Kalagacalka Hooyadu Mar Buu Cudur Noqdaa Halis Ku Ah Mustaqbalka Ilmaha (Q.3)

0
587

Arimaha kale ee aad loogu bartay waxaa ka mid ahaa in aanu wax colaad toos ah u muujin jirin diimaha kale ee adduunyada ka jiray ama ay aaminsanaayeen qaybo ka mid ah dadka uu maamulayey. Taariikhyahankii Faransiis ee Ernest Lavisse oo noolaa intii u dhexeysay 1842 illaa 1922 ayaa isaga oo ka warramaya Maxamed Alfaatix waxa uu yidhi, “Maxamed kii labaad wax colaad ah uma uu haynin diimaha kale, arrintaas oo uu kaga duwanaa madaxdii kale ee Turkida iyo Mangooliyiintii..” Lavisse oo ka warramayey sida ay dadkii Kiristaanka ahaa ee reer Istanbuul u arkeen habdhaqankii dawladda Maxamed Alfaatix markii uu magaalada la wareegay, waxa ay sheegeen in uu ula mid ahaa uun Justinian kii ugu sarreeyey Roomaaniyiintii Bariga (Orthodox) ee madaxda ka ahaa Imbaraadooriyaddii Bisantiiniyiinta, “ .. waxa uu ahaa uun  Justinian oo muslim ah … Wadaadii Rooxaaniyiinta loo yaqaannay ee Ortodhox kuna waxa ay ku celcelinayeen (Ku salliyayeen) ammaanta waardiyaha diintooda ee yaabka leh. Waxa aanay mahadnaqa iyo ka manna sheegashadiisa ka sheegayeen munaasabad kasta”

Gerges Dolfin oo u dhashay jamhuuriyaddii Venesia ayaa goobjoog u ahaa xilligii ay Cusmaaniyiintu la wareegeen Qustantiiniya, waxa aanu ka marag kacay qaabdhaqankii dawladda Cusmaaniyiinta ee uu hoggaaminayey Maxamed Alfaatix, iyo tilmaamaha shakhsiyadda Suldaanka uu ka arkay “Waxa uu ahaa shakhsi aad u qosol yar, garaad badan, dheeldheel aan aqoonin, sharaf iyo qab lahaa, deeqsi ahaa, hal adayg lagu yaqaannay oo aan dabac ka muujin gaadhista yoolkiisa, aad ugu dadaali jiray akhriskta kutubta. Gaar ahaan waxa uu akhriyi jiray taariikhda Rooma, nolosha Baaderiyada u sarreeyey mad-haba kiristaanka, Taariikhdii ‘Histories of Herodotus’ iyo in badan oo ka mid ah kutubta taariikhda ee caanka ahayd. Maxamed Alfaatix waxa uu marmarka qaarkood ku raaxaysan jiray in lagu dul akhriyo kutubta oo uu isaguna dhegeysto. (Herodotus waxa uu ahaa taariikhyahan giriiggii hore u dhashay oo noolaa afar qarni ka hor Nebi Ciise ‘CS’.

Taariikhda The Histories of Herodotus waa diiwaan taariikheed uu qoray Heroddotus oo loo aqoonsan yahay in uu yahay dhigaalladii ugu horreeyey taariikhda dhaqan ee galbeedkam waxaa la qoray intii u dhexeysay 420 kii illaa 450 kii dhalashadii ciise ka hor. Diiwaankan taariikhiga ah oo ku qoran afka Giriiggii hore waxa uu ka warramayaa caadooyinka, siyaasadda, juqraafiga, loollannadii iyo colaadihii hore ee xilligaas dhaqanno kala duwan ku dhex maray gobalka badda dhexe iyo galbeedka Aasiya).

Suldaan Maxamed Alfaatix balwadda kale ee lagu tilmaamo in uu caashaqsan yaha ywaxa ay ahayd barashada iyo daraasaynta khariiradaha adduunka. Waxaa la sheegaa in dadkii sawiri jiray khariiradaha ee xilligiisii jiray ay u tartami jireen in ay u sameeyaan khariirado raalligeliya. In uu khariiradda iyo sida dhulka loo kala deggenaa xiisayn jiray waxaa marag kale u ah sida uu u danayn jiray in uu akhriyo kutubka cilmigaas ka warramaysa iyo in uu dadkiisa baro. Waxa uu amray in afka carabiga loo turjumo kitaabkii juqraafiga ahaa ee caanka ahaa ee Ptolemaeus.

Ptolemaeus waxa uu ahaa caalim ku xeeldheeraa cilmiga xisaabta, cilmi falagga iyo barashada dhulka, waxa uu sida oo kale xiddigiye caan ahaa oo ka soo jeeday giriiggii hore, waxa aanu noolaa intii u dhexeysay sannadkii 100 ilaa 170 miilaadiga. Kutub uu qoray ayaa uu ka mid yahay kitaabka ‘Juqraafiga’ uu u bixiyey ee uu markan dambe Suldaan Maxamed Alfaatix amray in afka carabiga loo rogo si muslimiintii xilligaasi ay uga faa’iidaystaan.

Buugtaas ayaa muhiimaddoodu ay aad u soo baxday xilligii imbaraadooriyaddii Bisantiiniyiinta, khilaafadji mmuslimiinta iyo dunida reer galbeedka oo uu cilmiga sayniska saamayn ku yeeshay. Suldaan Maxamed Alfaatix muddadii uu xilka hayey waxa uu hirgeliyey in dawladdiisa lo osameeyo khariirad muujinaysa dunida oo dhan, iyo khariirad u gaar ah magaalada Istanbuul.

Marka laga tago xiisaha gaarka ah ee uu Suldaan Maxamed Faatix u muujiyey horumarinta waxbarashada, iyo daryeelka dadka cilmiga aqoonta u leh, sugaanyahanka iyo dadka xeeladaha dagaalka yaqaanna, waxa kale oo uu caan ku ahaa aqoonta farsamada gacanta iyo tumaalnimada. Tusaale ahaan waxa uu samayn ogaa fargallada ay isticmaalaan waranleydu, kooraha iyo xakamaha fardaha iyo seefaha. Waxa kale oo uu aad u jeclaan jiray qodaalka oo uu ahaa beerwale xirfaddiisa beeralenimo aad u sarrayso, waqtiyadiisa firaqadana waxa uu ku qaadan jiray qodaalka beerta iyo beeristeeda.

Maxamed Alfaatix oo aad u jeclaa noocyada Isboortigu muddadii uu xilka hayey waxa uu aad u dhiirrigeliyey horumarinta isboortiga iyo ciyaaraha jidh dhiska. Marar kala duwan ayaanu booqan jiray goobaha lagu ciyaaro, sida oo kale waxa uu aad u samayn jiray ugaadhsiga oo uu mar kasta oo fursadi u saamaxdo u bixi jiray. Waxa uu Istanbuul ka sameeyey garoon dhugtanka lagu sameeyo oo leh xeerar la mid ah kuwa ciyaaraha lagu tartamo.