Garta Eexo Loo Naqo Waa Lagu Gubtaa: Waxa Qoray Cali-Gurey

27
776

Xusbiga UCID markii hore ba umuu arkayn in wax dan ihi ugu jirto Somaliland qaran ahaan in laba guddi loo kala sameeyo diiwaangelinta ururada iyo doorashooyinka iyada oo haya’d keliya oo tayo lehi ku wada filaan karaysay.

Guddidan diiwaangelintu runtii may jirin hawl macno leh oo loo sameeyaa wax macno leh oy qabatay ama qaban karaysay na may jirin. Hadii muddo xileedkeedii oo markii hore ba dheeraad ah uu dhamaaday waxa marka hawshoodii dabcan hoos imanaysaa uun Commission ka doorashooyinka oo xafiis ka mid ahi ay tahay inu u xil saaraado qaybo ka mid ah waajibaadkii guddidan ee ku sheegan xeer No. 14 hadii loo baahdo. Waxa marna aan sax ahayn in waxoogaaga yar ee dakhliga ah uu kala raaco haya’ddo aanay jirin wax hoowlo ah oo qaranka ay u qabtaan farahooda. Intii ka dambaysay doorashadii dawladaha hoose oo aynu ka war qabno kaalintii xadidnayd ey ku lahaayeen wax hawl ah oy qabatay gudidani ma jirto wax ay qaban doonaan oo muhiim ihi na ma jiri doonto.
Waxa taa ka sii daran dhexnimada gudidan iyo kalsoonida lagu qabi karo oo sua’aali saaran tahay. Hadii muddo xileedkeeda la kordhiyo sida la sheegayo waxa hubaal ah in garta ay qaadaan ay noqon karto uun gar eexo, garta eexo na waa lagu gubtaa waanay ku guban doonaan xubnaha gudidan sida lagu soo xulay iyo waxa lagu doortay aynu wada garan karno, in kasta oo is iswaydiintu tahay inta ay galaafan karto iyo inta ay sahayan karto garta eexo ee gudidani ay qaado.

Marka ay tahay arinta Mayorka Berbera iyo xubinta ku lamaan ee sida tooska ah uga hor yimi xeerka xisbiga UCID iyo xeer Lam. 14 labada ba gudidan markii aanu dacwadda u gudbinay ama garasho ha ka noqoto ama badheedh eh waxay xal ka dhigeen in xubnihii dacwadooda aanu u gudbinay ay iyaga laftoodii waydiiyaan inay Kulmiye ku biireen iyo in kale halkii ay xeerka UCID iyo xeer Lam.14 ay la eegi lahaayeen dacwadda ka dhanka labada xildhibaan ee mid uu yahay Mayorka laftiisa. Intaa ayaa ku filan qiimaynta gudidan iyo in go’aan kasta oo laga fili karaa uu yahay mid loo yeedhiyay waana sababta loo samaystay.

Comments are closed.