Kenya Iyo Qisooyinka Ku Soo Kordhay Ololaha Doorashada

0
485

 

Nairobi (Geeska/Standard)- Xisbiyada siyaasada Kenya ayaa lagu amray inay ka soo qaataan liisanka qeylada hay’ada maamulka deegaanka, ka hor bilowga ololahooda.

Hay’ada deegaanka Kenya ayaa jimcahii shalay sheegtay inaanay booliisku ogolaan Karin isku-imaad, ama guddida doorashooyinku, ama hay’ad kaloo dawladda ilaa qabanqaabiyaashu ka soo qaataan liisan hay’adan.

Liisanka dhawaaqa ayaa qiimahiisu yahay 2,200 Sh, kuna dhacaya muddo todoba maalmood ah.

“Qabanqaabiyaasha doonaya inay shir qabtaan, banaanbax, munaasibado damaashaad ururo, waxa waajib ku ah inay liisan ka soo qaataan xafiiska hay’ada Deegaanka ee xaafada ay ku qabsanayaan.” Ayuu sheegay aagaasimaha guud ee hay’ada Deegaanku, Prof,Geoffrey Wahungu.

Isagoo raaciyey, maadama ololeyaashu dhiirigelinayaan dimoqraadiyada, haddana xaqa helitaanka deegaanka haboon oo nadiif ah qof walba ee dastuurku cadeeyey waa in la ilaaliyaa.

“Maamulku , si kasta waxay cadeynayaan in soo qaadashada liisanka dhawaaqu aanu siinayn qofka samaynta siduu doono, iyo gaadhsiinta jabaqda heerkuu doono xilliyada ololaha lagu jiro,” ayuu raaciyey Agaasimaha guud.