeerkood booqday xaafada, una sheegtay Mira waxa lagu sameeyey. Xaaska ninkaa, Al Ameri ayaa bilowgii ku dooday inaanay dembi lahayn, balse, mar dambe u sheegtay maxkamada inay masuul ka tahay dembigaa una qalanto dil, balse ninkeedu ku jirin.

Hooyada dhashay caruurtaa, oo guursatay Al Sherawi 2002, ka dibna kala tageen 2006, ayaan ku guulaysan haysashada caruurtaa ka dib markii maxkamadu ka xukuntay, ka dibna aragtidooda loo diiday.

Al Sherawi, ayaa haysta 15 maalmood oo racfaan ku qaato, ama la dilo marka xukunkaa racfaankiisu dhaco, isla markaana saxeexo hogaamiyaha dalka. Dhimashada inantaa ayaa keenay in la abuuro xeer cusub oo xaquuqda caruurta ilaalinaya, loona bixiyey sharciga Wadeema.