Salaadiinta Beelaha Isaaq iyo Kuwa Dhulbahante oo Baaqyo kala Duwan ka yidhi Colaaddii Buq-dharkayn

0
398

“Beesha Habar-jeclo way is-difaaci doonta, laakin anigu dhaqan baan ahay oo marnaba Colaad ku Baaqi maayo” Boqor Cismaan Buur-Madow

Buq-dharkayn(geeska)-Dhiilo colaadeed ayaa dhawaan ka soo korodhay Deegaanka Buq-dharkayn iyo Yeylo ee ka tirsan gobolka Sool. Colaadan ayaa salka ku haysa, ka dib markii Ciidamo Maleeshiyo Beleedka khaatumo Dhulbahante dagaal Gaadmo ah ku soo qadeen deegaanka Buq-dharkayn, kaas oo geestay Khasaare naf iyo Maalba. Colaaada Buq-dharkayn ayaa ahayd mid ka duwan Dagaaladii u dhaxayn jiray Ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyaadka Khaatumo, ka dib markii Maleeshiyaadka Dhulbahante colaaada ku beegsadeen Beelaha degga Bur-dharkayn. Colaadda ka cusbonaatay deegaanka ayaa isbadalo badan ku keentay, xaalada nabad-galyo ee deegaanka ka jirata, waxayna u muuqatay mid u xuubsiibatay Colaad u dhaxaysa Beelaha deegaanka Wada dagan, gaar ahaan Dhulbahante iyo Isaaq.

Madax-dhaqameedka Beelaha Habar-jeclo ayaa colaada Buq-dharkayn ku tilmaamay mid deegaanka lagu soo qaaday hab-beelaysan, laguna gubay deegaanka buq-dharkayn, sidaa awgeedna ay colaada la qaateen Beelaha Dhulbahante, iskana difaaci doonaan. Ciidamada Deegaanka ayaa dib isaga saaray Maleeshiyaadkii ku soo duulay, Halka isimada dhaqanka Dhulbahante ay Nabad ku Baaqeen, kuna tilmaameen dagaalkii dhacay 8 dii Bishan ogosto mid khalad ah, raali galina ka bixinayaan, sidaa awgeedna ay Nabadna Diyaar u yihiin.

Baaqa Nabadda ee Isimadda Dhulbahante ayaanay wali ka jawaabin Salaadiinta dhaqanka beesha isaaq, gaar ahaan Beesha habar-jeclo. Hase ahaate, Waxa Shalay Madal Shir ka dhacday wadanka Ingiriiska hadal ka jeediyey Boqorka Cismaan Buur-Madow, wuxuna sheegay in Baaqa nabada Garaadada Dhulbahante ee nabada ah ay soo dhawaynayaan, Beeshuna ka jawaabi doonto. Boqor Cismaan Buur-madaw, ayaa tibaaxay in shacabkiisu Beryahaas hadalkiisa aad ula dhicin, Dalkana ka maqan yahay, hase ahaaate ay beesha habar-jeclo shir isugu iman doonto kaaas oo ay kaga  jawaabi doonto Baaq Nabadda Isimada Dhulbahante colaadii dhacday ka dib.

Boqorka ayaa dhaliil u jeediyey Beelaha Dhulbahante, kuna sheegay in aanay sidii la rabay uga hadal Nabadda, marka laga reebo Garaad Cabdilaahi Garaad Saleebaan (Garaadka Ugaadhyahan). Boqorku ayaa hadalkiisa ku daray “ Beesha Habar-jeclo way  is-difaaci doonta, laakin anigu dhaqan baan ahay oo marnaba Colaad ku Baaqi maayo”

Sidoo kale, Waxa isaguna madal ka hadlay Gudoomiyaha Gudidda Garxajis; Suldaan Axmed Cismaan (Cado-Gudde). Suldaanka ayaa ka hadlay xaalada colaadeed ee ka aloosan deegaanka Barri, gaar ahaan Buq-dharkayn iyo Yeyle. Suldaanka ayaa ku sheegay wax aad looga xumaado in degaan subax qudha lagu colaad lagu waabariisiyo.

Suldaan Cadde Gude ayaa Hadalkan ku sheegay in Gudidda Beelaha Garxajis si deg dega kulan isugu imanayo, kalankaas oo ay kaga arinsandonaan wixi kaga aadan Colaada la galiyey Beelaha Habar-jeclo. Suldaanka ayaa hadalkiisa raaciyey in anay ka aanay ka aamusayn si dhaqso ahna wixi kala gudboon ay soo saari donaan.
Ugu Dambayn, colaada Buq-dharkayn iyo Yeyle ayaa laga baqayaa in ay noqoto mid Beelaysan, isla markaana ku baahda dhamaan beelaha Isaaq iyo Daarood, hadii aan xal-nabadeed lagu soo dabaalin.