Kalfadhigii Golaha Wakiilada Oo Shalay Xidhmay

0
489

Picture1Hargeysa (Geeska)-Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa fasax dhan laba bilood galay, wakhti xaalad xasaasiya iyo khilaaf Siyaasadeed uu dalkii galay, taas oo walibana xeerar badan oo qabyo ahi u yaalan.

Kal-fadhigii ay Shalay yeesheen Xildhibaanada Golaha Wakiilada, waxa Shir gudoominayey Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, waxaana Kal-fadhigaas ka soo xaadiray goob joogna  ka ahaa  Xildhibaano aad u kooban, waxaana Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golahani u sheegay Xildhibaanadii Kal-fadhigaas ka soo xaaradiray inay muddo laba bilood ah oo ka bilaamaysa shalay ay fasax yihiin, sidaasna uu Goluhu ku xidhan yahay.