Kenya Iyo Djibouti Oo Si Adag Ugu Kala Fogaaday Kursiga Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay

0
733

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Kenya ayaa cabasho ka muujisay olole xoogan oo ay dawladda Djibouti waddo, kaas oo ku saabsan kursiga qaaradda Afrika ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Midowga Afrika ayaa wuxuu sanadkii hore ee 2019 kursigaas u caleemo saaray dalka Kenya oo gudaha Midowga Afrika kaga cod badatay Djibouti, iyadoo uu Midowga Afrika go’aankaas u gudbiyay New York si loo xaqijiyo in kursigaas uu Midowga Afrika u gartay Kenya.

Laakiin Djibouti ayaan joojin ololihii kursigaas ay ku doonaysay, waxaanay Kenya dhaqdhaqaaqa Djibouti ku tilmaantay mid ixtiraam darro ka muuqato oo ka soo horjeeda qawaaniinta Midowga Afrika.

Doorashada rasmiga ah ee kursigan ayaa bisha June ee sannadkan ka dhici doonta New York.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa Djibouti ku eedaysay inay garab martay go’aankii Midowga Afrika oo ay waddo olole ka dhan ah soo jeedinta Midowga Afrika iyo natiijadii ka soo baxday Midowga Afrika ee tartankii dhex maray kal hore.

Dawladda Djibouti ayaa iyaduna qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inay si sharci ah u hor istaagtay murashaxnimada Kenya ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo ay sheegtay inaanay ansixin  guddiga fulinta ee Midowga Afrika.

Gole lagu magacaabo PRC oo ah wakiilada joogta ah ee Midowga Affrika oo ah safiirada Midowga Afrika u qaabilsan dalalkooda ayaa waxay qoraal u qoreen safiirada Afrika ee New York jooga, waxaanay ka codsadeen inay tixgelin gaar ah siiyaan murashaxnimada Kenya ee kursigaas, waxaanay ku wargeliyeen in ay tartan ku galeen Addis Ababa dalalka Djibouti iyo Kenya oo ay Kenya ku guulaysatay inay kursigaas Afrika u metesho.

Golahan the Permanent Representatives Committee (PRC), ayaa awood u leh inay gaadhaan go’aamada cidda Afrika u metelaysa golaha ammaanka Qaramada Midoobay, waxaana awooda siiyay madaxweynayaasha Afrika.

Hase yeeshee Djibouti ayaa u muuqata inaanay u hoggaansamin soo jeedinta golahan iyo Midowga Afrika, waxaanay Djibouti sheegtay inay haysato taageerada dalal badan oo ay saaxiib yihiin, iyadoo Kenya ku eedaysay inaanay qaadi karin masuuliyada ammaanka Afrika.

Codayntaas uu Midowga Afrika qaaday bishii August ee sannadkii hore, ayaa waxay Kenya heshay 37 cod, halka ay Djibouti heshay 13 cod oo ka mid ah dalalka Midowga Afrika.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here