Cabdillaahi-Dheere Oo Ka Hadlay Kulankii Biixi Iyo Farmaajo

0
924

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane, oo xilka Wasiirka Waxbarashada ka soo qabtay Xukuumaddii Axmed Siillaanyo, horena u ahaa Xoghayaha Golaha Guurtida, ayaa sheegay in marnaba laga tanaasulin karin qaranimada Somaliland, isla markaana aanay ka mid noqon doonin  Somaliya,

Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Farmaajo inuu Somaliland ku sheego Gobolo Waqooyi waa ku khalad, garadkiisa ayaana siiyey, laakiin Farmaajo doorashadii ayaa ku soo dhaw, waxaanu doonaya inuu ololaha ku galo Somaliland ayaan la hadlay,dalnimada Somaliland sinaba loogama tanaasuli karo, Faradaal Somaliyeedna ma noqon karno, Maamul Goboleedna ma nihin, ee waxaynu nahay Qaran jira, oo Madaxweyne leh, oo Golayaal leh, oo xuduudo leh, Somaliyana waxaynu nahay dal jaar ah, oo jaarnimada iyo diinta ayuun baa inaga dhexeeysa, laakiin dawladnimo inaga dhexeyn kartaa ma jirto”.

Mar uu ka hadlayey kulankii dhexmaray Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Labada Madaxweyne dabcan wey kulmeen kulankoodana albaabada ayaa u xidhnaa, waxay ka wada hadleena lama oga, laakiin siday aniga ila tahay waxay ka wada hadleen sidii loo sii amba qaadi lahaa wada hadaladii, waxaa hubaal ah in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu mawqifkiisa Somalilandnimadu cad yahay, si yar oo fududna wax loo hoos dihgi karin”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here