Khubaro Caafimaad Oo Cadaysay In Carafaat U Dhintay Sunta Polonium-210

1
824

xusniSaynisyahano ku sugan dalka Switzerland ayaa daboolka ka qaaday in Yaasir Carafaat, hogaamiyahii hore ee Falastiin u dhintay sunta halista ee Radioactive, nooca poloniom.

Carafaat ayaa ku dhintay dalka Faransiiska November 11, 2004-tii, isagoo ku geeriyooday da’da 75 jir, laakiin dhaqaatiirta ayaa waqtigaasi cadeyn kari-waayey sababta uu u dhintay Carafaat. Ka dib markii uu Telefishanka Aljazeera baahiyay xogo muujinayay in la sameeyay Mr. Carafaat, ayaa maamulka Falastiin waxay la qaateen haweenaydii uu ka geeriyooday in baadhitaan lagu sameeyo.

Xaaskiisa uu ka geeriyooday ee Suha ayaa weydiisatay qareeno ku sugan dalka Faransiiska inay baadhitaan ku sameeyaan geerida ninkeeda. Khabiiro ku sugan machadka Lausanne’s Radiation Physics, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday faahfaahin ku saabsan tijaabooyin ay sameeyeen oo cadeenaya inaanu Carafaat u dhiman si caadiya.

Bayaan ay soo saareen ayey waxay ku sheegeen in sambalo laga qaaday dheecaanka jirkiisa, qaar ka mid ah maryihiisii hoose laga helay cadad sare oo ah maadada polonium 210. Xogahan la helay ayey waxay taageerayaan suurtagalnimada ah in Carafaat la sumeeyey. Polonium-210, waxaa sidoo kale loo isticmaalay dilkii basaasahii Ruushka ee Alexander Litvinenko oo sanadkii 2006-dii ku dhintay London.

Kooxdan khubarada, oo macluumaadkooda lagu daabacay todobaadkan joornaalka ka hadla arrimaha caafimaadka ee dalka Britain ee la yiraahdo The Lancet, ayaa sheegay inaan si fiican loo baadhin sababta geerida Carafaat. Waxa la tilmaamayaa inay Israa’iil samaysay Carafaat.

Xaskiisii Suha waxay u sheegtay TV-ga Al Jazeera bishii July 2012-kii in dowladaha Mareykanka iyo Israel ay u arkeen ninkeeda inuu caqabad ku yahay nabada bariga dhexe. Waxay intaasi ku dartay: “Waxaan rabaa in aduunku ogaado runta shirqoolka Yasir Carafat.”

Carafaat waxaa lagu sumeeyey xaruntii uu ka deganaa Ramallah markaasoo uu xanuun la soo dhacay bishii October 2004.

Carafaat, oo ahaa hoggaamiye adag, wuxuu dhintay isagoo 75 jir ah, waxaanu ku geeriyooday cisbitaal ku yaala duleedka magaalada Paris bishii November 2001, ka dib markii uu muddo jiifay.

Comments are closed.