Burco: Dadweynaha Oo Dibad Bax Kaga Jawaabay Dhawaaqii Dawladda UK

0
567

 

Picture1Burco( Geeska )-Dadwaynaha ku dhaqan Magaalo Madaxda gobolka Togdheer ee Burco,  ayaa dhigay Dibad-bax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan dhawaaqii Ingiriisku kaga digay xasiloonida Somaliland.

 

Dadwaynahan oo badankoodu ku labisnaa isla-markaana sitay calanka Somaliland, waxay ku dhawaaqayeen weedho ay kaga soo horjeedaan dhawaaqa dawladda Ingiriiska, kuna muujinayaan jiritaanka iyo madax-banaanida Somaliland oo ay ku tilmaamayeen inay tahay mid muqadas ah oo aan cidna loo daba fadhiisanayn.

Dadwaynahan oo tiradoodu dhowr kun oo qof ahayd, waxay socod ku mareen jidadka Magaalada Burco, iyaga oo markii dambana isugu soo biyo shubtay fagaaraha beerta xoriyada ee Burco, halkaasi oo ay kala hadleen Masuuliyiinta Gobolka Togdheer oo uu ka mid yahay badhasaab ku xigeenka Gobolkaasi Mr. Ubaxle, waxa kale oo dadwaynaha khudbado u jeediyay qaar ka mid ah waxgaradka Gobolkaasi iyo Guddoomiyaha guddida horumarinta Togdheer.

Dadwaynaha oo ay dareenkooda ka muujiyey sida ay uga xun yihiin dhawaaqa amni daro ee dawladda boqortooyada Ingiriiska, ayaa sidoo kale waxa la hadlay Maayarka cusub ee Magaalada Burco, waxayna dhammaan masuuliyiintaasi shacabka reer Burco uga mahad-celiyeen sida ay isugu soo baxeen ee ay u muujiyeen shucuurtooda Waddanimo.

Dibad-baxan waxa u daba socday kuwii ka dhacay Hargeysa, Berbera iyo Ceerigaabo iyo magaalooyin  kale oo ka mid ah deegaanada Somaliland.