Halista Tirkoob U Dhuuntay Dawladda Somaliland Oo Ay Dawladda Somaliya Soo Bandhigay

0
554

Picture2Hargeysa(Geeska)-Dowladda Soomaaliya ayaa shalay soo bandhigtay waxa ay ugu yeedhay natiijada sahan la xidhiidha tirada dadka Soomaaliyeed ee ku nool 18-ka gobol ee Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto. Wasaaradda Qorsheynta iyo ikaashiga Caalamiga ah ee Somaliya ayaa Muqdisho ku soo bandhitay shalay sahanka oo lagu sheegay in qiyaasta dadka Soomaaliya ay tahay 12.3 malyuun oo qof. Tirakoobka ayaa lagu sheegay in 74% ay yihiin dad ka yar 30 jir, halka 10% ay yihiin dad barakacayaal ah.

Gobollada dadka ugu badan ay ku nool yihiin ayaa lagu sheegay; gobolka  Banaadir, gobolka Waqooyi Galbeed (Maroodijeex iyo Saaxil), Shabeellaha Hoose, Baay  iyo Togdheer , 

Shanta gobol ee ugu dadka yar waxaa lagu sheegay inay kala yihiin; Sool, Jubadda Dhexe, Jubbada Hoose, Nugaal iyo Bakool.

C/raxmaan Caynte, Wasiirka  Qorsheynta  iyo Iskaashiga caalamiga  oo wasaaradiisu ay soo bandhigtay sahanta tirakoobak dadka Soomaalida, ayaa sheegay in tirakoobkan uu yahay mid qiyaas ah, oo dhammaan maamullada Soomaaliya ay ka qeybgaleen. “Macluumaadka la soo bandhigay waa qiyaas, taas macneheedu waxay tahay, qiyaas xaggan uma dhaafsiisna, xagganna uma dhaafsiisna, taas macneheedu waxay tahay sahan iyo qiyaas waxbaa lagu dul dhisan doonaa, xog dhab ah ayaa haatan la geli doonaa ururintooda … Hannaankii lagu sameeyey wuxuu ahaa hannaan laga wada qayb galay, dawladda federaalka ah keligeed may lahayn, dawlad goboleedyadu way ka qayb galeen (Somaliland, Puntland iwm.), xogtan iyagaa ururiyey, 18-kii gobol ee Soomaalidu heshiiska ku ahayd 25 sano ayaana lagu saleeyey, taasina waa muhiim in laga wada qayb galay” ayuu yidhi Wasiirku.

Hay’adda UNFPA oo dawladda Somaliya kala shaqaynaysay xog ururintan ayaa sheegtay inaan sahanka xogtan lagu ururiyey suuro galeen haddii aanay door ka cayaarin Somaliland iyo Puntland. Waxayna qoraal ay ku baahiyeen boggooda ku sheegeen in tiro koobkan ay ka qabgaleen masuuliyiin metelayey Wasaaradaha qorshaynta ee Somaliland iyo Puntland oo la shaqaynaya Dawladda Federaalka ah.

Waa markii ugu horraysay ee Somaliland ay si rasmi ah uga qayb gasho hawlaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka waddo dhammaan gobolladdii ay ka koobnayd Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee burburtay.

Si la mid ah maamullada Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa xukuumadda Somaliland uga qayb qaadatay ururinta xogta uu soo bandhigay Wasiirka Qorshaynta.

Xogtan la ururiyey waxay ka marag kacaysaa sida ay si yar ugu faafayso siyaasadaha kala duwan ee dawladda Somalyia, waxaana xogtan lagu salaynayaa doorashooyinka ka dhacaya Somaliya oo dawladda Soomaaliya u aragto in Somaliland ay Iyana ka mid tahay.

Ra’iisul-wasaare kuxigeenka dowladda Somalia, Maxamed Cumar Carter oo isna ka hadlay goobta lagu so bandhigay sahanka ayaa sheegay in tirakoobka dadka Soomaaliyeed ee la soo bandhigay uu sahli doono in Somaaliya ay doorasho ka dhacdo sannadka danbe

“Waxaa kale oo iyadana jirta waxaa la gala marxalad cusub oo ah 2016  xitaa hadii la yiraahdo doorasho ayaa la galayaaan waxaa loo baahanyahay wax laga duulo ayay noqoneysaa oo aan la dhihin intaas ayaa meesha ku nool laakiin waxaa imaan karta meel laga duuli karo”. waxaa sidaa yiri Carte.

Dawladda Somaliland oo dhawr goor oo hore arrintan lagu cambaareeyay ayaan weli ka hadal. Inkastoo ay dawladu ogolaatay in hay’adda UNFPA ka fuliso hawshan gudaha Somaliland haddana waxa dawladda Somaliland la gudboon inaanay wax fudud u arag siyaasad qarsoon oo wakhti dambe dhibaato ku keenaysa umadda tashaday sida hawshan oo kale.