Cilmibaadhis dhowaan soo baxday ayaa xeeldheereyaal ka tirsan jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriisku ay ku ogaadeen in carruurta ay dhalaan hooyooyinka saygooda gacan ka hadalka kala kulma xilliga uurka ama lixda sano ee u horreeya nolosha imuhu, ay aad ugu nugul yihiin in marka ay siddeed jir gaadhaan uu hoos u dhac ku yimaadda heerka fariidnimadooda.
Cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey joornaalka arrimaha caafimaadka ka faallooda ee ‘Wellcome Open Research’ ayaa cinwaan looga dhigay raadadka uu gacan-ka-hadalka labada waalid ku leeyahay caafimaadka maskaxeed ee carruurta.
Tijaabooyinka ay cilmibaadhayaashu sameeyeen ayaa daahfuray in boqolkiiba carruurta xilliga ay uurka ku jiraan ama lixda sano ee hore ee da’dooda ay hooyadu sayga kala kulanto gacan ka hadal ama aflagaadayn iyo ereyo bahdil, hinaase, cay iyo haaraan ahi marka ay siddeed sano gaadhaan ay saddex labaa carruurta da’dooda ah uga dhowyihiin xaaladaha maskaxda ku dhaca ee daciifiya heerka garaadka ilmaha iyo fariidnimadiisa.
Dr. Catherine Aibel oo hormuud u ahayd kooxda cilmibaadhista samaysay ayaa sheegtay in tijaabooyinka la sameeyey ay muujiyeen in boqolkiiba 50 ubadka heerkooda garaad hooseeyo ama fariidnimadu ku yar tahay ay yihiin kuwa ay hooyadu gacan ka hadal ama xad gudubyo kale oo hadal la kulmi jirtay xilliga ay uurka ku jireen ama sannadihii hore ee da’dooda. Iyada oo marar badanna ay u dheer tahay khatar caafimaad darro oo jidheed, bulsho ama anshax xumo iyo xaalado nafsi ah.
Cilmibaadhis hore loogu sameeyey dalka Maraykankuna waxa ay caddaysay in carruurta uu waalidkood gacan ka hadalku ka dhex dhaco ama khilaafka iyo buuqa joogtada ah ku nool iyo kuwa daroogada isticmaalaa ay si aad ah ugu nugul yihiin xanuunka xiiqda.