Kala Badh Afafka Dunida Maanta Lagaga  Hadlaa Dhaqso Ayaa Ay U Dabargo’i Doonaan

32
3334

London (Geeska)- Warbixin uud aabacay wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in 2500 oo a foo ka mid ah afafka dunida maanta lagaga hadlaa ay dhaqso u dabargo’i doonaan.

Wargeyska oo soo xiganaya hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan sayniska dhaqanka iyo barbaarinta ee UNESCO ayaa intaas ku daray in afafkaas badankoodu ay imikaba dirqi ku nool yihiin, oo qaarkood dadka ku hadlaa aanay ka badnayn 30 ruux oo keliya. Waxa kale oo ay warbixintu sheegtay in boqolkiiba 50 afafka dunida lagaga hadlaa in ay dabargo’i doonaan.

Hay’adda Qaramada Midoobey ee UNESCO ayaa afafka ay sheegtay in ay dabargo’ayaan waxa ay ku qiimaysay shuruudo shan ah, kuwaas oo ah halbeeg lagu garto afafka sii jiraya iyo kuwa aan sii jirin karin.

  1. Af khatar u ah in uu tirtirmo

Af caruurta iyo guriga gudihiisa ku sii hadhay: Waa afafka ku sii hadhay uun guryaha gudahooda, inta badanna ay ku sii hadlaan oo keliya waalidka iyo carruurtoodu, laakiin carruurtu aanay dibadda guriga ula bixin ee guriga gudihiisa ku kooban, marka ay baxaanna af kale ay bulshada kula xidhiidhayaan.

  1. Af khatar si run ah khatar ugu ah tiritran

Af gurigana ka baxay: Marka afku uu gaadho heer aan xitaa guriga gudihiisa lagaga hadlin, oo carruurta qoyska ee dhalataa aanay baran, lagulana hadlin, iyada oo uu haddana yahay afkoodii hooyo, waxa ay taasi calaamad u tahay in afkaasi uu dabargo’ ku socdo, oo aakhirka sidaas kaga dhex baxayo xidhiidhka bulshada.

  1. Luuqad khatarta haysataa aad u weyn tahay

Waa af ku hadhay dadka waaweyn iyo jiilashii hore oo keliya. Marka afku uu gaadho heer cidda si fiican ugu hadli kartaa ay tahay awoowyada iyo jiilkooda. Waalidkuna uu noqdo keliya in uu fahmo, laakiin aanu carruurtiisa barin ama kula hadlin, xitaa aanay labada waalid iyo jiilkoodu ku wada hadlin, waa calaamad muujinaysa in afkaasi uu ku jiro xaalad aad u khatar ah.

  1. Af in ay aad u weyn tahay khatarta ah in uu tirtirmo

Waa af dadka ugu da’da yar ee ku hadlaa ay yihiin awoowyada iyo dadka da’daas ahi, weliba waqtiyada ay ku hadlaanna ay aad u kooban yihiin ama ay dhif tahay in la arko iyaga oo afkan ku hadlaya. Marka ay xaaladdu halkaas gaadho waa calaamad muujinaysa in khatarta ah in uu afkani tirtirmaa ay aad u weyn tahay.

  1. Af tirtirmay:

Waa aanay jirin cid ku hadhashaa. Oo keliya taariikhda lagu hayo in uu waqti waqtiyada ka mid ah jiri jiray afkan oo uu lahaa cid ku xidhiidha oo isku fahamta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here