“Degmooyinka Mudaharaadayaa Bilaash Ayey U Mudaharadayaan, Degmooyinka Faraxsana Bilaash Ayay U Faraxsanyihiin”

0
884

Ramaax

Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Arrimaha Guddaha Xisbiga  Mucaaradka ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajaahan Xeerka ay Golaha Wakiiladu ansixiyeen ee ah darajada la kala siiyey Degmooyinka kala duwan ee dalka, oo keenay in Degmooyinka qaar ka biyo diidaan.

Xoghayaha Arrimaha Guddaha Xisbiga  Mucaaradka ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo arintan ka hadlay ugu horeyn yidhi “Degmooyinka mudaharaadayaa bilaash ayey u mudaharadayaan, Degmooyinka faraxsana bilaash ayey u faraxsan yihiin, ee Darajada Degmooyinka ama qiimayntooda maaha wax hadda cusub oo hadda soo baxay, ee hore ayaa loo soo saaray, kadib markii qiimayn dhinaca Cashuuraha ah lagu sameeyey, wax walbana yeynaan mushkilad iyo dhib ka dhigine, wixii la tabanayaba waa in si salmiya oo sharciya loo sheegta, cidda ay khuseeysana loo soo bandhigaa, nabadgalyaduna waa muhiim ee aynu iska ilaalino wax kasta oo dhaawac ku ah nabada”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here