Khasaaraha Qarax Dhimasho Aad U Badan Gaystay oo Muqdisho Ka Dhacay

0
804

 

 

Waxa Ku Nafwaayay Laba Sarkaal Oo Turkey Ah iyo Arday Jaamacadeed Oo Aad U Badan

Muqdisho(Geeska)-In ka badan 78 qof ayaa ku dhimatay, qarax shalay aroortii hore  ka dhacay magaalada Muqisho, sida ay xaqiijiyeen hay’adaha gurmadka caafimaadka degdegga ah ee Banaadir.

Sidoo kale in ka badan 125 kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaas oo ka dhacay isgoys aad u mashquul badan, sida Dr.Cabduqaadir Cabdiraxmaan uu xaqiijiyay.

Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa ka mid ah laba qof oo u dhalatay Turkiga, sida ay xaqiijisay safaaraddooda Muqdisho oo barteeda Twitter-ka ku qortay arrintaas, caruur aad u badan oo u socotay jaamacad ayaa gabi ahaanba halkaas ku dhintay iyo dad shaqaale ah oo wakhtigaas shaqooyinkooda ku kala socday.

Qaraxa ayaa ka dhacay bar koontarool oo ku taalla isgoyska mashquulka badan ee Ex Control.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo xigatay sarkaal booliiska ka tirsan oo lagu magacaabo Ibraahim Maxamed ayaa sheegay in “Qaraxu wuxuu ahaa mid weyn”.

Ma jirto weli cid sheegatay mas`uuliyadda qaraxa, balse ururka Al-Shabab ayaa magaalada ka fuliya weerarrada noocan oo kale ah.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka oo lagu magacaabo Maxamed Cabdirisaaq, ayaa isagana sheegay in tirada dhimashada ay ka badan tahay 90, inkastoo aan la xaqiijin karin tiradaas.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish waxa uu sheegay in qofkii is qarxiyay uu doonayay inuu “gudaha magaalada galo balse ciidanka ay is hortaag ku sameeyeen, maadaama laga shakiyay gaadhiga ka hor inta uusan qarxin”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here